Naxariista Rusuulka (SCW) oo lasoo koobay

Rasuulka Ilaahay Nabi Muxamed – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – oo kale masoo marin adduunka, waa naiga lagu khatimay anbiyada nabi kalena ma imaanayo oo isaga ka dambeeyo.

Naxariista Rusuulka (SCW) oo lasoo koobay
Naxariista Rusuulka (SCW) oo lasoo koobay

Nabiga wuxuu ahaa midka ugu raxaariis badan uguna dhaqan fiican inta Ilaahay uumay. Ilaahay wuxuu soo saaray rasuulkiisa Muxamed – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – asoo hanuuniye ah iyo bishaareeye iyo asoo ah mid ugu yeeraya Ilaahey, tasoo dhan waa Ilaahay idinikii iyo asoo ah feynuus iftiin leh, Alle wuxuu lasoo diray risaalo khaatimo ah oo caalami ah oo u suubato oona hagaajiso waqti kaste iyo meel kaste, taas waxay keentay inuu ku ahaado rasuulka  hadalladiisa iyo falalkiisa iyo dhammaan xaaladahiisa mid tusaale camali u ah Islaamka saxa ah, taasna la yaab ma laha, wuxuu ahaa rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – mid laasimaya manhajka Quraanka xagga xiriirka rabbigiisa iyo xagga xiriirkiisa dadkaoo dhan si kastoo ay ugu kala duwan yihiin jinsigooda iyo midabkooda iyo caqiidadooda, sidaa awgeed marka la weyddiiyay muminiinta hooyadooda Caa’isha dabeecadda rasuulka waxay tiri: (waxay ahayd dabeecaddiisa quraanka).

Alle wuxuu leeyahay:

(لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا)

(Waxaa idinku sugan rasuulka Alle kudayasho wanaagsan, ruuxii rajayn Alle iyo maalinta aakhiro, Allana xusa in dadan)

wuxuu ahaa mid runlow ah iyo amiinba intuu noolaa ilaa loogu bixiyay dadkiisa dhexdooda runlowga amiinka ah soo saariddiisa kahor sidoo kale amiin ah:

Wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(أَدِّ الأَمَانَةَ إِلَى مَنِ ائْتَمَنَكَ ، وَلاَ تَخُنْ مَنْ خَانَكَ)

(Amaanada u celi qofkii kuu dhiibtay hana khiyaanin qofkii ku khiyaano).

wuxuu ahaa rasuulka midka dadka ugu oofinta badan, waligiisa qofka wejiga uma baddalin mana illaawin qofka fadligiisa qof kastoo wanaag sameeya wanaag ayuu kaga abaalmariyay, wuxuu yiri geeridiisa kahor:

(مَا لأَحَدٍ عِنْدَنَا يَدٌ إِلاَّ وَقَدْ كَافَيْنَاهُ ، مَا خَلاَ أَبَا بَكْرٍ فَإِنَّ لَهُ عِنْدَنَا يَدًا يُكَافِئُهُ اللَّهُ بِهِ يَوْمَ القِيَامَةِ).

 (Qof ma jiro wax nagu leh hadday dhacdo waan ka abaalmarinaynaa, Abuu bakar mooyee  waxaa uu nagu leeyahay Ilaahay ayaa ka abaalmarinayo maalinta qiyaame).

Waxaa ka mid ah muuqallada oofintiisa wuxuu u sameyn jiray mu’miniinta hooyadooda Khadiija  -Ilaahay raalli haka noqdee –  wuxuu ahaa qof jecel oo qadariya mid u oofiyana u ah nolosheeda iyo geerideeda kaddib, wuxuu leeyahay asoo caddeynaya darajadeeda:

(مَا أَبْدَلَنِي اللَّهُ (عَزَّ وَجَلَّ) خَيْرًا مِنْهَا ، قَدْ آمَنَتْ بِي إِذْ كَفَرَ بِي النَّاسُ ، وَصَدَّقَتْنِي إِذْ كَذَّبَنِي النَّاسُ ، وَوَاسَتْنِي بِمَالِهَا إِذْ حَرَمَنِي النَّاسُ ، وَرَزَقَنِي اللَّهُ (عَزَّ وَجَلَّ) وَلَدَهَا إِذْ حَرَمَنِي أَوْلَادَ النِّسَاءِ)

