Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay

Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay

Qofka ku ducaysta magacyada Alle wuxuu helayaa ajir weyn, magaca Alle kan ugu weyn wuxuu ku dhex jiraa magacyada Alle, shaki kama taagna qofka mar walba ku ducaysta magacyada Ilaahay inuu mar la waafajinayo magaca ugu weyn.

Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay
Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay

Magacyada Alle sida quraanka lagu sheegay way badan yihiin wuxuu Alle quraanka ku sheegay in lagu xusi karo Alle magac kaste uu leeyahay, wuxuu yiri Alle:

{وَلِلَّهِ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى فَادْعُوهُ بِهَا وَذَرُوا الَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِي أَسْمَائِهِ}

(Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen)

wuxuu yiri Alle:

(قُلِ ادْعُوا اللَّهَ أَوِ ادْعُوا الرَّحْمَٰنَ ۖ أَيًّا مَّا تَدْعُوا فَلَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ ۚ)

(Dheh ku barya Ilaah, ama ku barya Raxmaan wax kasta ood ku baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican)

xadiis saxiix ah ayaa kusoo arooray oo uu leeyahay nabiga (SC) :

(للهِ تبارَك وتعالى تِسعةٌ وتسعونَ اسمًا مَن أحصاها دخَل الجنَّةَ)

(Alle waxaa u sugnaaday sagaashan iyo sagaal magac qofkii koobo (xifdiyo) jannada ayuu galaa)

Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim iyo Dabaraani lafdigana Dabaraani ayaa iska leh

Waxaa laga wadaa qofkii macnahooda ku dhaqmo oo ilaaliyo oo Alle ku baryo jannada ayuu galaa>

Culimada magacyada way isku khilaafeen qaar ka mid ah, waxay kala soo baxeen aayadaha iyo axaadiista sagaashan iyo sagaalka caanka ah, marka halkan waxaad ka helaysaan iyagoo af soomaali loo tarjumay, waxaana lasoo qaatay macnaha ugu caansan magac kaste uu leeyahay, waxaa kaloo jira magacyo badan ka mid ah magacyada Alle waxaa lagu macneeyay macaani kala duwan laakin halkan waxaan soo qaadanay hal macne oo ugu caansan qofka raba inuu fahmo guud ahaan.

Qofka soomaaliga garanaya marka af somali uu ku fahmo aad buu uga faa’idaa inshaa Allaah.

Halkan ayaad ka ogaan kartaa magacyada Alle ee sagaashan iyo sagaalka 99 iyagoo af soomaali loo tarjumay.

Macnaha af soomaali ayaa lagu fasiray.

Magacyada Ilaahay 99 الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى
Magacyada Ilaahay 99 الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى
الله Allaah waa magaca ugu weyn oo Alle kaligii u gaar ah
الرحمن Midka naxariista guud leh
الرحيم Midka naxariista gaarka leh
الملك Midka boqorka ah
القدوس Kan ka hufan xumaan oo dhan
السلام Kan nabadda bixiya
المؤمن Kan addoomihiisa u rumeeya wuxuu ka ballanqaado
المهيمن Kan wax kasta ka adag
العزيز Midka awoodda iyo sharafta leh 
الجبار Midka qasbaya waxa uu doono
المتكبر Midka kibirka badan
الخالق Midka wax abuura
البارئ Midka wax uuma
المصور Midka wax sawira
الغفار Midka dambidhaafka badan
القهار Midka wax kaste ka adag oo maquuniya
الوهاب Midka hibada badan
الرزاق Midka wax arsaaqa
الفتاح Midka wax walba fura
العليم Midka cilmiga badan
القابض الباسط Midka wax walba qabta oona fidiya
الخَافِض الرافع Midka wax walba hoos u dhiga korna u qaada
المعز المذل Midka wax kaste ciseeya oona dulleeya
السميع Midka wax walba maqla
البصير Midka wax walba arka
الحكم Midka garsoorka ah
العدل Kan cadaaladda sameeya
اللطيف Kan dhimrinta badan
الخبير Kan wax kaste guntiisa og
الحليم Midka dulqaadka badan
العظيم Midka weyn
الغفور Midka dambidhaafka badan
الشكور Midka wax yar ka oggolaada addoomihiisa
العلي Midka sarreeya
الكبير Midka weyn
الحفيظ Midka ilaalinta badan
المقيت Midka quudka siiya khalqiga oo dhan
الواسع Midka naxariistiisa ay deeqday khalqigiisa
الحسيب Midka ku filan addoomihiisa
الجليل Midka weyn
الكريم Midka deeqsiga ah
الرقيب Midka kormeera wax walba
المجيب Midka ajiiba addoomaha
الحكيم Midka xigmadda badan
الودود Midka jecel addoomihiisa isagana ay jecel yihiin
المجيد Midka qiimaha iyo sharafta leh
الباعث Midka soo saara wax walba
الشهيد Midka markhaati ka ah wax walba
الحق Midka xaqqa ah
الوكيل Midka la talasaarto
القوي Midka xoogga leh
المتين Midka adag
الولي Midka u gargaara addoomaha
الحميد Midka mahadda mudan
المحصي Midka wax walba kooba
المبدئ Midka wax bilaaba
المعيد Midka wax soo celiya
المحيي Kan wax nooleeya
المميت Kan wax dila
الحي Kan nool
القيوم Kan  u taagan addoomihiisa
الواجد Midka wax walba haysta
الماجد Midka dhamaystiran aan wax  u baahnayn
الواحد Midka halka ah
الأحد Midka kaliga ah
الصمد Midka loo qasdo oo loo baahan yahay
القادر Midka awoodda leh
المقتدر Midka awoodda u leh hagaajinta wax walba
المقدم Kan hormariya wax walba
المؤخر Kan dib u dhiga wax walba
الأول Kan ugu horreeya
الآخر Kan ugu dambeeya
الظاهر Kan muuqda
الباطن Kan qarsoon
الوالي Kan iska leh wax walba kuna tasarufa
المتعالي Kan sarreeya
البر Kan samafalka badan
التواب Kan towbadaqbalka badan
المنتقم Kan ka aarsada daalimiinta
العفو Kan cafiska badan
الرؤوف Kan dhimrinta badan
مالك الملك Kan mulkiga iska leh
ذو الجلال والإكرام Kan weynida iyo maamuuska iska leh
المقسط Kan cadaaladda ooga
الجامع Kan wax soo kulmiya
الغني Kan hodanka ah
المغني Kan wax hodan ka dhiga
المعطي Kan wax bixiya
المانع Kan wax reeba
الضار Kan dhibka keena
النافع Kan waxtarka keena
النور Midka nuurka ah
الهادي Kan wax hanuuniya
البديع Kan wax walba abuurkiisa bilaabay
الباقي Kan sii jiraya
الوارث Kan wax kaste dhaxlaya
الرشيد Kan hanuunka siiya addoomaha
الصبور Kan sabarka badan

Haddii aad mel kale u qaadayso fadlan webka daruur.com inaad kasoo qaadday xus.

Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More