Waa maxay daawada bulshada bukan

Bulshada waxay u bukataa sida uu jirka aadanaha u bukado, haddaba waa maxay daawada jirka u baahan yahay markuu bukado.

Waa maxay daawada bulshada bukan
Waa maxay daawada bulshada bukan

Bulshada waxyaabo badan ayaa jira lagu hagaajin karo, nusuus badan ayaa kusoo aroortay daawada bulshada bukan

wuxuu leeyahay Alle:

{يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا أَنْ تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ}

(Kuwa xaqa rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen)

Sidoo kale waxaa laynaga rabaa inaan buraarugsanaano, oo aan ku cibraqaadano dadka kale, inaan ka faa’ideysano khibradaha nolosha, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا خُذُوا حِذْرَكُمْ}

(Kuwa (Xaqa) rumeeyow qaata digtoonidiinna)

Wuxuu leeyahay nabigeena:

(لاَ يُلْدَغُ المُؤْمِنُ مِنْ جُحْرٍ وَاحِدٍ مَرَّتَيْنِ)

(Mu’minka lagama qaniino hal god labo jeer)

Wuxuu leeyahay nabigeena:

(انْصُرْ أَخَاكَ ظَالِمًا أَوْ مَظْلُومًا ، فَقَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللَّهِ ، أَنْصُرُهُ إِذَا كَانَ مَظْلُومًا ، أَفَرَأَيْتَ إِذَا كَانَ ظَالِمًا كَيْفَ أَنْصُرُهُ ؟ قَالَ: تَحْجُزُهُ، أَوْ تَمْنَعُهُ ، مِنَ الظُّلْمِ فَإِنَّ ذَلِكَ نَصْرُهُ)

(U gargaar walaalkaaga asoo gardaran iyo asoo laga gardaran yahayba) nin ayaa yiri: rasuulkii Allow waan u gargaarayaa asoo laga gardaran yahay, ka waran sideen ugu gargaaraa asoo gardaran? Wuxuu yiri: (dulmiga ayaad ka reebaysaa, taasna waa u gargaariddiisa),)

Qof kaste naga mid ah waxaa laga rabaa intuu awoodo inuu gacanta ka qabto qofka raba inuu dhib u geysto dalka, aabbaha waa inuu ka qabtaa wiilkiisa gacanta, walaalkana waa inuu ka qabtaa walaalkiisa gacanta, saaxiibkana waa inuu ka qabtaa saaxiibkiisa gacanta, waa inaanan noqonin dad aan faa’ido lahayn oo aan la soconin waxa jira, wuxuu leeyahay rasuulka:

( لاَ تَكُونُوا إِمَّعَةً، تَقُولُونَ: إِنْ أَحْسَنَ النَّاسُ أَحْسَنَّا، وَإِنْ ظَلَمُوا ظَلَمْنَا، وَلَكِنْ وَطِّنُوا أَنْفُسَكُمْ ، إِنْ أَحْسَنَ النَّاسُ أَنْ تُحْسِنُوا ، وَإِنْ أَسَاءُوا فَلاَ تَظْلِمُوا) ،

(Ha noqonina qofaan shakhsiyad lahayn, waxaad dhahaysaan: haddii dadka ay wanaag sameeyaan wanaag ayaan sameynaynaa, hadday dulmi ku kacaan dulmi ayaan ku kacaynaa, laakin celiya naftiina, hadday wanaag sameeyaan dadka inaad wanaag sameysaan, hadday xumaan sameeyaanna dulmi ha samynina).

Wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَثَلُ القَائِمِ عَلَى حُدُودِ اللَّهِ وَالوَاقِعِ فِيهَا ، كَمَثَلِ قَوْمٍ اسْتَهَمُوا عَلَى سَفِينَةٍ  فَأَصَابَ بَعْضُهُمْ أَعْلاَهَا وَبَعْضُهُمْ أَسْفَلَهَا، فَكَانَ الَّذِينَ فِي أَسْفَلِهَا إِذَا اسْتَقَوْا مِنَ المَاءِ مَرُّوا عَلَى مَنْ فَوْقَهُمْ، فَقَالُوا: لَوْ أَنَّا خَرَقْنَا فِي نَصِيبِنَا خَرْقًا وَلَمْ نُؤْذِ مَنْ فَوْقَنَا، فَإِنْ يَتْرُكُوهُمْ وَمَا أَرَادُوا هَلَكُوا جَمِيعًا، وَإِنْ أَخَذُوا عَلَى أَيْدِيهِمْ نَجَوْا، وَنَجَوْا جَمِيعًا ) .

