Riyada dhismaha iyo dabaqa seddexaad

Su’aasha:

Waxaan kale on Ku riyooday anigoo joogo sar dabaq ah waxaana raadinaayay qeebta koowaad ee sartaas dabaqa ah waxaa ila socday nin fuundi camal ah waxaan tagnay qeebtii sadaxaad nin baan aragnay waxuuna ina tusay labarka aan joogno waxuu ina yiri qeebtani waa sadaxaad kadib ninkii Ila socday ee fuundiga u ekaa ayaa ciid iyo shamiito isku qasan oo qaybta sadaxad taalay ayuu badiil kuso daray yacni kasoo qaatay asoo badiil kuso qatay halmar kadib intaan sarta good uga so dagnay waxaan arkay kuwo u shaqeeya home affairs meesha waxaanba mooday meeshi sharciga laga qadanaayay.

Riyada dhismaha iyo dabaqa seddexaad
Riyada dhismaha iyo dabaqa seddexaad

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa shaqo inaad ku jirto oo aad raadinayso nolol fiican waliba waxay wadataa bishaaro ah inay kuu soo socdaan waxyaabo badan oo khayraad ah sidoo kale inaad dhisi doonto mustaqbalkaaga sidoo kale nambarka 3 riyada marka lagu arko wuxuu tilmaamaa nasiib fiican, sidoo kale hanti badan, illeen riyada dabaqa seddexaad ayaad tagteen taasoo astaan u ah inaad dantaada gaarayso marka ugu dambaysa, waa bishaaro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More