Culimadu markay axaadiista rasuulka scw fasirayaan maxay udhahaan “aw kamaa qaal”

Su’aasha:

Walal culimadu markay axaadiista rasuulka scw fasirayaan maxay udhahaan “aw kamaa qaal” ama “calaa macnal xadiith” iwm.

Culimadu markay axaadiista rasuulka scw fasirayaan maxay udhahaan "aw kamaa qaal"
Culimadu markay axaadiista rasuulka scw fasirayaan maxay udhahaan “aw kamaa qaal”

Jawaabta:

Ereyga   أو كما قال   ama  على معنى الحديث  waxaa la adeegsadaa qofka marka uusan xifdisnayn ereyada xadiiska nabawiga oo nabiga (SCW) laga wariyay, wuxuu diidayaa inuu ereyo soo arooriyo oo uusan nabiga (SCW) dhihin, marka wuxuu dhahaa  أو كما قال   mise على معنى الحديث , haddii sidaas uusan dhihin oo erey xadiiska aan ku jirin uu nabiga u tiiriyo taas waxay keeni kartaa inuu ku been abuurto xadiiska rasuulka (SCW), maxaayeelay rasuulka (SCW) wuxuu yiri:

(مَن كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ)

(qofkii igu been abuurto asoo kas ay ka tahay fadhigiisa naarta haka diyaarsado).

Marka taas iyadoo taas layska ilaalinayo ayaa la adeegsadaa ereyda aad sheegtay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More