Imisa Nabi ayaa jiray oo Alle waxyi kusoo dejiyay

Su’aasha:

scw waxaa rabaa inaad iga jawaabto imisa nabi ayaa jiri jiray oo Ilaahay waxyi kuso dejiyay, quraanka ama xadiiska ma lagu sheegay inta nabi oo Alle dadka usoo diray, fadlan waxaan rabaa jawaab faahfaahsan oo ka jawaabaysa su’aasha ah  imisa nabi ayaa jiri jirtay?

Imisa Nabi ayaa jiray oo Alle waxyi kusoo dejiyay
Imisa Nabi ayaa jiray oo Alle waxyi kusoo dejiyay

Jawaabta:

Tirada anbiyada iyo rususha aad bay u badan tahay, tiradaas intay tahayna Ilaahay kaliya ayaa og, sida laga fahmayo aayadaha quraanka iyo nusuusta.

Aayadaha quraanka

aayadaha anbiyada ka hadlay
aayadaha anbiyada ka hadlay

Alle quraanka wuxuu ku sheegay 25 nabi sida ku sugan aayadahan halkaan ku xusan:

 إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى آدَمَ وَنُوحًا .. {آل عمران:33}،

Eebe wuxuu ka doortay Aadan, Nuux, Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan Calaamka.

 وَإِلَى عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا .. {هود:50}،

Caadna waxaa Ioo diray Walaalkood Nabi Huud,

 وَإِلَى ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا.. {هود:61}،

Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax

 وَإِلَى مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا .. {هود:84}،

Madyanna waxaan u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb,

 وَإِسْمَاعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا الْكِفْلِ .. {الأنبياء:85} . ‏

Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli

 وَتِلْكَ حُجَّتُنَا آتَيْنَاهَا إِبْرَاهِيمَ عَلَى قَوْمِهِ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٌ *

وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ كُلًّا هَدَيْنَا وَنُوحًا هَدَيْنَا مِنْ قَبْلُ وَمِنْ ذُرِّيَّتِهِ دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَى وَهَارُونَ وَكَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ *

وَزَكَرِيَّا وَيَحْيَى وَعِيسَى وَإِلْيَاسَ كُلٌّ مِنَ الصَّالِحِينَ*

وَإِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَيُونُسَ وَلُوطًا وَكُلًّا فَضَّلْنَا عَلَى الْعَالَمِينَ {الأنعام: 83 – 86}،

Taasina waa Xujadanadii aa u siinnay Ibraahim Qoomkiisa waxaan koryeelaa Darajaadka Ciddaan Doonno Eebahaana waa Falsame Oge ah *
Waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub Dhammaana waan Hanuuninay, Nabi Nuuxna waan Hanuuninay waqti Hore, waxaana ka mid ah Faraciisii Nabi Daawuud, Sulaymaan, Ayuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun, Saasaana ku Abaal marinaa Samofalayaasha*
Iyo Zakariye, Yaxye, Ciise ILYaas, Dhammaana waxay ahaayeen kuwo Suubban*
Iyo Ismaaeiil Alyasac, Yuunus, iyo Luudh, Dhammaana waxaad ka Fadilnay Caalamka.

Xadiis kusoo arooray

عن ‏أبي ذر رضي الله عنه قال : قلت يا رسول الله ، كم المرسلون ؟ قال : ثلاثمائة وبضعة عشر ‏‏، جما غفيرا . ‏
وفي رواية أبي أمامة قال أبو ذر : قلت يا رسول الله: كم وفاء عدة الأنبياء ؟ قال : مائة ‏ألف ، وأربعة وعشرون ألفا ، والرسل من ذلك: ثلاثمائة وخمسة عشر ، جما غفيرا .‏

 

(Waxaa laga wariyay Abuu Thar (RC) wuxuu yiri: waxaan iri: rasuulkii allow rususha waa immisa? wuxuu yiri sedex boqol iyo dhowr iyo toban, wax aad u badan)  riwaayada Abuu Umaama wuxuu yiri Abuu Thar: waxaan iri rasuulkii Allow tirada anbiyada waa meeqa? wuxuu yiri boqol iyo labaatan iyo afar kun, rusushana sidaas oo kale sedex boqol iyo toban iyo shan wax aad u badan)

Waxaa wariyaya ibnu Xibbaan

Waxaa kaloo jira kuwo aan la sheegay sida quraanka kusoo aroortay

إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ بِالْحَقِّ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَإِنْ مِنْ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٌ {فاطر:24}،

Annagaa kugu dirray xaq adoo bishaarayn oo digi, umadaan udige loo dirinna ma jirto.

 وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ {سبأ:28}

Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu’miniinta, una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga.

 وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًا مِّن قَبْلِكَ مِنْهُم مَّن قَصَصْنَا عَلَيْكَ وَمِنْهُم مَّن لَّمْ نَقْصُصْ عَلَيْكَ ۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِيَ بِآيَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ فَإِذَا جَاءَ أَمْرُ اللَّهِ قُضِيَ بِالْحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ الْمُبْطِلُونَ

Waxan dirray rasuullo adiga hortaa Waxaa ka mid ah kuwo aan kaaga qisoonay iyo kuwo aanaan kaaga qisoonin, rasuulna aayad (mucjisad) ah idiin Lama imaan karo Eebe la’aantiis hadduuse yimaado amarka Eebe (cadaabkiisu) waxaa la Xukumi xaq waxaana ku khasaaray halkaas kuwa Xumaanlowga ah.

إِنَّا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ كَمَا أَوْحَيْنَا إِلَىٰ نُوحٍ وَالنَّبِيِّينَ مِن بَعْدِهِ ۚ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالْأَسْبَاطِ وَعِيسَىٰ وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَارُونَ وَسُلَيْمَانَ ۚ وَآتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا ‎﴿١٦٣﴾‏

وَرُسُلًا قَدْ قَصَصْنَاهُمْ عَلَيْكَ مِن قَبْلُ وَرُسُلًا لَّمْ نَقْصُصْهُمْ عَلَيْكَ ۚ وَكَلَّمَ اللَّهُ مُوسَىٰ تَكْلِيمًا ‎﴿١٦٤﴾

‏ رُّسُلًا مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى اللَّهِ حُجَّةٌ بَعْدَ الرُّسُلِ ۚ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا ‎﴿١٦٥﴾

Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zabuur. *
iyo Rasuullo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal. *
Waa Rasuullo Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana waa Adkaade Falsan.

Waxaa aad loo raadiyaa meeqa nabi ayaa jirta ? Afarta nabi ee is dhalay ayaa ku jira anbiyada, iyo imisa nabi ayaa quraanka lagu sheegay , sidoo kale waxaa lay weyddiiyaa imisa nabi ayaa carab ahaa

Waxaad ka akhrisan kartaa qisooyinka nabiyaasha kitaabka ibnu kathiir oo la dhaho  قصص الأنبياء

kitaabka ibnu kathiir oo la dhaho  قصص الأنبياء
kitaabka ibnu kathiir oo la dhaho  قصص الأنبياء

 

Rasuul African Ama Soomaali Ah Inuu Jiray Malaga Yaabaa

 

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More