Sidee ciriiriga Looga bixi karaa

Su’aasha:

Badana wax yabaha an raba ina hormar ku sameyo ima surta galan wey iga so xirmaan wax walbo culeys aya iga saran side ugu bixi kara ciriieigaas.

Sidee ciriiriga Looga bixi karaa
Sidee ciriiriga Looga bixi karaa

Jawaabta:

Adduunka wuxuu u baahan yahay sabar, wax markaad rabto horay lagama helo, mana aha qofka inuu quusto, qofka markuu sabro natiijada marka ugu dambeysa wuu gaarayaa, marka niyadda ha iska jabinin.

Haddaad dareemayso ciriiri waxaad eegtaa xiriirka aad la leedahay rabbiga ku abuuray, xiriirkaas hagaaji wixii uu ku amray sameey wixii uu kaa reebayna ka har, dadka aad la nooshahayna wanaag iyo khayr kula dhaqan waligaaga xaasid ha noqonin, dadkana ha la dagaallin, markaas waxaad dareemi doontaa deganaan iyo xasillooni.

Waxaad eegtaa dadka kaa liito iyo adiga nimcada aad haysato caafimaadka aad haysato iyo nolosha aad ku jirto, dad waxaa jira sariir saaran oo saxarda iyo kaadida laga qaadayo oo aan muqusha geyn karin, waxaas oo dhan waa in lagu cibaraqaato, waxaad ogaataa sabarka inuu guul keenayo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More