Ducada sidey cudurada u qaaddo eeg daliilka quraanka

Allaha abuuray wax kaste. Waa ilaaha awood u leh wax walba, koonkan ma socunayo asoon amar siinin.

jirro kaste daawo ayuu u sameeyay waxaana habboon in lala yimaado sababta.

Ducada sidey cudurada u qaaddo eeg daliilka quraanka
Ducada sidey cudurada u qaaddo eeg daliilka quraanka

Waxaa ka mid ah: ducada iyo in Alle (cazza wajalla) aad loo tuugo, wuxuu leeyahay Alle:

{فَلَوْلَا إِذْ جَاءَهُم بَأْسُنَا تَضَرَّعُوا}

(Maa Markuu u Yimaaddo Dhibku ay baryaan (Eebe)).

Waxaa ka mid ah qofka inuu naftiisa ku ilaaliyo digriga Alle wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَا مِنْ عَبْدٍ يَقُولُ فِي صَبَاحِ كُلِّ يَوْمٍ وَمَسَاءِ كُلِّ لَيْلَةٍ: بِسْمِ اللهِ الَّذي لا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ فِي الأَرْضِ وَلا فِي السَّمَاءِ وَهُوَ السَّمِيعُ العَلِيمُ، ثَلاثَ مَرَّاتٍ، فَيَضُرَّهُ شَيْءٌ)

(Addoon ma jiro oo oranayo maalin walba iyo habeen kasta: magaca Alle ayaan qabsanayaa kaasoo magaciisa la jirkiisa dhulka iyo cirka aan dhib lagala kulmaynin waana midka maqla oo aqoon badan seddex jeer, (hadduu dhaho) ma dhacayso inuu wax dhibo), wuxuu leeyahay:

(مَنْ نَزَلَ مَنْزِلاً ثُمَّ قَالَ: أَعُوذُ بِكَلِمَاتِ اللهِ التَّامَّاتِ مِنْ شَرِّ مَا خَلَقَ لَمْ يَضُرَّهُ شَيْءٌ حَتَّى يَرْتَحِلَ مِنْ مَنْزِلِهِ)،

(Qofkii meel dego kaddib yiraahdo: kalmadaha Alle oo dhammaystiran ayaan ka magangalayaa wixii shar ah uu abuuray,  wax dhibayo ma jiro ilaa uu meesha kaga rarto).

Waxaa ka mid ah sadaqada: wuxuu leeyahay rasuulka:

(حَصِّنُوا أَمْوَالَكُمْ بِالزَّكَاةِ، وَدَاوَوْا مَرْضَاكُمْ بِالصَّدَقَةِ، وَأَعِدُّوا لِلْبَلاءِ الدُّعَاءَ)

(Hantidiina ku ilaaliya sakada, bukaankiinana ku daaweeya sadaqada, balada duco u diyaarsada)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More