Qoyska siduu u saameeyo bulshada iyo dalka

Qoyska ama reerka ama familka ama caa’ilada ama usrada waxaad dhahdaba diinta islaamka meel weyn ayay geysay waxay tilmaantay wanaagga qoyska inuu saameeyo wanaagga bulshada, haddii qoyska uu tooso bulshadana way toosaysaa, qoyskana wuxuu kasoo bilowdaa nin iyo naag nolol wadaagay oo ubad dhalay, marka waxaa muhimsan in ninka marka uu guursanayo uu guursado naag wanaagan sidoo kale gabadha inay guursato nin wanaagsan.

Qoyska siduu u saameeyo bulshada iyo dalka
Qoyska siduu u saameeyo bulshada iyo dalka

Waxaa kaloo la rabaa in dhaqan fiican ay iskula dhaqmaan labada is qaba.

Waxaad ogaataa Alle inuu ka abuuray naagta ninkeeda, Xaawo awaxaa laga abuuray nabi Aadan (CS), wuxuu yiri Alle:

{هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا}

(Eebe waa kan idinka abuuray naf kaliya, kana yeelay xaggeeda haweenaydiisii inuu weheshado)

wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُمْ مِنْ أَنْفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُمْ مَوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ}.

(waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri)

Si kaste ninka iyo xaaskiisa ay dood usoo gsho waxaa la rabaa in la xalliyo, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لا يَفْرَكْ مؤمنٌ مؤمنةً؛ إنْ كَرِهَ منها خُلُقًا، رَضِيَ مِنهَا آخَرَ)،

(Nin mu’min yuuna ka caroonin haweeney mu’minad ah haddii uu dabci ku naco mid kale ayuu kaga raalli noqonayaa)

Naagaha ugu fiican waa kuwa sifooyinkan leh Wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee)

(خَيْرُ نِسَائِكُمْ مَنْ إِذَا نَظَرَ إِلَيْهَا زَوْجُهَا سَرَّتْه، وَإِذَا أَمَرَهَا أَطَاعَتْهُ، وَإِذَا غَابَ عَنْهَا حَفِظَتْهُ فِي نَفْسِهَا وَمَالِهِ).

(Haweenkiina waxaa ugu khayr badan midda markuu ninkeeda eego ay farxadgaliso, markuu amrana adeecda, markuu ka maqanaadana nafteeda iyo maalkiisa ilaalisa)

Waxaa  laga rabaa ninka inuu biilo qoyskiisa inuu siiyo deegaan iyo cunto iyo labis, wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَعَلَى الْمَوْلُودِ لَهُ رِزْقُهُنَّ وَكِسْوَتُهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ}،

(Kan wax loo dhalayna waxaa saaran cunadooda iyo arradbaxooda si fiican)

Wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee)

(أَفْضَلُ الصَّدقةِ مَا كَانَ عَنْ ظَهْرِ غِنًى، واليَدُ العُليا خيرٌ من اليَدِ السُّفلَى، وَابْدَأْ مَنَ تعولُ)،

(Sadaqo waxaa ugu fiican wixii laga kaaftoomo, gacanta sare waxay ka khayr badan tahay midda hooseysa ka bilow dadka aad biilayso)

Dadka wanaagsan way ku ducaystaan ubadka fiican, wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَالَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبْ لَنَا مِنْ أَزْوَاجِنَا وَذُرِّيَّاتِنَا قُرَّةَ أَعْيُنٍ وَاجْعَلْنَا لِلْمُتَّقِينَ إِمَامًا}،

(waana kuwa dhihi Eebow naga sii haweenkanaga iyo caruurtanada wax ishu ku qabowsato, noogana yeel kuwa dhawrsada imaam)

Jiritaanka qoyska xaga nolosha aadanaha wuxuu ka mid yahay nimcooyinka Alle (caza wa jalla) ee ugu waaweyn, wuxuu ku galladeystay Alle (SW) addoomihiisa nimcadan oo ku sugan kitaabkiisa kariimka ah, wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

{وَاللَّـهُ جَعَلَ لَكُم مِن أَنفُسِكُم أَزواجًا وَجَعَلَ لَكُم مِن أَزواجِكُم بَنينَ وَحَفَدَةً وَرَزَقَكُم مِنَ الطَّيِّباتِ أَفَبِالباطِلِ يُؤمِنونَ وَبِنِعمَتِ اللَّـهِ هُم يَكفُرونَ}.

(Eebe wuxuu idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo farac idinkuna arsaaqay wanaag ma baadhilbay rumayn oy Nicmada Eebay ka Gaaloobi)

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(يَا مَعْشَرَ الشَّبَابِ مَنِ اسْتَطَاعَ البَاءَةَ فَلْيَتَزَوَّجْ، فَإِنَّهُ أَغَضُّ لِلْبَصَرِ وَأَحْصَنُ لِلْفَرْجِ، وَمَنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَعَلَيْهِ بِالصَّوْمِ فَإِنَّهُ لَهُ وِجَاءٌ).

(Dhalinyarooy qofkii awoodo guurka ha guursado, maxaayeelay isagaa aragga u laabid badan farjigana u ilaalin badan, qofkii aan awoodin ha soomo , maxaayeelay wuxuu u yahay gooyn)

Shareecada islaamka waxay si xoog leh ugu dadaashay in ubadka si wanaagsan loo tarbiyeeyo, iyo in la dareensiiyo mas’uuliyadooda xagga diintooda iyo bulshadooda, iyo dalkooda, taasoo aasaasaysa in la dhiso qoys adag oo toosan, iyadoo loo soo marayo in lagu beero ubadaka qiyamka diiniga iyo kuwa bulshada, iyo dhaqanka waxtarka leh; maxaayeelay iyaga waa amaano dusha ka saaran labada waalid, wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنْفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ}

(Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax) , wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنَّ اللهَ سَائِلٌ كُلَّ رَاعٍ عَمَّا اسْتَرْعَاهُ، أَحَفِظَ ذَلِكَ أَمْ ضَيَّعَ؟ حَتَّى يُسْأَلَ الرَّجُلُ عَلَى أَهْلِ بَيْتِهِ)

(Ilaahay wuxuu weyddiinayaa qof kaste wuxuu u dhiibtay ma ilaaliyay mise waa dayacay? ilaa uu ka weyddiiyo ninka qoyskiisa),
wuxuu leeyahay Alle (SW):

{هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمْ وَأَنتُمْ لِبَاسٌ لَّهُنَّ}،

(dhar (asturaad bay) idiin yihiin, idinkuna dhar (asturaad baad) u tihiin), wuxuu leeyahay (SW):

{وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ}

(Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah oo wanaag ku dhisan) wuxuu leeyahay (SW):

{لِلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِمَّا اكْتَسَبُوا وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِمَّا اكْتَسَبْنَ}

(Ragga waxaa uga Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana waxaa uga Sugnaaday qayb waxay kasbadeen), wuxuu leeyahay

nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) markuu khudbeynayay khudbadii xajka sagootiska:

(أَلَا إِنَّ لَكُمْ عَلَى نِسَائِكُمْ حَقًّا، وَلِنِسَائِكُمْ عَلَيْكُمْ حَقًّا)

(Haweenkiina xaq baad ku leedihiin iyaguna xaq bay idinku leeyihiin)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More