Wiilka rabay inuu nabiga (SCW) zinada u fasaxo

Wiilka rabay inuu nabiga (SCW) zinada u fasaxo

Xadiiskan wuxuu ka mid yahay axaadiista ugu yaabka badan, oo tilmaamaya dhalinyarnimada halista ay leedahay qofka marka ay shahwada ku badato jirkiisa wuxuu noqonayaa qof sida majnuun oo kale, wuxuu rabaa inuu wax kaste sameeyo laakin eeg sida nabiga (scw) uu ula dhaqmay wiilka rabay sinada in loo fasaxo.

Wiilka rabay inuu nabiga (SCW) zinada u fasaxo
Wiilka rabay inuu nabiga (SCW) zinada u fasaxo

(وعن أبي أمامة (رضي الله عنه)، قَالَ: (إِن فَتى شابًّا أتى النبِي (صلى الله عليه وسلم)، فقال: يا رسول اللَّه، ائذن لي بِالزنا، فأقبل القوم عليه، فزجروه، وقالوا: مَهْ، مَهْ، فقال: ادنه، فدنا منه قريبًا، قال: فجلس، قالَ: أَتُحِبُّهُ لأمِّكَ؟ قال: لا والله، جعلني الله فداءك، قال: ولا النَّاسُ يُحِبُّونَهُ لأُمَّهَاتِهِمْ، قال: أَفتحبُّه لابْنَتِكَ؟ قال: لا والله يا رسول الله، جعلني الله فداءك، قال: وَلا النَّاسُ يُحِبُّونَهُ لِبَنَاتِهِمْ، قال: أَفَتُحِبُّهُ لأُخْتِكَ؟ قال: لا والله، جعلني الله فداءك، قال: ولا النَّاسُ يُحِبُّونَهُ لأخَوَاتِهِمْ، قال: أَفَتُحِبُّهُ لِعَمَّتِكَ؟ قال: لا والله، جعلني الله فداءك، قال: ولا النَّاسُ يُحِبُّونَهُ لِعَمَّاتِهِمْ، قال: أَفَتُحِبُّهُ لخَالَتِكَ؟ قال: لا والله، جعلني الله فداءك، قال: ولا النَّاسُ يُحِبُّونَهُ لِخَالاتِهِمْ، قال: فوضع يده عليه، وقال: اللَّهُمَّ اغْفِرْ ذَنْبَهُ، وَطَهِّرْ قَلْبَهُ، وَحَصِّنْ فَرْجَهُ)، فلم يكن الفتى بعد ذلك يلتفت إلى شيء )

(Waxaa laga wariyay Abuu Umaama (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu yiri wiil dhalinyar ah ayaa nabiga (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) u yimid wuxuu yiri: rasuulkii allow ii fasax sinada dadkii ayaa kusoo yaacay iyagoo canaan usoo jeedinaya waxay dhaheen: yac yac wuxuu yiri rasuulka ii soo dhowow wuu usoo dhowaaday wuxuu yiri wuu fariistay wuxuu ku yiri: mala rabtaa hooyadaada? wuxuu yiri: maya wallaahi Ilaahay ha iga dhigee furashadaada, wuxuu yiri: dadka xataa lama rabaan hooyooyinkooda, wuxuu yiri: gabadhaada mala rabtaa? wuxuu yiri: maya wallaahi Ilaahay ha iga dhigee furashadaada wuxuu yiri dadka xataa lama rabaan gabdhahooda, wuxuu yiri mala rabtaa walaashaada? wuxuu yiri: maya wallaahi Ilaahay ha iga dhigee furashadaada, wuxuu yiri: dadka xataa lama rabaan walaalahooda, wuxuu yiri mala rabtaa eedadaada? wuxuu yiri: maya wallaahi Ilaahay ha iga dhigee furashadaada, wuxuu yiri dadka xataa lama rabaan eedooyinkooda, wuxuu yiri mala rabtaa habaryartaada wuxuu yiri: maya wallaahi Ilaahay ha iga dhigee furashadaada wuxuu yiri: dadka xataa lama rabaan habaryaryaashooda wuxuu yiri gacanta ayuu saaray wuxuu yiri: Ilaahayo dambigiisa dhaaf qalbigiisana daahiri farjigiisana ilaali) wiilka markaas kaddib wax kale  ma milicsanin)

Xadiiska waa saxiix Al-imaam Alciraaqi ayaa ku sheegay takhriijka kitaabka al-ixyaa inuu saxiix yahay.

Xadiiska wuxuu tilmaamayaa naxariista nabiga (scw) iyo siduu u fahansiiya wiilka yar qaladka sinada iyo dhibka ay leedahay, sidaas ayaa laga rabaa qofka muslinka dadka inuu kula dhaqmo.

Sida la og yahay zinada waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn iyadoo sidaas ay tahay wiilkan si xigmad leh ayaa looga reebay>

 

Siduu islaamka bulshada u ilaaliyay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More