Riyada anoo Sooman oo hadana is ogeyn wax cunay ka dibna cuntadii oo afka igu jirta iska tufay?

Su’aasha:

Waa ku salaamay saaxiib qaaliya sidee tahay waxaan kaaga mahad celinaa sidaad marwalba riyooyinka aad igu micneyso tankale waxaan xaley ku riyooday anoo sooman ayaa waxaan tagay guriga habar yartay oo markaas raashiin bisil ka karsanaa saa waxaan arkay familkii habar yartay oo aan sooneyn oo si caadi wax iskaga cunaayo xitaa xaajiga habar yartay qaba muu sooneyn waxbuu cunaayey markaasaa anoo is ogeyn cuntadii ayaan afka gashtay oo hilib iyo bariis isugu jiray qaar markay igu tageen ayaan hadana qaar kale ayagoo afka iigu jira soo xasuustay inaan soomanahay markaas baan iska tufay ka dibna luuqday oo tufay riyadaas maxay ka dhigantahay wll.

Riyada anoo Sooman oo hadana is ogeyn wax cunay ka dibna cuntadii oo afka igu jirta iska tufay?
Riyada anoo Sooman oo hadana is ogeyn wax cunay ka dibna cuntadii oo afka igu jirta iska tufay?

Jawaabta:

Kusoo dhowow webka Daruur waan ogahay inaad riyo badan soo qorto,  waxaan kaa codsanayaa inaad ku faafiso riyooyinka boggaada Facebook ama baraha bulshada ee kale, si dad badan ay uga faa’ideystaan,  batooman ayaa jira oo aad kaga faafin kartid qoraal kaste webka ku qoran, Facebook WhatsApp Twitter iyo dhammaan baraha kale.

Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto arsaaq  ama hanti, waa riyo fiican oo tilmaamaysa nolol fiican iyo barwaaqo, riyada cuntada guud ahaan waa nolol fiican iyo barwaaqo uu qofka helayo, marka inshaa Allaah bishaaro ayaa kuusoo dhow lacag ha noqoto ama shaqo aad lacag ka heli doonto, si kastaba waa wax fiican, cuntada aad iska tufayso waa wixii kaa soo haro aad dad meel kale ku bixinayso, waa khayr riyada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More