Sidey diinta islaamka shaqada u aragto

Sidey diinta islaamka shaqada u aragto

Shaqada waxay ka mid tahay waxyaalaha aadanaha uu ku noolaado intuu joogo dunida soomaalida waxay dhahaan nimaan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan, inkastoo sidaas ay dhahaan haddana waxaad arkaysaa badankooda shaxaadka ayay ka helaan.

Sidey diinta islaamka shaqada u aragto
Sidey diinta islaamka shaqada u aragto

Marka shaqada aad eegto waxaad ogaanaysaa sharaf iyo qiime inay leedahay, umadda shaqaysata ayaa ka fiican umadda tuugsata, diinta islaamka xoogga ayay saartay shaqada waxayna muujisay qiimaha ay shaqdu leedahay, nusuus badan ayaa kusoo aroortay shaqada waxaa ka mid ah nusuustan halkan aan kugu soo aroorinayo: Alle (SW) wuxuu yiri:

{فَإِذَا قُضِيَتِ الصَّلَاةُ فَانْتَشِرُوا فِي الْأَرْضِ وَابْتَغُوا مِنْ فَضْلِ اللَّهِ وَاذْكُرُوا اللَّهَ كَثِيرًا لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ}

(Markase salaadda la dhammeeyo dhulka ku kala faafa, dalbana (doona) khayrka Alle, Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan).

Wuxuu kaloo yiri:

{هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ }

(Alle waa kan dhulka ka dhigay mid laylan ee ku socda waddooyinkiisa kana cuna quudkiisa kulankana haggiisa ayuu ahaan).

Wuxuu ku tiriyay nabiga inuu yahay waxa ugu fadli badan uu addoonka cuno wixii shaqadiisa iyo daalkiisa uu ku helay, wuxuu yiri:

(مَا أكَلَ أَحَدٌ طَعَاماً قَطُّ خَيْرًا مِنْ أنْ يَأكُلَ مِنْ عَمَلِ يَدِه ، وَإنَّ نَبيَّ الله دَاوُدَ (عَلَيْهِ السَّلاَمُ) كَانَ يَأكُلُ مِنْ عَمَلِ يَدِهِ)

(Qof waligii ma cunin cunto ka khayr badan wixii gacantiisa uu ku shaqaystay, nabi daawuud – nabadgelyo korkiisa ha haatee– wuxuu ka cuni jiray wixii gacantiisa shaqeyso)

Wuxuu kaloo yiri:

(مَنْ أَمْسَى كالًّا مِنْ عَمَلِ يَدَيْهِ أَمْسَى مَغْفُورًا لَهُ )

(Qofkii daalo shaqada gacantiisa awgeed waxaa loo dhaafayaa dambiga)

Iyo in laysugu yeero waxsoosaarka, wuxuu leeyahay rasuulka:

(إِنْ قَامَتِ السَّاعَةُ وَبِيَدِ أَحَدِكُمْ فَسِيلَةٌ ، فَإِنْ اسْتَطَاعَ أَنْ لَا يَقُومَ حَتَّى يَغْرِسَهَا فَليَغِرسْهَا)

(Haddii ay qiyaamo dheceyso midkiinana gacantiisa tallaal uu ku jiro hadduu awoodo inaysan qiyaame dhicin ilaa uu ka tallaalayo ha tallaalo)

Wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَا مِنْ مُسْلِمٍ يَغْرِسُ غَرْسًا، أَوْ يَزْرَعُ زَرْعًا، فَيَأْكُلُ مِنْهُ طَيْرٌ أَوْ إِنْسَانٌ أَوْ بَهِيمَةٌ، إِلَّا كَانَ لَهُ بِهِ صَدَقَةٌ )

(Muslin ma jiro oo tallaalaya tallaal ama beeraya geed oo uu ka cunayo shinbir ama insaan ama xoolo hadday dhacdo sadaqo ayay u noqonaysaa).

Dhulka wuxuu ku camirmaa shaqada iyo waxsoosaarka, dowladahana middaas ayaa lagu dhisaa qofkana wuxuu ku ilaalinayaa sharftiisa iyo karaamadiisa.

