Riyada Musharaxa burka oo lacag dollar i siinaayo

Su’aasha:

Saaxiib iwrn seetahay kheyr waye nio habeenadan laba habeen isku xigta xaley iyo habeenka ka sii horeysayba anoo lacag la isiinaayo ku riyooda hada riyadii xaley ugu dambeysay waxaan arkay anigoo joogo meel masjid ah oo la leeyahay masjidka sabaa la keenaa markaasa waxaan isha ku dhuftay mushaaraxa burka Oo Quraan akhrisanaya oo ku ooynaya Qur’aanka markaasuu wuxuu iisoo bixiyay isagoo dhoola cadeynayo shandad ay ka buuxdo lacag dollar ah markaasa aniga waxaan isleeyahay hal xaasho kuu soo bixinaa waaba lacagtii shandada ku jirtay oo boqolkun dollar dhameyd iyo boorsadii buu i wada siiyay riyadaas maxay tilmaameysaa wll.

Riyada Musharaxa burka oo lacag dollar i siinaayo
Riyada Musharaxa burka oo lacag dollar i siinaayo

Jawaabta:

Walaal waan kaa qaaday waa khayr Alxamdulillaah, riyada waa riyo tilmaamayso mustaqbalka waana riyo fiican qofkaas oo lacagta ku siinaya waa waxa aad heli doonto oo guul ah nolosha fiican iyo barwaaqada iyo awoodda ayay tilmaamaysaa riyada, lacagta doolarka waxay astaan u tahay awood iyo talis, marka ninka ku siinayana waa nin muuqda xagga siyaasadda dalka soomaaliya markay ugu yar tahay jago isu soo sharxay, marka riyada waa riyo kuu tilmaamayso mustaqbalkaaga soo socda.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More