Riyo cajiib labo dayax oo iftiin qurux badan leh iyo aabe salaad ii kicinayo

Riyada:

Asc wllo magaceygu waa amiin waxaan ku riyooday riyo cajiib ah habeenkaa asaga ah waaa xanunsanaa oo calooshaa leyga haayey waan hurday ka dib waxay ku bilaabaty riyada anigoo hurdayo oo uu abbe iga kicinayo oo uu I leeyahy aabe kac oo salaada ama saxuuro labadaa midkood shaki ayaa igaga jiro oo waan yara hilmaamay si kastaba wuu iga kicinayaa oo ana intaan kaco ayaan abbe hye dhahayaa abbe mar waliba asga ayaa salaada ii toosiya halkaa hadaan kasii wado markaan kaco bananka waxaa jirta ka cada ama iftiin zaaid oo ay bishu leedahay sida habeenka 15aad ee bisha isla markiiba
Albaabka ayaa lasso garaacayaa ana ha furin baan dhahayaa oo waan baqanayaa
Ma aqan waxaan ka baqayo markiba wala furayaa waba saxibkey oo askar la socdo
Oo gari nooca cabdi bile saaran
Waan farxayaa oo kadib waa uu ii soo dagayaa waan salaamayaa wax buu I sinayaa aan xasuusan wana uu iska tagayaa oo bye bye I dhahayaa waan xasuuntaa gacanta ayuu ii lulayaa ana guriga ayaan soo galayaa waxan maqlyaa buuq kadib waba bananka waan soo baxayaa anigoo yaaban walalaheyga buuqa lama yaabana xiliguna waa 2:00:00
Habeenimo caruurta caadi ayey u cayaarayaan oo cadada ama iftiinku waa saaid cirka ayaan fiirinayaa waxan arkayaa 2 bilood oo is garab socda kadib walashey baan weydiinayaa oo waa caadi bey I leeday kadib anoo yaban baan eegayaa markle ma qiyaasi karo quruxda uu iftiinka leeyahay. Iyo cirkuba labadii bil waa ay isku dhawaanayaan kadib waxaan dhalanayo iftiin sida balanbaalisyo aad u qurxoon oo ifayo sida iftiin bisha soo dayso oo halaca shabaha quruxda ma maleysan kartid markaan dadib waan kasoo kacay.

Riyo cajiib labo dayax oo iftiin qurux badan leh iyo aabe salaad ii kicinayo
Riyo cajiib labo dayax oo iftiin qurux badan leh iyo aabe salaad ii kicinayo

Fasirka:

Riyadan aad ayay u fiican tahay waxay xambaarsan tahay macne aad u ballaaran, waxay tilmaamaysaa nolol farxad leh inaad ku noolaan doonto sidoo kale aqoon inaad yeelan doonto,  iyo inaad guursan doonto gabar aad u qurux badan oo diin leh, salaaddaas laguu kicinayo iyo saaxiibkaaga wax ku siinayo iyo iftiinka labada dayax quruxda badan iyo caruurta oo goobtaas ku caaarayso waa astaan farxad weyn aan lasoo koobi karin, ku dadaal diinta iyo salaadda iyo quraanka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More