Fasirka xadiiska dumarka caqliyarida iyo diin yarida ku tilmaamay

Su’aasha:

Asalamu Aleikum Walal Waxan Rabaa Inaad Aad Xaadiith kan Sawabta Loso Dejiyey iyo Xikmadaha Ku jira Waayo dumar badan baa Inta badan dhinacas Naga So gala Ayago Xadiith ka Farxumeynaya mise been ka sheegaya marka Ino faafahi Insh Allah

Fasirka xadiiska dumarka caqliyarida iyo diin yarida ku tilmaamay
Fasirka xadiiska dumarka caqliyarida iyo diin yarida ku tilmaamay

Jawaabta:

Fahanka diinta wuxuu u baahan yahay nusuusta oo dhan in laysu keeno, haddii aad kala gooyso macne kale ayaa kuusoo baxayo oo si qalad loo adeegsan karo.

Marka hore naska xadiiska ayaan soo aroorinayaa waa xadiis Bukhaari iyo Muslin ay wariyeen oo laga wariyay Abuu Saciid Alkhudri:

(عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ قَالَ: خَرَجَ رَسُولُ اللَّهِ -صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ- فِي أَضْحَى أَوْ فِطْرٍ إِلَى الْمُصَلَّى، فَمَرَّ عَلَى النِّسَاءِ، فَقَالَ: “يَا مَعْشَرَ النِّسَاءِ، تَصَدَّقْنَ، فَإِنِّي أُرِيتُكُنَّ أَكْثَرَ أَهْلِ النَّارِ” فَقُلْنَ: وَبِمَ يَا رَسُولَ اللَّهِ؟ قَالَ: “تُكْثِرْنَ اللَّعْنَ، وَتَكْفُرْنَ الْعَشِيرَ، مَا رَأَيْتُ مِنْ نَاقِصَاتِ عَقْلٍ وَدِينٍ أَذْهَبَ لِلُبِّ الرَّجُلِ الْحَازِمِ مِنْ إِحْدَاكُنَّ” قُلْنَ: وَمَا نُقْصَانُ دِينِنَا وَعَقْلِنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ؟ قَالَ: “أَلَيْسَ شَهَادَةُ الْمَرْأَةِ مِثْلَ نِصْفِ شَهَادَةِ الرَّجُلِ؟” قُلْنَ: بَلَى. قَالَ: “فَذَلِكِ مِنْ نُقْصَانِ عَقْلِهَا. أَلَيْسَ إِذَا حَاضَتْ لَمْ تُصَلِّ وَلَمْ تَصُمْ؟” قُلْنَ: بَلَى. قَالَ: “فَذَلِكِ مِنْ نُقْصَانِ دِينِهَا” )

(Abuu Saciid Alkhudri ayaa laga wariyay wuxuu yiri: Nabiga (SCW) ayaa u soo baxay ciid Fidri ama Adxaa) meesha lagu tukado, dumarka ayuu soo maray wuxuu yiri: dumarow sadaqeysta waxaan idin ku arkay inaad naarta ku badan tihiin, waxay dhaheen: maxaa rasuulkii Allow? wuxuu yiri: lacnadda ayaad badisaan ninka waad dafirtaan, ma arkin kuwo naaqus ah xagga caqliga iyo diinta oo tagsiis badan caqliga ninka oo go’aanka leh, waxay dhaheen: rasuulkii allow naaquska diinteena iyo caqligeena waa maxay? wuxuu yiri: miyaysan ahayn markhaatifuridda naagta mid ah nuska midda ninka? waxay dhaheen: haa wuxuu yiri: middaas waa naaquska caqligeed,  sow ma aha midaan tukanin oon soomin markay caado ku dhacdo? waxay dhaheen: haa, wuxuu yiri: middaasna waa naaquska diinteeda)

Xadiiskan aad bay u keensadaan dadka gaalada oo duri raba islaamka , xadiiska wuxuu ka hadlayaa farqiga guud ee u dhexeeya ninka iyo naagta farqigaas lama inkiri karo waa waaqac muuqda xataa gaalada ma inkiri karaan, ninka iyo naagta waa labo makhluuq Alle isku dhammaystiray ninka ayuuna ka dhigay hoggaamiyaha, taasna taariikhda koonka ayaa kuu sheegaysa intaan diinta la gaarin, tusaale ahaan dowladda maraykanka waxaa la aasaasay 1776-kii waxaa soo martay 40 madaxweyne in ka badan ilaa iyo hadda hal naag looma dhiibin, marka beenta la wadwado waa iska been, halkaan kuma soo koobi karo farqiga ku dhexeeya ninka iyo naagta, xaalado waa la heli karaa naagta inay ninka ka karti badnaato ama ay ahaato mid ka fiican ninka xagga diinta aqoonta iyo caqliga marka fardi fardi aan u eegno, taasna kama hor imaanayso xadiiska ama aayadaha tilmaamay farqiga u dhexeeya ninka iyo naagta.

Marka qofka muslinka ah wixii Alle ka sugnaado wuu qaadanayaa asoon u raadinin sabab, laakin qofka gaalka xataa asoo u jeedo sababaha ma qaato.

Waxyaalaha la yaabka leh waxaa ka mid ah gaalada markay u fasaxeen raga inay dumar isu baddali karaan dumarkana rag, waxaa dhacday raga dumarka iska soo dhigay tartan markay galaan way ka guulaystaan dumarka dabiiciga ah, heer hadda la mamnuuci rabo raga dumarka iska dhigay inaysan tartan la galin naagaha dabiiciga ah, taas cadaalad darro ayay noqonaysaa sidaasna siyaasiyiin badan oo reer galbeed ah ayaa dhahay, ninka haddii magaca laga baddalo oo naaso loo sameeyo sida dumarka uu u labisto xaqiiqadiisa gudaha iyo abuurkiisa isma baddalayaan been yaan laysku sheegin, waxaa kaloo la yaab ah goor dhow waxaa dhacday nin naag isu baddalay ayaa xabsi la dhigay waana maraykanka meesha, xabsiga dumarka ayaa la galiyay waxaa lagasoo qaaday inuu naag yahay labo naag ayuu xabsiga ku uureeyay!!! warkan waxaa laga baahiyay goobaha warbaahinta reer galbeedka oo dhan, waxaad dareemaysaa oraahda Allaha sarreeya inay xaq tahay:

(وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالْأُنثَىٰ)

(Labna la mid ma aha dhaddig)

Markaan kuusoo duuduubo ninka iyo naagta waa sida furaha iyo qufulka, mid kaste kaalin buu leeyahay mid kaligiisana wax qiime uu leeyahay ma jirto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More