Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah

Su’aasha:

Ascwalalha khayr iyo xasanaad Ilaahay hadiinku badalo shaqadaad noohaysan wll waxaan rabaa macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah lahulmulku mulku walahul xamdu yuxyii wayamuutu wahuwa calaa kuli shayin qadiir

Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah
Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah

Jawaabta:

Ducada iyadoo carbi ah waatan:

(لا إلهَ إلَّا اللهُ وحدَه لا شريكَ له له المُلكُ وله الحمدُ يحيي ويُميتُ وهو على كلِّ شيءٍ قديرٌ)

(Ilaah kale ma jiro oon Allaah ahayn waana kaligiisa qof wax la wadaago ma jiro, isagaana iska leh mulkiga mahad ayaana u sugnaatay, wuu nooleeyaa wuuna dilaa wax kastana wuu awoodaa)

Ducadan waxay kusoo aroortay axaadiis fara badan waxaana laga helaa ajir aad u weyn.

Axaadiistaas waxaa ka mid ah xadiiskan wuxuu yiri nabiga (SCW):

(من قالَ غَدوةً : لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وحدَهُ لا شريكَ لَهُ ، لَهُ الملكُ ولَهُ الحمدُ يُحيي ويميتُ وَهوَ على كلِّ شيءٍ قديرٌ وقال كتبَ اللَّهُ لَهُ بِكُلِّ واحدةٍ قالَها عشر حسناتٍ ؛ ومحا عنهُ بها عشرَ سيئاتٍ ورفعهُ اللَّهُ بها عشرَ درجاتٍ وكنَّ له كعشرِ رقابٍ وكُنَّ له مَسلحةً من أولِ النهارِ إلى آخرِه ولم يعمَل يومئذٍ عملًا يَقهُرهُنَّ فإن قالها حين يُمسي فمثلُ ذلكَ)

(Qofkii dhaho aroortii: Ilaah kale ma jiro oon Allaah ahayn waana kaligiisa qof wax la wadaago ma jiro, isagaana iska leh mulkiga mahad ayaana u sugnaatay, wuu nooleeyaa wuuna dilaa wax kastana wuu awoodaa wuxuu yiri: erey kaste Alle wuxuu ugu qoraa toban darajo wuxuu kaga tirtiraa tobad xumaan wuxuuna ugu kor yeelaa tobad darajo waxayna u noqonayaan sida toban qoor (toban addoon la xuraynayo) waxayna u noqonayaan hub maalinka bikowgiisa ilaa dhamaadkiisa camal ka badinaya ma samaynayo maalintaas hadduu dhahana fiidkii sidaas oo kale ayaa u sugan)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More