Fadliga tobanka bisha xajka iyo udxiyada

Tobanka bisha dilxija waxay leedahay fadli badan aan lasoo koobi karin, fadligaas waxaa kusoo aroortay nusuus aad u fara badan oo tilmaamaysa camalka la qabanayo tobanka bisha dulxija inuu yahay camal aad u weyn oo barako badan leh ajir weynna laga helayo.

Fadliga tobanka bisha xajka iyo udxiyada
Fadliga tobanka bisha xajka iyo udxiyada

Guud ahaan qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu u degdego camalka suuban sida Alle in badan sheegay:

Wuxuu yiri Alle:

(وَسَارِعُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ * الَّذِينَ يُنفِقُونَ فِي السَّرَّاءِ وَالضَّرَّاءِ وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ)

(Una deg daga Dambi dhaafka rabbigiina iyo Janno Ballaarkeedu yahay cirarka iyo Dhulka oo loo darbay kuwa dhawrsada * Ee ah kuwa wax bixiya Waqtiga Ladnaanta iyo Dhibkaba, ee cabburiya carada ee iska Cafiya Dadka, Allana waa Jecel yahay Samafalayaasha)

wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(إِنَّ لِرَبِّكُمْ عَزَّ وَجَلَّ فِي أَيَّامِ دَهْرِكُمْ نَفَحَاتٍ، فَتَعَرَّضُوا لَهَا ، لَعَلَّ أَحَدَكُمْ أَنْ تُصِيبَهُ مِنْهَا نَفْحَةٌ لَا يَشْقَى بَعْدَهَا أَبَدًا )

(Rabbigiina – cazza wajalla –  wuxuu ku leeyahay maalmaha waqtigiina barakooyin ee u banbaxa, waxaa laga yaabaa midkiina inay soo gaarto barako oo kaddibna waligiisa uusan hoogi doonin).

In Ilaahay ku dhaartay wuxuuna yiri:

(وَالْفَجْرِ* وَلَيَالٍ عَشْرٍ * والشفع والوتر)

(Waxaan ku dhaartay Waabariga * Iyo Habenanada Tobanka ah (Carafo) * iyo Tirada siman iyo tan is dheer)

(وَيَذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فِي أَيَّامٍ مَعْلُومَاتٍ عَلَى مَا رَزَقَهُمْ مِنْ بَهِيمَةِ الْأَنْعَامِ)

)oo ay xusaan Magaca Alle Maalmo la Yaqaan, waxa Alle ku Arsaaqay oo ah Xayawaanka nicmoolayda), waa maalmo qofka muslinka ah ugu soo kulmaya gudashada cibaadooyinka waaweyn sida salaadda iyo sadaqada iyo soonka iyo xajka, taasna maalmaha kale kuma suurtowdo.

wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – :

(مَا مِنْ أَيَّامٍ الْعَمَلُ الصَّالِحُ فِيهَا أَحَبُّ إِلَى اللَّهِ مِنْ هَذِهِ الْأَيَّامِ) يَعْنِي أَيَّامَ الْعَشْرِ ، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ ، وَلَا الْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ؟ قَالَ: (وَلَا الْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ، إِلَّا رَجُلٌ خَرَجَ بِنَفْسِهِ وَمَالِهِ ، فَلَمْ يَرْجِعْ مِنْ ذَلِكَ بِشَيْءٍ)

(Maalmo ma jiraan oo camalka suuban loogu jecel yahay xagga Alle oo maalmahan ka fiican, wuxuu ka wadaa maalmaha tobanka, waxay dhaheen: rasuulkii Allow xataa jihaadka dar Alle? Wuxuu yiri: (xataa jihaadka dar Alle, qof mooyee oo naftiisa iyo maalkiisa lasoo baxay oo waxna aan lasoo laabanin),

wuxuu leeyahay Alle:

(الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَعْلُومَاتٌ فَمَنْ فَرَضَ فِيهِنَّ الْحَجَّ فَلَا رَفَثَ وَلَا فُسُوقَ وَلَا جِدَالَ فِي الْحَجِّ)

(Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, afxumo iyo fisqi iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa)

nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu leeyahay:

(مَنْ حَجَّ ، فَلَمْ يَرْفُثْ، وَلَمْ يَفْسُقْ ، رَجَعَ كَيَوْمِ وَلَدَتْهُ أمُّهُ).