(Tusaalaha kan ku taagan xuduudda Alle iyo kan ku dhacaya waa sida dad doon qorituur u sameytay, qaar korkeeda ayay heleen qaarna hoosteeda, kuwa hoos markay biyo dhaansanayaan waxay marayaan kuwa ka korreeya, waxay dhaheen: haddaan duleelino qeybteena oo aanan dhibin dadka naga korreeya, hadday u daayaan wixii ay rabaan way wada halaagsamayaan, hadday gacmaha ka qabtaanna way wada badbaadayaan)

Kuma filna qofka inuu ahaado mid naftiisa ahaan u wanaagsan, fiqiga marxaladda wuxuu keenayaa inuu ka gudbo wanaagga una gudbo hagaajinta, wuxuu leeyahay  Alle :

{لَا خَيْرَ فِي كَثِيرٍ مِنْ نَجْوَاهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلَاحٍ بَيْنَ النَّاسِ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ ابْتِغَاءَ مَرْضَاتِ اللَّهِ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا}

(Khayr ma leh wax badan oo faqooda ah, oon ahayn mid fara sadaqo ama wanaag ama hagaajin dadka dhexdooda, ruuxii fala saas asoo doonayo raalli ahaanshaha Alle waxaanu siin ajir weyn)

Wuxuu leeyahaya Alle:

{وَمَا كَانَ رَبُّكَ لِيُهْلِكَ الْقُرَى بِظُلْمٍ وَأَهْلُهَا مُصْلِحُونَ}

(Allana uma halaago magaalo dulmi iyadoo Ehelkeedu wax wanaajin)

Islaamka wuxuu ku dadaalay xiriirka ka dhexeeya bulshada inuu ahaado mid xoog leh, inuu ka dhexeeyo iskaashi iyo isu naxariisasho dadka hal bulsho ka dhexeyso, inaan dhib loo geysanin dadka kale, iyadoo lagasoo anbabaxayo oraahda rasuulka:

(لاَ يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يُحِبَّ لِأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ)

(Midkiina ma rummeeyo ilaa uu walaalkiisa ula jeclaado wuxuu naftiisa la jecel yahay)

Wuxuu leeyahay rasuulka:

(وَاللَّهِ لاَ يُؤْمِنُ، وَاللَّهِ لاَ يُؤْمِنُ، وَاللَّهِ لاَ يُؤْمِنُ ، قِيلَ: وَمَنْ يَا رَسُولَ اللَّهِ؟ قَالَ: الَّذِي لاَ يَأْمَنُ جَارُهُ بَوَائِقَهُ).

(Wallaahi ma rummaynayo, wallaahi ma rummaynayo wallaahi ma rummaynayo, waxaa lagu yiri: waa kuma rasuulkii Allow?, wuxuu yiri: midka deriskiisa aan ka nabadgelin shartiisa).

Wuxuu yiri rasuulka:

(مَا آمَنَ بِي مَنْ بَاتَ شَبْعَانَ وَجَارُهُ جَائِعٌ إِلَى جَنْبِهِ وَهُوَ يَعْلَمُ بِهِ)

(Ima rummaynin qofkii bariyo asoo dersikiisa dhiniciisa ku gaajaysan yahay asoo og).

wuxuu leeyahay nabigeena:

(كَفَى بِالْمَرْءِ إِثْمًا أَنْ يُضَيِّعَ مَنْ يَعُولُ)

(Qofka waxaa ku filan inuu dayaco cidda uu biilayo)

akhlaaqda ayuu ku gaaraa muslinka darajada iimaanka, miisaakiisana uu ku cuslaanayo, wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَا مِنْ شَيْءٍ أثْقَلُ في مِيزَانِ العبدِ المُؤْمِنِ يَوْمَ القِيَامَةِ مِنْ حُسْنِ الخُلُقِ ، وَإنَّ الله يُبْغِضُ الفَاحِشَ البَذِيَّ)،

 (Wax ma jiro ka culeys badan miisaanka addoonka mu’minka maalinta qiyaame dabeecadda fiican, Ilaahay wuxuu neceb yahay midka  xun oo afxumada badan).

Marka la weyddiiyay rasuulka waxa ugu badan oo dadka jannada galiya? wuxuu yiri:

(تَقْوَى اللهِ ، وَحُسنُ الخُلُقِ)

(Alle ka cabsiga iyo dabeecadda fiican)

Wuxuu ku tiriyay rasuulka akhlaaqda inay tahay miisaanka siyaadada iimaanka ama nusqaankiisa, wuxuu yiri rasuulka:

(أكْمَلُ المُؤمنينَ إيمَانًا أحسَنُهُمْ خُلُقًا … )

(Mu’miniinta waxaa ugu iimaan dhammeystiran kuwa ugu dabeecadda fiican)

Akhlaaqda qofka waxay ka ilaalisaa xumaanta, iyo kalmadda xun ee wax dumisa, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{وَمَثَلُ كَلِمَةٍ خَبِيثَةٍ كَشَجَرَةٍ خَبِيثَةٍ اجْتُثَّتْ مِنْ فَوْقِ الْأَرْضِ مَا لَهَا مِنْ قَرَارٍ }

 (Kalimada (Erayga) xunna  waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyay dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More