Lacag cusub iyo guddoomiyaha bangiga dhexe cusub

Waxaa yaab badan sida ay u dhaqmayaan soomaalida, arrintan oo kale wali laguma arkin adduunka aan ku nool nahay, inta qof ajnabi la keeno oo loo dhiibo bangiga dhexe ee dalka, taas waxay caddeynaysaa soomaali in laga waayay rag oo la aamino, qof kasta caqli leh arrintan wuu dareemi karaa inay tahay sharaf xumo.

dadka qaar oo qabyaaladda ku taageersan dowladda waxay ku dhahaan Ilhaan Cumar waa gabar soomaaliyeed haddana waxay ku biirtay koongareeska maraykanka.

qofkan waxaa loogu jawaabayaan labada xaalad isku mid ma aha.

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee cusub
Guddoomiyaha bangiga dhexe ee cusub
lacagta cusub somali
lacagta cusub somali

maraykanka dastuurkiisa waxaa ku qoran qof kasta dalkaas soo gala hadduu muddo ku noolaado inuu ka mid noqonayo, laakin soomaali sidaas ma aha, teeda kale xitaa haddii aan dhahno dastuurka halaga dhigo sidaas, waxaa loo baahan yahay qof dalka soo galay muddo badan kahor markaas ka mid noqday dadka soomaaliyeed oo muwaadin noqday markaas waan dhihi karnaa ninkan waa soomaali, laakin qof ajnabi ah in loo xalaaleeyo wax walba ma ila aha caqli wax ku salaysan, sheekadan ma yara

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More