Imisa nabi ayaa carab ahaa

imisa nabi ayaa carab ahaa

Waxaa lays weydiyaa meeqa nabi ayaa carab ahaa ?

Nabiyada carabta ahaa quraanka waa lagu sheegay sida aayadahan ku cad:

Alle wuxuu soo diray rusub badan wuxuu u waxyooday nabiyaal badan, tiradooda dhabta ah Alle kaliya ayaa og qaar quraanka ayaa lagu sheegay qaarna laguma sheegin sida Alle yiri:

 وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًا مِّن قَبْلِكَ مِنْهُم مَّن قَصَصْنَا عَلَيْكَ وَمِنْهُم مَّن لَّمْ نَقْصُصْ عَلَيْكَ ۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِيَ بِآيَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ فَإِذَا جَاءَ أَمْرُ اللَّهِ قُضِيَ بِالْحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ الْمُبْطِلُونَ

Waxan dirray rasuullo adiga hortaa Waxaa ka mid ah kuwo aan kaaga qisoonay iyo kuwo aanaan kaaga qisoonin, rasuulna aayad (mucjisad) ah idiin Lama imaan karo Eebe la’aantiis hadduuse yimaado amarka Eebe (cadaabkiisu) waxaa la Xukumi xaq waxaana ku khasaaray halkaas kuwa Xumaanlowga ah.

إِنَّا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ كَمَا أَوْحَيْنَا إِلَىٰ نُوحٍ وَالنَّبِيِّينَ مِن بَعْدِهِ ۚ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالْأَسْبَاطِ وَعِيسَىٰ وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَارُونَ وَسُلَيْمَانَ ۚ وَآتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا ‎﴿١٦٣﴾‏

وَرُسُلًا قَدْ قَصَصْنَاهُمْ عَلَيْكَ مِن قَبْلُ وَرُسُلًا لَّمْ نَقْصُصْهُمْ عَلَيْكَ ۚ وَكَلَّمَ اللَّهُ مُوسَىٰ تَكْلِيمًا ‎﴿١٦٤﴾

‏ رُّسُلًا مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى اللَّهِ حُجَّةٌ بَعْدَ الرُّسُلِ ۚ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا ‎﴿١٦٥﴾

Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zabuur. *
iyo Rasuullo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal. *
Waa Rasuullo Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana waa Adkaade Falsan.

Marka intooda badan waxaa laga soo saaray reer banii israa’iil

Anbiyada Carabta lagasoo saaray

Imisa nabi ayaa carab ahaa
Imisa nabi ayaa carab ahaa

Waxaa carab laga soo saaray oo ka mid ah anbiyada quraanka lagu sheegay

 

Nabi Huud (cs) Alle wuxuu yiri:

وَإِلَى عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا .. {هود:50}،

Caadna waxaa Ioo diray Walaalkood Nabi Huud,

Nabi Saalax (cs) Alle wuxuu yiri:

وَإِلَى ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا.. {هود:61}،

Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax

Nabi Shucayb Alle wuxuu yiri:

وَإِلَى مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا .. {هود:84}،

Madyanna waxaan u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb,

Nabi Muxammad (scw):

Alle wuxuu yiri:

إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ بِالْحَقِّ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَإِنْ مِنْ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٌ {فاطر:24}،

Annagaa kugu dirray xaq adoo bishaarayn oo digi, umadaan udige loo dirinna ma jirto.

 وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ {سبأ:28}

Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu’miniinta, una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga.

Dad badan ayaa is weydiiyo anbiyada carabta iyo reer banii Israa’iil kaliya miyaa lagasoo saaray

Jawaabta waxay noqonaysaa Alle wuxuu soo diray rusulo aad u badan qaar lamaba sheegin dadka laga soo saaray iyo waqtiga lasoo diray.

Sida aayadaha quraanka kariimka inoo sheegayaan.

Ilaahay (SW) wuxuu abuuray umado fara badan oo dunida ku baahsanaa wuxuuna sheegay umad kaste inuu u diray rasuul wuxuu yiri:

(إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ بِالْحَقِّ بَشِيرًا وَنَذِيرًا ۚ وَإِن مِّنْ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٌ)

(Annagaa kula dirnay xaq adoo bishaaraynaya oo digiya, umadaan  dige loo dirinna ma jirto).

Imisa nabi ayaa carab ahaa
Imisa nabi ayaa carab ahaa

Waxaa laga wariyay saxaabiga Abuu Thar (RC):

 

عن ‏أبي ذر رضي الله عنه قال : قلت يا رسول الله ، كم المرسلون ؟ قال : ثلاثمائة وبضعة عشر ‏‏، جما غفيرا . ‏
وفي رواية أبي أمامة قال أبو ذر : قلت يا رسول الله: كم وفاء عدة الأنبياء ؟ قال : مائة ‏ألف ، وأربعة وعشرون ألفا ، والرسل من ذلك: ثلاثمائة وخمسة عشر ، جما غفيرا .‏

 

(Waxaa laga wariyay Abuu Thar (RC) wuxuu yiri: waxaan iri: rasuulkii allow rususha waa immisa? wuxuu yiri sedex boqol iyo dhowr iyo toban, wax aad u badan)  riwaayada Abuu Umaama wuxuu yiri Abuu Thar: waxaan iri rasuulkii Allow tirada anbiyada waa meeqa? wuxuu yiri boqol iyo labaatan iyo afar kun, rusushana sidaas oo kale sedex boqol iyo toban iyo shan wax aad u badan)

Waxaa wariyaya ibnu Xibbaan

 

 

Afrta nabi oo is dhalay iyo anbiyada dhashay

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More