Riyo nin gaal lacag kaa qaadan rabo oo aad ka badbaadayso

Su’aasha:

Asc jzkllh kheyr riyadii hore waa iiga jawaabteen alle ha idinka ajar siiyo waxa kalo jirto riyo kale oo aad ulayaabey taaasoo ah aniga iyo qof kale ayaan isla soconey meel laami ah saan usocdey waxaan arkey anigo meel taag ah fuuley meshina ma ahan meel fiican waxaan isdhahey meshi kadeg wan awoodi wayey inan kadego kabood ayan is iri misane waa meel dheer hadi an kaboodo halis ayan galeyaa hortedana waxa fadhiya askari gaal ah oo madoow hadi an akmaro waxaan kacabsadey inu iga shakiyo oo idilo sidasi dartisa wan lahadley waliba afsoomaali waxaan iri mamari karaa meeshas waxaan saaranahey halki taga aheyd waxaan radinaya sidan ugu degi lahaa wuxu igu yiri meshas lama mari karo sababto ah hadii aad marto wan dhaceya marka askarigi gaalka wuxu igu yiri halkan gal waa meel uu waardiyeynayo oo dhismo weyn ah oo hotel oo kale ah waana lacag ee lacagta tuur oo gal wuxu iso bixiyey boono doolar u eg aniga niyada wan kadhibsanoya lkn meel an ubaxsado malaha meeshi aan fuuleyna wey liqliqaneysaa wana kadhici raba wan iscalinaya gaalki ban kuyiri war adigu madhacaysid miya maya ayuu yiri markas lacagta hadhaw an kutuuraa an kuyiri gudihi ayan galey misana waa meel kunool gaalo iyo soomaali gaalada dhqankodi leh aad ban uqiirodey cules bn dareemey nolosha meeshi sababto dad dhaqan islaam leh kuma noola mudo kadib aya gaalki iiyimid wuxu igu yiri lacagti aya lagaa rabaa intii horena wey kabadatey lacagta oo100 doolar aya lagaa rabaa ana macalin dugsi ban ahey oo iska maskiin ah mobelka waxa iigu jiro 100 doolar oo isku ilaaliyo oo keed ah hadi an wada dhibo waxba iima haraayo alaabteda ayan xirxirtey qof ayaa iiyimid wan is raacney waxaan kadegdgeanay jarajarti dhismaha aniga waxaan taaganahey alllow fasaadkan iga dhexbixi lacagtedana nin gaal ah inaan siiyo marabi aniga iyo wiilkii wan sosocaney jaranjaranti ayaan kadageyna wado midig midna waa bidix jaranjaranta bidix waa laga dhacaa dhaca lagamadegi karo kan midigna wuu toosanyahey wa laga badbaadaa ilaahey wuxu igu aadiyey tii midig wana kadegtey hadana waxaan kacabsaneya gaalki lacagta ayu kaaqadana maxad samesa aan is iri adiga waxaan halki uufadhiyey askriga gaalka ahaa misane maba joogaba waxa mesha fadhiya odiyaal somali ah aya kusheegesanayo markasan farxey ilaahey halki xumed wuu iga soo bixiyey lacagtina wey ii badbaatey ano farxasan oo dhahayo alxamdulilah gaalkiba hadad kaso faketey ayan meel baaburta ay marsey aadey oo waxaan raba inan gaari raaco si aan xaafada uu aado wana faraxsanahey wana soo kacey ayado salad subax ano riyada inta danbe kufaraxsan bal riyadaasi maxey timaami karta sheeked3edana aad bey udheereet.

Riyo nin gaal lacag kaa qaadan rabo oo aad ka badbaadayso
Riyo nin gaal lacag kaa qaadan rabo oo aad ka badbaadayso

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa fidno weyn oo kugusoo socota, fidnadaas waxay kaaga imaanaysaa dad xun oo wata dhaqanka gaalada, laakin waxaa ku jirto riyada bishaaro taas oo ah badbaadidda aad ka badbaadayso ninka gaalka ah iyo dadkii dhaqanka xumaa meesha la joogay, riyada ayaana laga fahmayaa inaad ka badbaadayso fidnadan, marka iska ilaali wixii dhib kuu keeni kara.

Astaanta midig iyo midda bidixda oo riyada ku sugan waxay tilmaamaysaa waddada hanuunka iyo waddada baadinimada, waddada iimaanka iyo gaalnimada, iyo jidka wanmaagga iyo midka xumaanta.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More