Rasuul African ama Soomaali ah inuu jiray Malaga yaabaa

Rasuul African ama Soomaali ah inuu jiray Malaga yaabaa

Su’aasha:

asc magaceyga waa maajid maalin maalmaha kamid ah waxaan la fadhiyey sxbadey waxaan ka hadleynay Arimo diini ah soon ayeyna aheyd aniga waxaan keenay Laba su’aal oo ilaa iyo hada aniga iyo Sxbadey aan waynay cid inoogu jawaabta Sxbadey qaarkood waa ahlu diin xataa waxaan waydiinay Maamulaha Schoolkena wuuna ka cudur daartay

Su’aasha waxay tahay nebi muse CSW waxaa loo so diray reer binu Israiil oo kaliya isaga iyo walalkiis haaruun waxayna ku dhaqnaayeen Goob Hada lagu magacaabo Masar ama Egypt hadaba Su’aasha xalinta u baahan waxay tahay xagee bey jireen dadkii kale ee dunida kunoolaa mise dunida oo dhan reer binu Israiil oo kaliya ayaa kunoolaan misna waxaa jiray Rasul kale oo loo diray qowmiyadihii kale ee dunida ku noolaa maadaama qur’aanka lagu sheegay in Rasul badan ay jireen oo qaarkood aan magacyadooda la sheegin Malaga yaabase in Rasul Somali ah jiray ama mid African ah

Suaasha kale posti kale ayaan kasoo dhigayaa

Rasuul African ama Soomaali ah inuu jiray Malaga yaabaa
Rasuul African ama Soomaali ah inuu jiray Malaga yaabaa

Jawaabta:

Ilaahay (SW) wuxuu abuuray umado fara badan oo dunida ku baahsanaa wuxuuna sheegay umad kaste inuu u diray rasuul wuxuu yiri:

(إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ بِالْحَقِّ بَشِيرًا وَنَذِيرًا ۚ وَإِن مِّنْ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٌ)

(Annagaa kula dirnay xaq adoo bishaaraynaya oo digiya, umadaan  dige loo dirinna ma jirto).

Aayadda waxay tilmaamaysaa umad kaste jirtay in loo diray rasuul u digaya nabi Muaxaed (SCW) kahor

Wuxuu kaloo yiri Alle:

(وَعَادًا وَثَمُودَ وَأَصْحَابَ الرَّسِّ وَقُرُونًا بَيْنَ ذَٰلِكَ كَثِيرًا)

(Caadna waan Halaagnay iyo Thamuud, iyo Rasi (Ceelkii) Ehelkiisii, iyo Quruumo Intaas u Dhaxeeyey oo Badan).

Sidoo kale aayadda waxay tilmaamaysaa umado badan inay jireen aan la sheegin oo la halaagay Ilaahayna ma halaago umad asoon rasuul u dirin wuxuu yiri:

(وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّىٰ نَبْعَثَ رَسُولًا)

(mana cadaabno intaan uga soo dirno Rasuul).

Ilaahay wuxuu kaliya magacaabay rusulo qaar qaarna maba sheegin magacyadooda iyo meesha loo diray iyo waqtiga la diray iyo dadkay u dhasheen, marka guud ahaan waa inaan rumaynaa wixii Alle soo diray anbiyo iyo rauullaba, rususha quraanka iyo axaadiista lagu sheegay dhamaantooda waxay joogeen bariga dhexe iyo meelaha u dhow, laakin faahfaahin lagama hayo dadka deganaa south America iyo Asia iyo Africa marka nabigeena Muaxammad (SCW)  lasoo saaray ayaa risaalada la joojiyay oo waxaa lagu khatimay anbiyada xataa isaga ayaa loo sheegay anbiyada inaysan ku koobnayn kuwa la xusay wuxuu yiri Alle:

(وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًا مِّن قَبْلِكَ مِنْهُم مَّن قَصَصْنَا عَلَيْكَ وَمِنْهُم مَّن لَّمْ نَقْصُصْ عَلَيْكَ ۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِيَ بِآيَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ فَإِذَا جَاءَ أَمْرُ اللَّهِ قُضِيَ بِالْحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ الْمُبْطِلُونَ)

(Waxan dirnay rasuullo adiga hortaa Waxaa ka mid ah kuwo aan kaaga qisoonay iyo kuwo aanaan kaaga qisoonin, rasuulna aayad (mucjisad) ah idiin Lama imaan karo Eebe la’aantiis hadduuse yimaado amarka Eebe (cadaabkiisu) waxaa la Xukumi xaq waxaana ku khasaaray halkaas kuwa Xumaanlowga ah.)

 

 

Imisa Nabi ayaa jiray oo Alle waxyi kusoo dejiyay

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More