Ducada dabka loo akhristo waa maxay

Dabka wuxuu ka mid yahay waxyaalaha halista ku ah nolosha aadanaha markuu dab meel ka kaco wax badan ayuu burburiyaa naf iyo hantiba haddii aan dhaqsi lagu daminin wax badan ayuu tirtirayaa.

Ducada dabka loo akhristo waa maxay
Ducada dabka loo akhristo waa maxay

Guud ahaan duco gaar ah kuma soo aroorin nusuusta shareecada islaamka oo dabka lagu damiyo, laakin waxaa jirta nusuus lagaga duceysan karo dabka ama gubashada dabka ka dhalanaysa, xadiis ayaa kusoo arooray arrinkaas waxaa laga wariyay Abulyusr (RC) wuxuu yiri rasuulkii Alle (SCW) ayaa dhihi jiray:

( الَّلهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنَ التَّرَدِّي وَالهَدمِ وَالغَرَقِ وَالحَرِيقِ ، وَأَعُوذُ بِكَ أَن يَتَخَبَّطَنِي الشَّيطَانُ عِندَ المَوتِ ، وَأَعُوذُ بِكَ أَن أَمُوتَ فِي سَبِيلِكَ مُدبِرًا ، وَأَعُوذُ بِكَ أَن أَمُوتَ لَدِيغًا )

(Ilaahayow waxaan kaa magangalayaa halaagga iyo dumitaanka iyo habqashada iyo gubashada, waxaan kaa magangalayaa inuu shaydaan i dardaro markaan dhimanayo waxaan kaa magangalayaa inaan ku dhinto jidkaagaa anoo ka jeedsaday waxaan kaa magangalayaa inaan dhinto anoo wax i qaniinay (sida mas ama abeeso oo kale))
Waxaa jira axaadiis dafiif ah oo ku soo aroortay marka dab kaco ducooyin ama adkaar la akhrisanayo waxaa ka mid ah xadiiskan:

جاء رجل إلى أبي الدرداء رضي الله عنه فقال : يا أبا الدرداء قد احترق بيتك . قال : ما احترق ، قد علمت أن الله عز وجل لم يكن ليفعل ذلك لكلمات سمعتهن من رسول اللَّه صلى الله عليه وسلم ، من قالهن أول نهاره لم تصبه مصيبة حتى يمسي ، ومن قالهن آخر النهار لم تصبه مصيبة حتى يصبح : اللهم أنت ربي ، لا إله إلا أنت ، عليك توكلت وأنت رب العرش العظيم ، ما شاء الله كان ، وما لم يشأ لم يكن ، لا حول ولا قوة إلا بالله العلي العظيم ، أعلم أن الله على كل شيء قدير ، وأن الله قد أحاط بكل شيء علمًا ، اللهم إني أعوذ بك من شر نفسي ، ومن شر كل دابة أنت آخذ بناصيتها ، إن ربي على صراط مستقيم .

Nin ayaa u yimid Abuu addardaa (RC) wuxuu ku yiri: Abuu addardaa’ow gurigaaga ayaa gubtay, wuxuu yiri: ma gubanin, waxaan ogaaday in Alle (CW) uusan taas sameynaynin kalmado awgood aan ka maqlay rasuulkii Alle (SCW) qofkii akhristo bilowga maalintiisa musiibo ma qabsato ilaa uu fiidka ka gaaro, qofkii dhamaadka maalintii akhristana musiibo kuma dhacdo ilaa uu subaxdii ka gaaro (waana kuwan):

لا إله إلا أنت ، عليك توكلت وأنت رب العرش العظيم ، ما شاء الله كان ، وما لم يشأ لم يكن ، لا حول ولا قوة إلا بالله العلي العظيم ، أعلم أن الله على كل شيء قدير ، وأن الله قد أحاط بكل شيء علمًا ، اللهم إني أعوذ بك من شر نفسي ، ومن شر كل دابة أنت آخذ بناصيتها ، إن ربي على صراط مستقيم .

laakin xadiiskan waa daciif.

Waxaa kaloo jira xadiis daciif ah oo laga wariyay Cabdullaahi bin Camr bin Alcaas (RC): wuxuu yiri rasuulka (SCW):

( إِذَا رأيْتُمُ الحَرِيقَ فَكَبِّرُوا فَإِنَّ التَّكْبِيرَ يُطْفئُهُ )

(Haddii aad dab aragtaan (oo meel ka kacay) tagbiirsada tagbiirta way damisaa)

Culimada qaar waxay sheegeen shaydaanka iyo dabka way is leeyihiin qofka marka uu arko dab meel ka kacay waa inuu tagbiirta qabsadaa asagoo isku dayaya inuu adeegsado waxyaalaha kale oo dabka lagu damiyo sida biyaha iyo waxyaalaha kiimikiada ah, tagbiirta awood ayay u siinaysaa inuu dabkaas si sahan ku damiyo.

Xadiis ayaa jira oo nabiga (SCW) kaga digay dabka:

احْتَرَقَ بَيْتٌ بالمَدِينَةِ علَى أهْلِهِ مِنَ اللَّيْلِ، فَحُدِّثَ بشَأْنِهِمُ النبيُّ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ، قَالَ: إنَّ هذِه النَّارَ إنَّما هي عَدُوٌّ لَكُمْ، فَإِذَا نِمْتُمْ فأطْفِئُوهَا عَنْكُمْ.

(Guri ayaa dadkiisa ku gubtay oo Madiina ku yaallay  nabiga (SCW) ayaa loo sheegay arrinkooda wuxuu yiri: dabkan cadow buu idinku yahay ee haddii aad seexataan iska damiya)

Marka guud ahaan waxaa la rabaa in laga digtoonaado dabka, marka uu kacano in lala yimaado sababaha lagu damiyo iyadoo loo kaashanayo tagbiirta iyo xuska Alle (SW).

 

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More