Dambiga xanta iyo jeesjeeska

Diinta islaamka waa diin aad u qiima badan, fidrada toosan ayay waafaqsan tahay, waxaa kusoo aroortay quraanka iyo xadiiska nusuus badan oo tilmaamaysa inay xaaraan ay tahay dadka in la dhibo, dhibka dadka qaabab badan ayuu yeelan karaa, waxaa ka mid ah xanta, waxay keenaysaa xanta in qofka uu bulshada xumaan ku faafiyo kalsoonida walaaltinnimadana dumiyo, waxaa la mid ah xanta jeesjeeska.

Dambiga xanta iyo jeesjeeska
Dambiga xanta iyo jeesjeeska

Waxaa laga wariyay Abuu Hureyra -Ilaahay raalli haka noqdee – inuu yiri rasuulka Alle:

(أَتَدْرُونَ مَا الْغِيبَةُ؟) ، قَالُوا : (اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ) ، قَالَ : (ذِكْرُكَ أَخَاكَ بِمَا يَكْرَهُ) ، قِيلَ : أَفَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ فِي أَخِي مَا أَقُولُ؟ قَالَ : (إِنْ كَانَ فِيهِ مَا تَقُولُ فَقَدِ اغْتَبْتَهُ ، وَإِنْ لَمْ يَكُنْ فِيهِ فَقَدْ بَهَتَّهُ)

(Ma og tihiin xanta waxa ay tahay?) waxay dhaheen: (Alle iyo rasuulkiisa ayaa og), wuxuu yiri: (waa inaad ku sheegto walaalkaaga wax uu neceb yahay), waxaa la yiri: ka waran haduu ku sugan yahay walaalkayga waxaan sheegayo?, wuxuu yiri: (hadduu ku sugan yahay waxaad sheegayso waad xamatay, hadduusan ku sugnayn waad ku been abuuratay).

wuxuu leeyahay Alle:

{وَلا تَلْمِزُوا أَنفُسَكُمْ}

(Hana ceebeynina naftiinna)

wuxuu leeyahay Alle:

{وَيْلٌ لِكُلِّ هُمَزَةٍ لُمَزَةٍ}

(Halaag wuxuu u sugnaaday xanle wax ceebeya oo dhan),

wuxuu yiri Alle:

{هَمَّازٍ مَشَّاءٍ بِنَمِيمٍ}

(oo Xanlow ah, isku diraa ah)

waxaa laga wariyay Abuu mascuud -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri:

(لَمَّا أُمِرْنَا بِالصَّدَقَةِ  ، كُنَّا نَتَحَامَلُ ، فَجَاءَ أَبُو عَقِيلٍ بِنِصْفِ صَاعٍ ، وَجَاءَ إِنْسَانٌ بِأَكْثَرَ مِنْهُ ، فَقَالَ المُنَافِقُونَ : إِنَّ اللَّهَ لَغَنِيٌّ عَنْ صَدَقَةِ هَذَا ، وَمَا فَعَلَ هَذَا الآخَرُ إِلَّا رِئَاءً، فَنَزَلَتْ : {الَّذِينَ يَلْمِزُونَ المُطَّوِّعِينَ مِنَ المُؤْمِنِينَ فِي الصَّدَقَاتِ وَالَّذِينَ لاَ يَجِدُونَ إِلَّا جُهْدَهُمْ فَيَسْخَرُونَ مِنْهُمْ سَخِرَ اللَّهُ مِنْهُمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ} .

(Marka lana amray sadaqada, waan soo xamaalan jirnay, Abuu Caqiil ayaa nus suus keenay qof kalena wuxuu keenay wax ka badan, munaafiqiinta ayaa yiri: Ilaahay waa ka kaaftoon yahay kan sadaqadiisa, kan uma sameynin arrinkan waxaan ahayn istus waxaa soo degay hadalka Alle: {waa kuwa ku ceebeeya kuwa sadaqaysanaya oo mu’miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jeesjeesaan Eebana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran}  ).

wuxuu leeyahay Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ عَسَى أَن يَكُونُوا خَيْرًا مِّنْهُمْ وَلَا نِسَاءٌ مِّن نِّسَاءٍ عَسَى أَن يَكُنَّ خَيْرًا}

(Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin ragna rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, haweenna yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine).

waxaa laga wariyay Ummu muusaa waxay tiri: waxaa lagu xusay ibnu Mascuud Cali agtiisa -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu sheegay fadligiisa, wuxuu yiri: mar ayuu geed fuulay wuxuu rabay asxaabtiisa inuu usoo guro, asxaabtiisa ayaa ku qoslay dhuubinada lugihiisa, wuxuu yiri: rasuulka Alle:

(مَا تَضْحَكُونَ؟ فَلَهُوَ أَثْقَلُ فِي الْمِيزَانِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنْ أُحُدٍ)

(Maxaa ku qoslaysaan? Wuxuu ka culus yahay miiskaanka maalinta qiyaame buurta Uxud).

wuxuu leeyahay nabigeena – SCW -:

(مَنْ رَدَّ عَنْ عِرْضِ أَخِيهِ ، رَدَّ اللهُ عَنْ وَجْهِهِ النَّارَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ)  مصدر

(Qofka waalaalkiisa sharftiisa difaaco Ilaahay wejigiisa naarta ayuu ka reebayaa maalinta qiyaame).

wuxuu leeyahay rasuulka – SCW -:

(يُبْصِرُ أحَدُكُمُ الْقَذَاةَ في عَيْنِ أخِيهِ ، وَيَنْسَى الْجِذْعَ فِي عَيْنهِ)

(Midkiina tif ayuu ka dhex arkaa isha walaalkiisa wuxuu illaawaa qori weyn oo ku jira ishiisa)

 

Islaamka Islaweynida Meesha Uu Geeyay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More