Abaalka khiyaanada waa maxay?

Khiyaanada iyo dhagarta  waxay ka mid tahay waxyaalaha qofka aadanaha dhib weyn u keena adduun iyo aakhiraba khiyaanada qofka ku kaca astaan ayaa loo yeelayaa oo lagu garto,  khiyaanada noocyo badan ayay yeelan kartaa si kaste ha ahaatee waa xaaraan.

albaabka khiyaanada kuu furayo waa jidka xun oo beenta kugu xambaarayo, qofka beenta sheegaya khiyaanada waxba lama ah.

Abaalka khiyaanada waa maxay?
Abaalka khiyaanada waa maxay?

Qofka muslinka ah waxaa waajib ku ah inuu ka fogaado qiyaanada.

Dumarka iyo raba waa laga rabaa inay ka dheeraadaan khiyaanada.

Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu caddeeyay in khiyaanada amaanada ay qofka ku tahay dulli iyo qoommomo maalinta qiyaame wuxuu yiri:

(إِذَا جَمَعَ اللهُ الْأَوَّلِينَ وَالْآخِرِينَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ، يُرْفَعُ لِكُلِّ غَادِرٍ لِوَاءٌ ، فَيقال: هَذِهِ غَدْرَةُ فُلَانِ بْنِ فُلَانٍ)

(Markuu Ilaahay kulmiyo dadkii hore iyo dadkii dambe maalinta qiyaame, qof kastoo khiyaanoole ah waxaa loo taagaa calan, waxaa la dhahaa: middan waa khiyaanada hebel ina hebel), wuxuuna noqonayaa qof Alle la doodayo maalinta qiyaame wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – :

(ثَلَاثَةٌ أَنَا خَصْمُهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ، وَمَنْ كُنْتُ خَصْمَهُ خَصَمْتُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ : رَجُلٌ أَعْطَى بِي ثُمَّ غَدَرَ ، وَرَجُلٌ بَاعَ حُرًّا فَأَكَلَ ثَمَنَهُ ، وَرَجُلٌ اسْتَأْجَرَ أَجِيرًا فَاسْتَوْفَى مِنْهُ وَلَمْ يُوفِهِ أَجْرَهُ)

(Seddex anaa la doodayo maalinta qiyaame, qofka aan la doodana waan ka badiyaa maalinta qiyaame: qofka qof ballan darteyda u siiyay kadib buriyay, qof iibiyay qof xor ah kaddibna lacagtiisa cunay, qof kireysatay shaqaale oo shaqada ka dhammeystay lacagtiisana aan siinin).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More