Afarta nabi oo is dhalay iyo anbiyada dhashay

Afarta nabi oo is dhalay iyo anbiyada dhashay

Afarta nabi ee is dhalay waa arrin quraanka lagu sheegay, waxaa kusoo arooray aayado quraan ah, afartaas nabi (naxariis iyo nabadgalyo korkooda ha ahaatee)  waa sidan tan:

Afarta Nabi is dhalay

 

1- Nabi Ibraahiim     عليه السلام

2- Nabi isxaaq          عليه السلام

3- Nabi Yacquub        عليه السلام

4- Nabi Yuusuf    عليه السلام

 

Wuxuu yiri Alle:

 

(وَكَذَٰلِكَ يَجْتَبِيكَ رَبُّكَ وَيُعَلِّمُكَ مِن تَأْوِيلِ الْأَحَادِيثِ وَيُتِمُّ نِعْمَتَهُ عَلَيْكَ وَعَلَىٰ آلِ يَعْقُوبَ كَمَا أَتَمَّهَا عَلَىٰ أَبَوَيْكَ مِن قَبْلُ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ)

(Saasuuna kuu doortay Eebahaa kuuna baray fasiraadda Riyada iyo Xaddithyada, kuuna taam yeeli Nicmadiisa korkaaga iyo Yacquub Ehelkiisa siduu ugu taamyeelay Labadaadii Waalid mar hore (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Isxaaq Eebahaana waa oge falsan).

 

(وَاتَّبَعْتُ مِلَّةَ آبَائِي إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۚ مَا كَانَ لَنَا أَن نُّشْرِكَ بِاللَّهِ مِن شَيْءٍ ۚ ذَٰلِكَ مِن فَضْلِ اللَّهِ عَلَيْنَا وَعَلَى النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ) ‎

(waxaana raacay milladda (Diinta) Aabayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, Nuguma habboona inaan la wadaajinno Eebe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebe ee korkannaga iyo Dadkaba, laakin Dadka badankiisu kuma shugriyaan).

 

Nabi iraahiim wuxuu kaloo dhalay nabi Ismaaciil oo uu kasoo farcamay ubadkiisa nabi Muxamed, markii la dhalay nabi Ismaaciil waxaa la keenay isaga iyo hooyadiisa magaalada Makka, kaddib meesha ayuu ku barbaaray wuxuu guursaday haweeney carabta Jurhum ah oo ka mid ah dadkii yaman kasoo guuray, kaddib beesha Querysh isaga ayay kasoo farcantay.

Wuxuu yiri nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(الْكَرِيمُ ابنُ الكَرِيمِ ابْنِ الكَرِيمِ ابْنِ الكَرِيمِ: يُوسُفُ بنُ يَعْقُوبَ بنِ إسْحاقَ بنِ إبْراهِيمَ، عليهمُ السَّلاَمُ)

Waxaa wariyaya Bukhaari
Afarta nabi oo is dhalay iyo anbiyada dhashay
Afarta nabi oo is dhalay iyo anbiyada dhashay

Waxaa ka mid ah anbiyada is dhalay oo quraanka lagu sheegay

Nabi Daawuud oo dhalay Nabi Suleymaan  (naxariis iyo nabadgalyo korkooda ha ahaatee).

Wuxuu yiri Alle:

 

 (وَوَهَبْنَا لِدَاوُودَ سُلَيْمَانَ ۚ نِعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ )

(Waxaan siinnay Nabi Daa’uud (wiikiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec (Eebe) oo fiican toobad keen badan).

 

(وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ ۖ وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيْءٍ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ الْفَضْلُ الْمُبِينُ)

(Wuxuuna Dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi Dadow waxaa nala Baray Codka Shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo Xukun ah) kaasina waa Fadliga Cad).

 

Waxaa k mid ah anbiyada is dhalay oo quraanka xusay

Nabi Zakariya oo dhalay nabi Yaxya (naxariis iyo nabadgalyo korkooda ha ahaatee).

Wuxuu yiri Alle:

 

(وَزَكَرِيَّا إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ رَبِّ لَا تَذَرْنِي فَرْدًا وَأَنتَ خَيْرُ الْوَارِثِينَ ‎    *    فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَوَهَبْنَا لَهُ يَحْيَىٰ وَأَصْلَحْنَا لَهُ زَوْجَهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَيَدْعُونَنَا رَغَبًا وَرَهَبًا ۖ وَكَانُوا لَنَا خَاشِعِينَ    ‏)

(Zakariyana (Xusuuso) markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee» * Waana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca).

Waxaa jira anbiyo dhashay waa Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun waxay ahaayeen walaalo, wuxuu yiri Alle:

 

(وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ وَجَعَلْنَا مَعَهُ أَخَاهُ هَارُونَ وَزِيرًا)

(Waxaana Siinay Nabi Muuse Kitaabkii Waxaana ka Yeellay la Jirkiisa Walaalkiis Haaruun Wasiir).

 

 (وَأَخِي هَارُونُ هُوَ أَفْصَحُ مِنِّي لِسَانًا فَأَرْسِلْهُ مَعِيَ رِدْءًا يُصَدِّقُنِي ۖ إِنِّي أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ ‎  *   ‏  (قَالَ سَنَشُدُّ عَضُدَكَ بِأَخِيكَ وَنَجْعَلُ لَكُمَا سُلْطَانًا فَلَا يَصِلُونَ إِلَيْكُمَا ۚ بِآيَاتِنَا أَنتُمَا وَمَنِ اتَّبَعَكُمَا الْغَالِبُونَ ‎  ‏

(Walaalkay Haaruunbaana iga Fasiixsan Carrabka (Hadalka), ee Ila Dir Xoojin ha ii Rumeeyee, waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan  * Wuxuu yidhi (Eebe) waannu ku Xoojin Cududdaada Walaalkaa waxaana idiin yeeli Xujo Idimana Gaadhayaan (Dhibkiinna) aayaadkanaga Dartood, Idinka iyo Inta idin Raacday yaana Adkaan).

 

Waxaa ka mid ah anbiyada walaalaha ah Nabi Isxaaq iyo Nabi Ismaaciil sida horey aan kuugu soo sheegnay.

Marka waa nimco Alle siiyay oo aan lasoo koobi karin.

Nabi Muxamed wuxuu kasoo jeedaa Faraca Nabi Ibraahiim
Nabi Muxamed wuxuu kasoo jeedaa Faraca Nabi Ibraahiim

Imisa Nabi ayaa jiray oo Alle waxyi kusoo dejiyay

 

Daaqo muuqaal kuusoo duuduubaya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More