(Qofka xajiyo oo aan afxumo ku kicin fisqina sameynin wuxuu ku noqonayaa sida maalinta hooyadii ku dhashay oo kale)

xaajiga ma doodo, ugaar ma kiciyo mana racdeysto mana dilo wuxuu leeyahay Alle:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَقْتُلُوا الصَّيْدَ وَأَنْتُمْ حُرُمٌ)

(Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina Ugaarta idinkoo Xarman)

wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(إن هذا البلد حرّمه الله تعالى لا يُعْضَدُ شوْكُه [أي لا يُقطع] ، ولا يُنفَّرُ صَيدُه ، ولا يَلتقط لُقطتَه إلا مَن عَرَّفها)

(Baladkan Ilaahay ayaa xurmad siiyay qodaxdiisa lama gooyo, ugaartiisana lama racdeysto, baadidiisa lama qaato qofka baahinaya mooyee).

wuxuu ku yiri khudbaddii sagootiska:

(أَلَا أُخْبِرُكُمْ بِالْمُؤْمِنِ ؟ مَنْ أَمِنَهُ النَّاسُ عَلَى أَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ، وَالْمُسْلِمُ: مَنْ سَلِمَ النَّاسُ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ، وَالْمُجَاهِدُ: مَنْ جَاهَدَ نَفْسَهُ فِي طَاعَةِ اللَّهِ، وَالْمُهَاجِرُ: مَنْ هَجَرَ الْخَطَايَا وَالذَّنُوبَ)

(Ma idin sheegaa mu’minka? Waa qofka dadka hantidooda iyo naftooda u nabadgaliya, muslinka: waa midka ay dadka ka nabadgalaan carrabkiisa iyo gacantiisa, mujaahidkana : waa kan kula jihaado naftiisa daacada Ilaahay, muhaajirkana: waa kan ka taga qaladaadka iyo dambiyada),

wuxuu yiri rasuulka:

(مَنْ صَامَ يَوْمًا فِي سَبِيلِ اللَّهِ ، بَعَّدَ اللَّهُ وَجْهَهُ عَنِ النَّارِ سَبْعِينَ خَرِيفًا)

(Qofka hal maalin dar Alle u sooma wuxuu ka fogeynayaa Ilaahay wejigiisa naarta toddobaatan sano)

wuxuu yiri:

(صِيَامُ يَوْمِ عَرَفَةَ أَحْتَسِبُ عَلَى اللَّهِ أَنْ يُكَفِّرَ السَّنَةَ الَّتِي قَبْلَهُ وَالسَّنَةَ الَّتِي بَعْدَهُ)

(Soonka maalinta Carafo waxaan ka rajeynayaa Alle  inuu ii dembidhaafo sanadka lasoo dhaafay iyo kan soo socda)

wuxuu leeyahay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(مَا مِنْ يَوْمٍ أَكْثَرَ مِنْ أَنْ يُعْتِقَ اللهُ فِيهِ عَبْدًا مِنَ النَّارِ مِنْ يَوْمِ عَرَفَةَ ، وَإِنَّهُ لَيَدْنُو ، ثُمَّ يُبَاهِي بِهِمِ الْمَلَائِكَةَ)

(Maalin ma jirto oo Ilaahay addoonka naarta ka xoreynayo oo ka badan maalinta Carafo, wuu soo dhowaanayaa malaa’igta ayuu ugu faanayaa)

waxaa laga wariyay Cumar bin Alkhadaab – Ilaahay raalli haka noqdee -: in nin yahuudi ah ku yiri : mu’miniinta amiirkoodiyow aayad kitaabkiina ku sugan aad akhrinaysaan annaga yahuudda hadday nagu soo degi lahayd maalintaas ciid ayaan ka dhigan lahayn, wuxuu yiri: aayaddee?  Wuxuu yiri:

(الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا)

