Riyada aabahay oo bun iyo cambuulo cunaya?

Su’aasha:

Waaku salaamay sxb qaaliya Waxaan ku riyooday habeen sii horeysay anigoo jiifo aqal gurigeena ku yaalo oo naga dumay hadana hurdo rafasho ku jiro ka dibna intaan soo kacay subax salaad ah isla riyada dhexdeeda aan guriga ugu galay aabahay oo bun cambuulo iyo daango cunaayo oo sali u fidsan markaasuu aabahay i dhahay caloosha maa lagaa qabtay anigana maya ayaan dhahay ka dibna waansoo toosay.

Riyada aabahay oo bun iyo cambuulo cunaya?
Riyada aabahay oo bun iyo cambuulo cunaya?

Jawaabta:

Saaxiib waan ku salaamay salaan kadib riyada waxay tilmaamaysaa arrin khasaaro la xiriirta, aqal dumaya ma fiicna khayr Allaah ka dhigo, waxay tilmaamaysaa dhacdo khasaaro wadata marka sharteeda Ilaahay ha dinka qabto.

Haddii aqalka dumaya riyada uusan ka mid ahayn oo aniga aan qalad u fahmay riyada waa khayr iyo farxad oo idin soo dhow.

Maxaayeelay astaanta cuntada ayaa markaas la eegayaa laakin haddii dumitaan uu la socdo riyada fasirkii hore ayay qaadanaysaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More