Waa inaan ogaanaa in la dhiso dowlad oona la ilaaliyo, waa amaano luqunta nagaga xiran, qof kaste meeshiisa iyo goobtiisa, annagoo adkeynayno dhismaha inuu suurtagalyo marka la layska qabto kuwa wax dumiya wuxuu leeyahay gabyaaga:

مَتَى يَبْلُغُ الْبُنْيَــانُ يَوْمًــا تَمَـــامَهُ  * إِذَا كُنْتَ تَبْنِيهِ وَغَيْرُكَ يَهْــــدِمُ

goormuu gaarayaa dhismaha dhammaystirkiisa maalin * markaad dhiseyso qofka kalena uu duminayo

 

 

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(أفضلُ الكسْبِ بيعٌ مبرورٌ، وعملُ الرجلِ بيدِه)،

(tabbashada waxaa ugu fiicab iibka wanaag la socdo iyo shaqada qofka gacantiisa uu ku qabanayo)

wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

 

(لأن يَحْتَطِبَ أَحَدُكُمْ حُزْمَةً عَلَى ظَهْرِهِ خَيْرٌ لَهُ مِنْ أَنْ يَسْأَلَ أَحَدًا فَيُعْطيهِ أَوْ يَمْنَعُهُ)،

(Midkiina inuu qoryo dhabarka kusoo qaato ayaa ugu khayr badan inuu qof wax weyddiisto ha siiyo ama ha u diido) wuxuu leeyahay

nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(كَانَ دَاوُدُ (عليه السلام) لا يَأْكُلُ إِلَّا مِنْ عَمَلِ يَدِهِ)، صحيح البخاري

(nabi daawuud – nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– wuxuu ka cuni jiray wixii gacantiisa shaqeyso), wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(كَانَ زَكَرِيَّا (عليه السلام) نَجَّارًا)،

(nabi Sakariye – nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– wuxuu ahaa faryaame)

wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَآخَرُونَ يَضْرِبُونَ فِي الْأَرْضِ يَبْتَغُونَ مِن فَضْلِ اللَّهِ وَآخَرُونَ يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ}

(iyo kuwo safri iyagoo dooni Khayrka Eebe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebe) Wuxuu yiri rasuulkii Alle (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنْ كَانَ يَسْعَى عَلَى وَلَدِهِ صِغَارًا فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللهِ، وَإِنْ كَانَ خَرَجَ يَسْعَى عَلَى أَبَوَيْنِ شَيْخَيْنِ كَبِيرَيْنِ فَفِي سَبِيلِ اللهِ، وَإِنْ كَانَ خَرَجَ يَسْعَى عَلَى نَفْسِهِ لِيَعِفَّهَا فَفِي سَبِيلِ اللهِ، وَإِنْ كَانَ خَرَجَ يَسْعَى عَلَى أَهْلِهِ فَفِي سَبِيلِ اللهِ).

(Hadduu u ordayo ilmihiisa oo yaryar wuxuu ku taagan yahay jidka Alle, hadduu usoo baxay asoo u ordaya labo waalid oo duq ah oo waayeelo ah wuxuu ku taagan yahay jidka Alle, hadduu usoo baxay asoo naftiisa dhowraya wuxuu ku taagan yahay waddada Alle, hadduu usoo baxay asoo u ordaya ehelkiisa wuxuu ku taagan yahay jidka Alle)

 

wuxuu u ballanqaaday rabbigeena (caza wa jalla) qofka sugaya camalkiisa ajir weyn wuxuu leeyahay (SW):

{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ أَحْسَنَ عَمَلًا}

(Kuwa rumeeyay (Xaqa) oo camal fiican falay annagu ma hallayno abaalka Ciddii Wanaajisa Camalka) wuxuu leeyahay Alle (SW):

{إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا}

(Eebana wuxuu u Yahay Korkiina Ilaaliye), wuxuu leeyahay Alle (caza wa jalla):

{وَمَا تَكُونُ فِي شَأْنٍ وَمَا تَتْلُو مِنْهُ مِنْ قُرْآنٍ وَلا تَعْمَلُونَ مِنْ عَمَلٍ إِلَّا كُنَّا عَلَيْكُمْ شُهُودًا إِذْ تُفِيضُونَ فِيهِ وَمَا يَعْزُبُ عَنْ رَبِّكَ مِنْ مِثْقَالِ ذَرَّةٍ فِي الْأَرْضِ وَلا فِي السَّمَاءِ وَلا أَصْغَرَ مِنْ ذَلِكَ وَلا أَكْبَرَ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُبِينٍ}

(Wixii Xaala ood ku Sugan tahay wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) markaad dhex galaysaan, kagama Qarsoona Eebahaa waxa u yar Dhulka dhexdiisa iyo Samada, wixii ka yar iyo wixii ka wanynna Kitaab cad bay ku sugan yihiin)

Marka la weyddiiyay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ixsaanka wuxuu yiri:

(الإِحْسَانُ أَنْ تَعْبُدَ اللَّهَ كَأَنَّكَ تَرَاهُ، فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاكَ).

(Ixsaanka waa inaad u caabuddo Alle adigoo arkaya oo kale haddaadan arkaynin isagaa ku arkaya)

Waxaan Ka Shaqeeyaa Xarun Caafimaad Ila Taliya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More