(Maantaan idiin dhammeystiray Diintiinna waxaanna idiin taamyeelay Korkiinna Nicmadayda) wuxuu yiri: Cumar (waan ogaanay maalintaas  iyo meesha ay rasuulka kaga soo degatay, asoo taagan Carafo oona ay tahay maalin jimco.

wuxuu leeyahay nabigeena:

(مَا مِنْ أَيَّامٍ أَعْظَمُ عِنْدَ اللهِ ، وَلاَ أَحَبُّ إِلَيْهِ مِنَ الْعَمَلِ فِيهِنَّ مِنْ هَذِهِ الأَيَّامِ الْعَشْرِ، فَأَكْثِرُوا فِيهِنَّ مِنَ التَّهْلِيلِ، وَالتَّكْبِيرِ وَالتَّحْمِيدِ)

(Maalmo ma jiraan oo ka weyn xagga Alle oona loogu camal jecel badan yahay maalmahaan tobanka ah, ee badiya tahliisha iyo takbiirta iyo mahadda Alle)

wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(أَلَا أُخْبِرُكُمْ بِخَيْرِ أَعمَالِكُمْ، وَأَرْفَعِهَا فِي دَرَجَاتِكُمْ، وَأَزْكَاهَا عِنْدَ مَلِيكِكُمْ، وَخَيْرٍ لَكُمْ مِنْ إِعْطَاءِ الذَّهَبِ وَالْوَرِقِ، وَخَيْرٍ لَكُمْ مِنْ أَنْ تَلْقَوْا عَدُوَّكُمْ فَتَضْرِبُوا أَعْنَاقَهُمْ، وَيَضْرِبُوا أَعْنَاقَكُمْ؟ قَالُوا: بَلَى، قَالَ: ذِكْرُ اللَّهِ تَعَالَى)

(Ma idin sheegaa camalkiina kan ugu khayrka badan ugu sarreynta badan darajada ugu fiican xagga rabbigiina, idinkana khayr badan siismada dahabka iyo qalinka kana khayr badan inaad cadowgiina la kulantaan oo qoortooda aad ka dhufataan iyaguna qoortiina ay idinka dhuftaan?,) waxay dhaheen: haa, wuxuu yiri: (waa xuska Alle).

Waxaa laga wariyay Mucaad Ibnu Jabal inuu yiri:

(مَا عَمِلَ ابْنُ آدَمَ مِنْ عَمَلٍ أَنْجَى لَهُ مِنْ عَذَابِ اللَّهِ، مِنْ ذِكْرِ اللَّهِ (عز وجل)).

(Aadane ma qabto camal oo ugu badbaado badan cadaabka Ilaahay  xuska Alle)

wuxuu yiri nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(ما عَمِلَ آدَمِيٌّ مِنْ عَمَلٍ يَوْمَ النَّحْرِ أحَبَّ إلى اللهِ (عز وجل) مِنْ إهْراقِ الدَّمِ، وإنَّها لَتأْتِي يَوْمَ القِيامةِ بِقُرُونِها وأشْعارِها وأظْلافِها، وإنَّ الدَّمَ لَيَقَعُ مِن اللَّهِ بِمَكانٍ قَبْلَ أنْ يَقَعَ مِنَ الأرْضِ فطِيبُوا بِها نَفْسًا)

(ma qabto aadane camalka maalinta gowraca (xajka) oo loogu jecel badan yahay xagga Alle daadinta dhiigga, udxiyada maalinta qiyaame waxay la imaanaysaa geesaheeda iyo timaheeda iyo qoobabkeeda, dhiiggana meel weyn ayuu kaga dhacaa xagga Alle intuusan dhulka ku dhicin, ee naftiina haku faraxdo)

wuxuu ku yiri:

: (مَنْ ضَحَّى مِنْكُمْ فَلَا يُصْبِحَنَّ بَعْدَ ثَالِثَةٍ ، وَبَقِيَ فِي بَيْتِهِ مِنْهُ شَيْءٌ ) ، فَلَمَّا كَانَ الْعَامُ الْمُقْبِلُ ، قَالُوا : يَا رَسُولَ اللَّهِ نَفْعَلُ كَمَا فَعَلْنَا عَامَ الْمَاضِي؟ ، قَالَ : ( كُلُوا ، وَأَطْعِمُوا ، وَادَّخِرُوا ، فَإِنَّ ذَلِكَ الْعَامَ كَانَ بِالنَّاسِ جَهْدٌ فَأَرَدْتُ أَنْ تُعِينُوا فِيهَا)

