Soonka caafimaadka iyo ajirka laga helo

Soonka caafimaadka iyo ajirka laga helo

Ilaahay umadda muslinka wuxuu ku mannaystay bisha soon, runtii waa bil aad u barakaysan oo laga helayo ajir badan iyo sawaab aan lasoo koobi karin sida axaadiista rasuulka (SCW) badankooda ay sheegeen.

Soonka caafimaadka iyo ajirka laga helo
Soonka caafimaadka iyo ajirka laga helo

Soonka wuxuu leeyahay waxyaabo aysan lahayn cibaadaadka kale, marka qofka islaamka haysta waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo soonka bisha ramadan.

Nabiga (SCW) xadiis qudsi ayuu ku sheegay wuxuu yiri:

 

(قال اللهُ تعالى : كُلُّ عَمَلِ ابنِ آدمَ لَهُ ، إِلَّا الصيامَ ، فَإِنَّهُ لِي ، وَأَنا أَجْزِي بِهِ ، والصيامُ جُنَّةٌ)

(Allaha sare ayaa yiri: camal kaste aadanaha sameeyo isagaa leh soonka mooyee anaa iska leh anaana ka abaalmarinaya, soonkana waa gaashaan) rd

 

Taas waa xagga ajirka diiniga laakin marka laga eego xagga caafimaadka soonka wuxuu u fiican yahay caafimaadka jirka, wuxuu daaweeyaa cudurro badan, jirrooyinka qaarkooda soonka ayay ku saamoobaan, sida cudurka kansarka, dhakhaatiirta waxay sheegeen qofka kansarka qaba marka uu soomo soonka wuxuu joojiyaa unugyada kansarka badashadooda, sidoo kale unugyada hallaysan ayuu ka saaraa jirka wuxuu dhisaa kuwo cusub, sidoo kale dhibaatooyin badan jirka la soo gudboonaanaya ayuu xalliyaa soonka.

Laakin qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu u soomo dar Alle si uu u fulin lahaa amarka Ilaahay si u ajir uga helo, faa’idooyinka uu leeyahayna waa dheeraad xagga Alle ka yimid, taasna waxay tilmaamaysaa Alle marka uu wax jideeyo inuu xigmad weyn ka leeyahay.

 

Soonka maalindhaafka caafimaadka dhib ma u keenayaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More