Mas’uuliyadda kaa saaran ehelkaaga iyo dadka kale

Qofka mas’uuliyad weyn ayaa ka saaran ehelkiisa iyo qaraabadiisa iyo deriskiisa iyo dadka uu la dhaqmo, waxaa laga rabaa inuu munkarka ka reebo wanaaggana faro, sidoo kale dadka dhibanna inuu wax u qabto, masaakiinta inuu u kaalmeeyo, danyarta inuu garab istaago.

Mas'uuliyadda kaa saaran ehelkaaga iyo dadka kale
Mas’uuliyadda kaa saaran ehelkaaga iyo dadka kale

Midda ugu horraysa waa inuu camalkaaga suuban yahay si aad naftaada iyo bulshada u anfacdo

wuxuu yiri Alle:

وَالْعَصْرِ * إِنَّ الْإِنْسَانَ لَفِي خُسْرٍ * إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَتَوَاصَوْا بِالْحَقِّ وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ}،

(Waxaan ku dhaaranayaa waqtiga casarka ah * In aadanaha khasaaro ku sugun yahay * Marka laga reebo kuwa rumeeyay xaqa ee camal fiican falay, isuna dardaarmay xaqa, isuna dardaarmay samirka*)

{وَاتَّقُوا فِتْنَةً لَّا تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنكُمْ خَاصَّةً } .

(Iska islaaliya Fidno oon ugu dhacaynin kuwii dulmiga falay gaar ahaan oo idinka mid ah, ogaadana in Alle ciqaabtiisu daran tahay)

فعَن النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ (رضي الله عنهما) قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) : (مَثَلُ الْمُؤْمِنِينَ فِي تَوَادِّهِمْ وَتَرَاحُمِهِمْ وَتَعَاطُفِهِمْ مَثَلُ الْجَسَدِ ؛ إِذَا اشْتَكَى مِنْهُ عُضْوٌ تَدَاعَى لَهُ سَائِرُ الْجَسَدِ بِالسَّهَرِ وَالْحُمَّى) .

Waxaa laga wariyay Annucmaan bin Bashiir –Ilaahay raalli haka noqdee – inuu yiri rasuulka Alle – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -: (mu’miniinta tusaalahooda xagga isjacaylkooda iyo isu naxariisashadooda iyo isu dhimrintooda waa sida jirka oo kale, marka xubin ka sheegato jirka oo dhan dhafar iyo qandho ayuu ka sheegtaa).

Saaxiibtinnimada suuban miraheeda waxaa ka mid ah inay sabab u tahay jacaylka Alle – cazza wajalla – iyo liibaanta jannada

فعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ (رضي الله عنه) عَنِ النَّبِيِّ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) (أَنَّ رَجُلًا زَارَ أَخًا لَهُ فِي قَرْيَةٍ أُخْرَى ، فَأَرْصَدَ اللهُ لَهُ عَلَى مَدْرَجَتِهِ مَلَكًا ، فَلَمَّا أَتَى عَلَيْهِ ، قَالَ : أَيْنَ تُرِيدُ؟ قَالَ : أُرِيدُ أَخًا لِي فِي هَذِهِ الْقَرْيَةِ ، قَالَ : هَلْ لَكَ عَلَيْهِ مِنْ نِعْمَةٍ تَرُبُّهَا؟ قَالَ : لَا ، غَيْرَ أَنِّي أَحْبَبْتُهُ فِي اللهِ (عَزَّ وَجَلَّ) ، قَالَ : فَإِنِّي رَسُولُ اللهِ إِلَيْكَ بِأَنَّ اللهَ قَدْ أَحَبَّكَ كَمَا أَحْبَبْتَهُ فِيهِ) .

Waxaa laga wariyay Abuu Hureyra –Ilaahay raalli haka noqdee – in nin booqday walaalkiisa ku sugan toolo kale, Ilaahay wuxuu ugu diyaariyay waddadiisa malag markuu u yimid: wuxuu yiri: halkeed rabtaa? Wuxuu yiri: waxaan rabaa walaalkeyga ku sugan tooladan, wuxuu yiri: wax dan miyaad ka leedahay, wuxuu yiri: maya, laakin Ilaahay dartiisa ayaan u jeclaaday, wuxuu yiri: aniga waxaan ahay qof Ilaahay igakaa soo diray, Ilaahay wuxuu kuu jeclaaday sidaad u jeclaatay)

فعَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ (رضي الله عنه) أَنَّ رَجُلاً سَأَلَ النَّبِيَّ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) عَنِ السَّاعَةِ ، فَقَالَ : مَتَى السَّاعَةُ؟ قَالَ: (وَمَاذَا أَعْدَدْتَ لَهَا؟) ، قَالَ : لاَ شَيْءَ ، إِلَّا أَنِّي أُحِبُّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) ، فَقَالَ : (أَنْتَ مَعَ مَنْ أَحْبَبْتَ) ، قَالَ أَنَسٌ : فَمَا فَرِحْنَا بِشَيْءٍ ، فَرَحَنَا بِقَوْلِ النَّبِيِّ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) : (أَنْتَ مَعَ مَنْ أَحْبَبْتَ) ، قَالَ أَنَسٌ : فَأَنَا أُحِبُّ النَّبِيَّ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) وَأَبَا بَكْرٍ ، وَعُمَرَ ، وَأَرْجُو أَنْ أَكُونَ مَعَهُمْ بِحُبِّي إِيَّاهُمْ ، وَإِنْ لَمْ أَعْمَلْ بِمِثْلِ أَعْمَالِهِمْ .