(Qofkii udxiyo qalo yuuna waabariisanin maalinta seddexaad asoo wax kasoo haray guriga u yaalla, marka sanadka xiga waxay dhaheen: rasuulkii allow miyaan sameynaa sidaan sameynay sanadkii tagay? wuxuu yiri: (cuna quudiya dhigta, sanadkaas dadka  dhibaato ayaa hasatay waxaan rabay inaad u kaalmaysaan)

Alle wuxuu ku boorriyay addoomihiisa waxbixinta wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَنفِقُواْ مِمَّا رَزَقْنَاكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ يَوْمٌ لاَّ بَيْعٌ فِيهِ وَلاَ خُلَّةٌ وَلاَ شَفَاعَةٌ وَالْكَافِرُونَ هُمُ الظَّالِمُونَ)

(Kuwa (xaqa) rumeeyow nafaqeeya (bixiya) waxaan idinku arsaaqnay qaarkood kahor intaysan imaanin maalin (Qiyaamada) oon gadasho jirin iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna) Gaaladuna iyaga unbaa daalimiin ah), xadiiska sharafta badan waxaa kusoo arooray:

(مَا نَقصَ مالٌ مِن صَدَقةٍ)

(Sadaqo hanti waxba kama dhinto)

(المُسْلِمُ أَخُو المُسْلِمِ ؛ لاَ يَظْلِمُهُ ، وَلاَ يُسْلِمُهُ ، وَمَنْ كَانَ فِي حَاجَةِ أَخِيهِ كَانَ اللَّهُ فِي حَاجَتِهِ ، وَمَنْ فَرَّجَ عَنْ مُسْلِمٍ كُرْبَةً فَرَّجَ اللَّهُ عَنْهُ كُرْبَةً مِنْ كُرُبَاتِ يَوْمِ القِيَامَةِ ، وَمَنْ سَتَرَ مُسْلِمًا سَتَرَهُ اللَّهُ يَوْمَ القِيَامَة)

(Muslinka waa muslinka kale walaalkii, ma dulmiyo cadowna uma dhiibo, qofka danta walaakiisa ka shaqeeyo Ilaahay ayaa dantiisa u fulinayo, qofka ka feydo muslin kurbo Ilaahay wuxuu ka feydayaa kurbo ka mid ah kurbooyinka maalinta qiyaame, qofka muslin asturo Ilaahay maalinta qiyaame ayuu asturayaa)

wuxuu yiri rasuulka:

(عَلَى كُلِّ مُسْلِمٍ صَدَقَةٌ ، فَقَالُوا : يَا نَبِيَّ اللَّهِ ، فَمَنْ لَمْ يَجِدْ ؟ قَالَ : يَعْمَلُ بِيَدِهِ، فَيَنْفَعُ نَفْسَهُ وَيَتَصَدَّقُ ، قَالُوا : فَإِنْ لَمْ يَجِدْ ؟ قَالَ : يُعِينُ ذَا الحَاجَةِ المَلْهُوفَ ، قَالُوا : فَإِنْ لَمْ يَجِدْ ؟ قَالَ : فَلْيَعْمَلْ بِالْمَعْرُوفِ ، وَلْيُمْسِكْ عَنِ الشَّرِّ ، فَإِنَّهَا لَهُ صَدَقَةٌ)

(Qof kaste muslin ah sadaqo ayaa laga rabaa), waxay dhaheen: rasuulkii allow qofkaan helin? Wuxuu yiri: (gacantiisa ayuu ku shaqaysanayaa naftiisa ayuuna anfacayaa wax buuna sadaqaysanayaa) waxay dhaheen: hadduusan helin? Wuxuu yiri: (wuxuu u kaalmaynayaa midka baahan oo dibban) waxay dhaheen: hadduusan helin? wuxuu yiri: wanaag ha sameeyo shartana haka haro  sadaqay u tahay).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More