(Ilaahay ma igu baddalin wax iyada ka fiican, waxay i aamintay markay dadka igu kufriyeen waxay i rummeysay marka ay dadka i beeniyeen, maalkeeda ayay igu deeqday marka ay dadka ii diideen, ilaahayna ilma ayuu iga siiyay markuu iga reebay ilmaha haweenka kale)

Waxay leedahay sayida Caa’isha  -Ilaahay raalli haka noqdee -:

(مَا غِرْتُ عَلَى أَحَدٍ مِنْ نِسَاءِ النَّبِيِّ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) ، مَا غِرْتُ عَلَى خَدِيجَةَ ، وَمَا رَأَيْتُهَا ، وَلَكِنْ كَانَ النَّبِيُّ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) يُكْثِرُ ذِكْرَهَا ، وَرُبَّمَا ذَبَحَ الشَّاةَ ، ثُمَّ يُقَطِّعُهَا أَعْضَاءً ، ثُمَّ يَبْعَثُهَا فِي صَدَائِقِ خَدِيجَةَ)

 (Kama maseyrin haweenka nabiga intaan ka maseyray Kahdiija mana arkin iyada laakin nabiga wuxuu badin jiray sheegiddeeda waxaaba laga yaabaa inuu gowraco ri’ kaddib uu u jarjaro xubno kaddibna uu u diro Khadiija asxaabteeda)

Waxaa ka mid ah oofinta uu u smaeyn jiray dadka aan muslkinka ahayn, maalintii Badar wuxuu yiri:

 (لَوْ كَانَ الْمُطْعِمُ بنُ عَديٍ حَيًّا، فَكَلَّمَنِي فِي هَؤُلَاءِ الأسْرَى لَأَطْلَقْتُهُمْ)

 (Hadduu noolaan lahaa Mudcim bin Cadiy oona igala hadli lahaa qafaalkan waan u deyn lahaa), Mudcim wanaag ayuu u sameeyay rasuulka marka uu Makka soo galay asoo kasoo noqday safarkii Daa’if.

Waxaa ka mid ah sidoo kale oofintiisa xagga cadowgiisa xataa xilliga dagaalka, waxaa laga wariyay Xudeyfa bin Alyamaan – Ilaahay raalli haka noqdee – maalinta Badar inuu yiri: Badar inaan ka qaybgalo igama reebin arrinkan mooyee kaasoo ah aniga iyo aabbahayga ayaa soo baxnay waxaa na qabsaday gaalada Qureysh waxay dhaheen: idinka Muxamed ayaad u socotaan waxaan niri: uma socono, uma jeedno waxaan Madiina ahayn, waxay nala galeen ballanka Ilaahay inaan madiino aadeyno oo aanan la dagaallameynin, waxaan u nimid rasuulkii Ilaahay  – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – waxaan u sheegnay warka wuxuu yiri: (iska baxa ballankooda ayaan u oofinaynaa Ilaahayna waan u kaalmaysanaynaa).

waxay leedahay mu’miniinta hooyadooda sayida Caa’isha -Ilaahay raalli haka noqdee –  :

(مَا رَأَيْتُ أَحَدًا أَشْبَهَ سَمْتًا وَدَلاًّ وَهَدْيًا بِرَسُولِ اللَّهِ (صلى الله عليه وسلم) مِنْ فَاطِمَةَ بِنْتِ رَسُولِ اللَّهِ (صلى الله عليه وسلم) ، قَالَتْ : وَكَانَتْ إِذَا دَخَلَتْ عَلَى النَّبِيُّ (صلى الله عليه وسلم) ، قَامَ إِلَيْهَا ، فَقَبَّلَهَا ، وَأَجْلَسَهَا فِي مَجْلِسِهِ… ).   

