Fasirka riyada eeyga madow guriga ku jira

Su’aasha:

asc walal waxan ku riyooday abehey oo eey madow oo weyn daaqada iga soo gelinayo eyga wuxu dhex joga qolka ilmaheyga meshu iska fadhisanaya nama wax yelenayo anigana aan aad uga baqaayo abeheyna uu bananka darjiin ah fadhiyo….. barakalah walal isoo fasir riyadas aad beey ii kurbeeysay.

Fasirka riyada eeyga madow guriga ku jira
Fasirka riyada eeyga madow guriga ku jira

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmamaysaa qof aabbahaaga ku kalsoon yahay oo aan fiicanayn inuu familkiina ku jiro waa digniin qofkaas in laga feejignaado, wax dhib ah kuuma geysan karo aabahaagana qof fiican ayuu u haystaa, wuu soo dhoweysanayaa, reerkiisa ayuu ku aaminayaa iyadoo ay saas tahay haddana qofkaas waa qof xun, waayo eyga madow wuxuu astaan u yahay xumaan.

waliba qof xaasid ah ayuu tilmaamayaa oo khiyaano wata, sidoo kale qof aan akhlaaq lahayn. marka riyada waa digniin.

Dadka qaarkiisa Ilaahay riyo badan ayuu tusaa oo la xiriirta noloshooda inta badan way arkaan waxyaalaha noloshooda lasoo gudboonaado, waa dad nasiib badan dadkaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More