Nabiga Csw gargaar mala weydiisan karaa maxaase dhacaya

Su’aasha:

Asc wanku salamay sxb maalmahan waxaa baraha bulshada doodoodu socotay qasaa’id lagu amaanaayo rasuulka taasoo loogu gargaar dalbaayo marka qaar ka mida culumada waxay ku sifeeyeen inay shirki tahay hadii wax la gargaar dalbanaayo Uu Allaah sw yahay halka kuwa kalana ay ku doodayaan in Nabiga la gargaarsado waa wax iska caadi ah waayo qiyaamaha ummadiisa isagaaa u shafeecaya marka doodahaas tee sax ahaansha u dhow ayaa la dhihi karaa bal ii macney sxb.

Nabiga Csw gargaar mala weydiisan karaa maxaase dhacaya
Nabiga Csw gargaar mala weydiisan karaa maxaase dhacaya

Jawaabta:

Gargaar iyo shafaaco labo ayay kala yihiin, shaki kama taagna nabiga (SCW)  inuu u shafeecayo dadka mu’miniinta umaddiisa ka mid ah, taasna nusuusta shareecada ayay kusoo aroortay, sidoo kale anbiyada iyagana umadahooda ayay u shafeecaan sidoo kale dadka mu’miniinta iyagana eheladooda Alle rumeysan ah ayay u shafeecaan, waxaa ka mid axaadiista kusoo aroortay shafeecada:

(أنا أوَّلُ شَفِيعٍ في الجَنَّةِ، لَمْ يُصَدَّقْ نَبِيٌّ مِنَ الأنْبِياءِ ما صُدِّقْتُ، وإنَّ مِنَ الأنْبِياءِ نَبِيًّا ما يُصَدِّقُهُ مِن أُمَّتِهِ إلَّا رَجُلٌ واحِدٌ).

(aniga waxaan ahay qof dad u shafeeco midka ugu horreeya jannada, lama rumeynin nabi oo ka mid ah anbiyada inta aniga lay rumeeyay, waxaa ka mid ah anbiyada nabi hal qof waxan ahayn uuna ka rumeynin  umaddiisa )

Wuxuu yiri Abuu Hureyra (RC):

(قلتُ يا رسولَ اللَّهِ من أسعدُ النَّاسِ بشفاعتِك يومَ القيامةِ فقال النَّبيُّ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ لقد ظننتُ يا أبا هريرةَ أن لا يسألُني عن هذا الحديثِ أحدٌ أولى منكَ لما رأيتُ من حرصِك على الحديثِ أسعدُ النَّاسِ بشفاعتي يومَ القيامةِ من قال لا إلهَ إلَّا اللَّهُ خالصًا من نفسِهِ)

 (waxaan iri: rasuulkii Allow yaa ugu liibaan badan shafaacadaada maalinta qiyaamaha, wuxuu yiri nabiga (SCW): waxaan u maleeyay Abuu hureyrow inuusan i weyddiinaynin xadiiskan qof adiga kaa mudnaan badan dadaalka aan kaa arkay dartii oo aad xadiiska ku dadaalayso, qofka ugu liibaanta badan shafaacadeyda waa qofka yiri: Ilaah kale ma jiro oon Alle ahayn isagoo ay qalbigiisa daacad ka tahay).

Laakin in nabiga (SCW) la weyddiisto gargaar ama badbaado ama inuu arsaaq ku siiyo ma bannaana qofkii arrinkaas sameeya waa in loo sheegaa, mana aha in muslimiinta si fudud lagu gaalaysiiyo, waa in loo sheegaa in Alle kaligii la weyddiisanayo amuuraha, nabiga waa addoonka Alle isaga laftiisa ayaa ka digay arrintaas sida axaadiis badan kusoo aroortay, wuxuu yiri:

(إذا سأَلتَ فاسألِ اللَّهَ ، وإذا استعَنتَ فاستَعِن باللَّهِ)

(haddii aad wax weyddiisanayso Alle weyddiiso, haddii aad gargaar dalbanayso Alle ka dalbo).

 

Cibaadada Noocyada Ay Kala Tahay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More