 (Ma rkin qof kaga dhow xagga qaabka iyo dhaqanka rasuulka Alle Faaduma, wuu u istaagay wuuna dhunkaday, wuxuuna fariisiyay fadhigiisa…)

Waxaa laga wariyay Abuu Hureyra -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri: nabiga ayaa dhunkaday Xasan bin Cali waxaa agtiisa joogay Al-aqrac bin Alxaabis Atamiimi wuxuu yiri Al-aqrac: toban ilmo ayaan haystaa waligaygana ma dhunkanin mid ka mid ah, waxaa eegay rasuulka kaddib wuxuu yiri:

(مَنْ لاَ يَرْحَمُ لاَ يُرْحَمُ)

(Qofkaan naxariisanin looma naxariisto).

Maalin nabiga wuu sujuuday wuxuu dheereeyay sujuudda, markuu salaadda dhameeyay dadkii ayaa yiri: (rasuulkii allow salaaddaada tan ah waxaad ku sujuudday sujuud aadan waligaaga sujuudin, ma wax lagu amray baa? ama laguu waxyooday? wuxuu yiri rasuulka:

(كُلُّ ذَلِكَ لَمْ يَكُنْ ؛ وَلَكِنِ ابْنِي ارْتَحَلَنِي ، فَكَرِهْتُ أَنْ أَعْجَلَهُ حَتَّى يَقْضِيَ حَاجَتَهُ)

(Waxaas oo dhan ma aha, laakin wiilkayga ayaa korka iga soo fuulay waxaan nacay inaan dedejiyo ilaa uu dadntiisa ka dhammaysto).

Waa kanaa Anas bin Maalik -Ilaahay raalli haka noqdee –  oo leh:

(خَدَمْتُ رَسُولَ اللَّهِ (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) عَشْرَ سِنِينَ, فَمَا قَالَ لِي أُفٍّ قَطُّ ، وَمَا قَالَ لِشَيْءٍ صَنَعْتُهُ , لِمَ صَنَعْتَهُ؟ , وَلا لِشَيْءٍ تَرَكْتُهُ , لِمَ تَرَكْتَهُ؟)

(Waxaan u adeegay rasuulka Ilaahay toban sano ima dhihin waligiisa uf wax aan sameeyayna ma dhihin maxaad u sameysay? wax aan ka tagayna maxaad uga tagtay?).

waxay leedahay Mu’miniinta hooyadooda Caa’isha:

(مَا خُيِّرَ رَسُولُ اللَّهِ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) بَيْنَ أَمْرَيْنِ إِلَّا اخْتَارَ أَيْسَرَهُمَا ، مَا لَمْ يَكُنْ إِثْمًا ، فَإِذَا كَانَ إِثْمًا كَانَ أَبْعَدَ النَّاسِ عنه)

 (Rasuulka Alle labo arrin lama doorgaliyo hadday dhacdana wuxuu dooran jirin kan ugu fudud hadduuna ahayn dambi, hadduu dambi yahayna wuxuu ahaa kan kaga fogaansho badan dadka), wuxuu yiri:

(إِنَّ الدِّينَ يُسْرٌ، وَلَنْ يُشَادَّ الدِّينَ أَحَدٌ إِلاَّ غَلَبَهُ، فَسَدِّدُوا، وَقَارِبُوا، وَأَبْشِرُوا، وَاسْتَعِينُوا بِالْغَدْوَةِ وَالرَّوْحَةِ، وَشَيْءٍ مِنَ الدُّلْجَةِ)

(Diinka wuu fudud yahay, qof iskuma adkeeyo haddii kale wuu ka adkaanayaa, toosiya dhexdhexeysta bishaareysta, kaalmeysta arootii iyo galabtii iyo qeyb ka mid ah dheelmashada).

wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ: إِيَّاكُمْ وَالْغُلُوَّ فِي الدِّينِ، فَإِنَّمَا أَهْلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمُ الْغُلُوُّ فِي الدِّينِ)

(Dadow iska jira xadgudubka diinta dadkii idinka horreeyay waxaa halaagay xadgudubka diinta).

Nabiga wuxuu jeclaa meesha uu ku dhashay wuxuu yiri (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(اللهُمَّ حَبِّبْ إِلَينَا المَدِينَةَ ، كَحُبِّنَا مَكَّةَ أَو أشدَّ)

(Ilaahayow Madiina na jeclaysii, sida Makka aannu u jecel nahay)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More