Guryaha sida loo idan warsado

Diinta islaamka waxay xoogga saartay ilaalinta sharafta iyo cirdiga dadka

Sidaa awgeed waxay reebtay qofka inuu galo guri uusan lahayn asoo aan loo idmin, sidoo kale inuu fiiriyo dadka ku jira.

Maxaayeelay qofka marka uu eego guri dadow ishiisa waxay ku dhacaysaa waxyaabo aan la oggolayn in la arko.

Guryaha sida loo idan warsado
Guryaha sida loo idan warsado

Haddii diinta arrintaas ay reebtay maxaad u malaynaysaa dadka u dhiga camera dad kale si ay u duubaan waxa ay samaynayaa.

Waliba waxaa kasii xun dadka dumarka ama raga u dhiga kaamira suuliga ama musqusha si ay u sawiraan cowrada dadka.

dhacdooyinkan maalin kaste ayay dhacaan.

Marka haddaad tagto guri aadan lahayn marka aad idin qaadanayso waxaa lagaa rabaa inaad si ixtiraam leh inaad u idan qaadato.

Waxaa laga wariyay Sacad bin Cubaada – Ilaahay raalli haka noqdee – inuu idan warsaday asoo albaabka horjooga wuxuu ku yiri nabiga :

 (لَا تَسْتَأْذِنْ وَأَنْتَ مُسْتَقْبِلٌ الْبَابَ)

(Idan ha warsanin adoo albaabka hor taagan).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More