Waxaa laga wariyay Anas bin Maalik – Ilaahay raalli haka noqdee – in nin weyddiiyay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – saacadda qiyaame, wuxuu yiri; waa goorma saacadda? Wuxuu yiri: (maxaad u diyaarsatay?) wuxuu yiri: waxba, laakin aniga waxaan jeclahay Alle iyo rasuulkiisa, wuxuu yiri: (adiga waxaad la jiraysaa qofkaad jeclaato) Anas wuxuu yiri: hadalka nabiga saan ugu faraxnay wax aan ugu faraxnay ma jiro kaasoo ah: (adiga waxaad la jiraysaa qofkaad jeclaato) wuxuu yiri Anas: aniga waxaan jeclahay Nabiga iyo Abuu bakar iyo Cumar waxaan rajaynayaa inaan iyaga kula jiro jacaylkayga dartii oon iyaga jeclahay xataa haddaanan sameynin camalkooda oo kale.

فعَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ (رضي الله عنهما) قَالَ : قِيلَ : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، أَيُّ جُلَسَائِنَا خَيْرٌ ؟ قَالَ : (مَنْ ذَكَّرَكُمْ بِاللَّهِ رُؤْيتَهُ ، وَزَادَ فِي عِلْمِكُمْ مَنْطِقَهُ ، وَذَكَّرَكُمْ بِالْآخِرَةِ عَمَلُهُ).

Waxaa laga wariyay Ibnu Cabbaas – Ilaahay raalli haka noqdee- wuxuu yiri: waxaa la yiri: rasuulkii Allow saaxiibayaasheena kee ugu fiican? Wuxuu yiri: (Kan aragtidiisa Alle idin xusuusiso hadalkiisana aqoontiina wax ku kordhiya, camalkiisana Aakhira idin xusuusiya).

وعن أنس (رضي الله عنه) عن النبي (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) قال : (انْصُرْ أَخَاكَ ظَالِمًا أَوْ مَظْلُومًا) ، قلنا : يا رسول الله ، نصرته مظلومًا ، فكيف أنصره ظالمًا ؟ قال : (تَكُفُّهُ عَنِ الظُّلْمِ ؛ فَذَاكَ نَصْرُكَ إِيَّاهُ)

Waxaa laga wariyay Anas inuu yiri nabiga: (u gargaar walaalkaaga asoo gardaran iyo asoo laga gardaran yahay) waxaan niri: rasuulkii Allow waan u gargaaray asoo laga gardaran yahay, sideen ugu gargaaraa asoo gardaran? Wuxuu yiri: (dulmiga ayaad ka reebaysaa, taasna waa u gargaariddiisa),

waxaa laga rabaa dhammaan inay ogaadaan weynida mas’uuliyaddan, wuxuu yiri rasuulka:

(كُلُّكُمْ رَاع ، وَكُلُّكُمْ مَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِه ، الإِمَامُ رَاعٍ وَمَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِه ، وَالرَّجُلُ رَاعٍ فِي أَهْلِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِه ، وَالمَرْأَةُ رَاعِيَةٌ فِي بَيْتِ زَوْجِهَا وَمَسْئُولَةٌ عَنْ رَعِيَّتِهَا ، وَالخَادِمُ رَاعٍ فِي مَالِ سَيِّدِهِ وَمَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ)

(dhammaantiina waxaad tihiin ilaaliye, mid kastana waxaa la weyddiinayaa ilaaladiisa, imaamka waa ilaaliye iyo mas’uul waxaa la weyddiinayaa ilaaladiisa, ninkana waa Ilaaliyaha ehelkiisa waxaana la weyddiinayaa ilaaladiisa, haweeneydana waa ilaalisada guriga ninkeeda waxaana la weydiinayaa ilaaladeeda, adeegahana waa ilaaliyaha hantida sayidkiisa waxaana la weyddiinayaa ilaaladiisa)

wuxuu yiri Alle:

{يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنْفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا}

(Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar)

Wuxuu yiri rasuulka:

(إِنَّ اللَّهَ سَائِلٌ كُلَّ رَاعٍ عَمَّا اسْتَرْعَاه ، أَحَفَظَ ، أَمْ ضَيَّع ؟ حَتَّى يَسْأَلَ الرَّجُلَ عَنْ أَهْلِ بَيْتِهِ)

(Ilaahay wuxuu weyddiinayaa qof kaste wuxuu u dhiibtay ma ilaaliyay ama waa dayacay? ilaa uu ka weyddiiyo ninka qoyskiisa)

wuxuu yiri Imaam Shaafici :

أُحِبُّ الصالِحينَ وَلَستُ مِنهُم * * *  لَعَلّي أَن أَنالَ بِهِم شَفاعَة

وَأَكرَهُ مَن تِجارَتُهُ المَعاصي   * * *  وَلَو كُنّا سَواءً في البِضاعَة

Waxaan jeclahay dadka suuban anoon ka mid ahayn***

waxaan rajaynayaa inaan shafeeco ku helo

waxaan nacayaa kan shaqadiisu tahay macsi ***

xataa haddaan ka mideysan nahay badeecada

 

Macnaha xadiiska (qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More