Riyada gacalka ama xididka iyo weysa qaadashada

Su’aasha:

ALLAH MAHADLEH
ASC WAAD KU MAHADSAN TIHIIN WAQTIGIINA QAALIGA
ALLAH MACAK

WAXAA JIRTA GABADH AAN RABO INAAN DOONO DHAWAAN INSHA ALLAH
AYAA WAXAAN KU RIYOODAY ANOO MASAAJIDKA KA WAYSO QAADANAYA AYAA WAXAA ISKAY SOO DULTAAGAY GABADHAN DOONI RABO ABTIGED IYO ADEERKED MARKAN WAYSADII DHAMAYSTAY AYAAN ARKAY WAAN GACAN QAADAY WALIBA SI KAL IYO LAABA KABACDI ABTIGII WAXUU I DHAHAY BALANTII WAANKU SUGAYNAA EE SOO DIYAAR GAROW HAYE AYAAN IDHI KABACDI MASAAJIDKAN GALAY OO TAFSIIR KASOCDO WAAN TUKADAY SUNIHII
ALLAH MAHADLEH

Riyada gacalka ama xididka iyo weysa qaadashada
Riyada gacalka ama xididka iyo weysa qaadashada

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa in dadkaas inaad xidid la noqoto ay kuu fiican tahay, weysada iyo masjidka macne weyn ay ku fadhiyaan, qofka masjidka ku jira asoo weysa qaba wuxuu la mid yahay qof salaad ku jira maadaama uu salaad sugayo, sidoo kale qofka dhegeysanaya tafsiirka kalaamka Alle malaa’igta ayaa garbaha u fidineysa maadaama uu yahay qof digriga Alle ku jiro oo cilmi baranaya, laakin gabadha aad rabto dadkeeda oo meesha kugu salaamaya oo kuu sheegaya inay ku sugayaan waa khayr iyo wanaag, waxaan ku leeyahay salaad istikhaaro tuko howsha meesha ka wad Ilaahay khayr badan ayuu ku siin doonaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More