Xiriirka jacaylka ayan ku wareeray

Su’aasha:

asc xiriirka jacayl ayaan ku wareeray waxan isku arkay inaan xiiseynayo gabadha markay i jeclatana an nacayo mana ihi qof xumaan ku sameyo gabdhaha waxaas maxa sababay maxana xal u ah.

Xiriirka jacaylka ayan ku wareeray
Xiriirka jacaylka ayan ku wareeray

Jawaabta:

Qofka caadi ahaan waxaa ku abuuran inuu naag ka helo oo uu jeclaado, laakin diinta islaamka xad ayay u samaysay, qofka ma aha inuu hawadiisa iska raaco, naagta iyo ninka guur ayaa ka dhexeeya, ma jirto naag ayaan iska jeclaanayaa waan la saaxiibayaa, taas ma aha akhlaaqda muslinka.

Marka adiga waxaa laga yaabaa dabcigaaga inuu yahay dabci hanqaltaag badan oo wixii uu helo aan rabin wax kale sii raadinayo, qofka waxaa la rabaa inuu lahaado qanaaco, hadhow marka aad guursato gabar oo ay caruur kuu dhasho ayaa laga yaabaa inaad ka xiisa dhacdo oo mid kale cusub aad raadiso, soomaalidana sidaas ayay u badan yihiin, marka qanaacada iska dhaadhici oo niyadda deji.

jacaylka dhabtana wuxuu imaanaya marka lays guursado.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More