Malaa’igta adduunka wareegto goobta ay tagaan

Malaa’igta waxay qabtaan shaqooyin kala duwan qaarba wax bay qaabilsan yihiin,  waxaa jira malaa’ig wareegta aduunka oo taga meelaha ama goobaha Alle lagu xusayo.

Malaa'igta adduunka wareegto goobta ay tagaan
Malaa’igta adduunka wareegto goobta ay tagaan

Malaa’igtaas waxay ka mid yihiin malaa’igta raxmada ama naxariista waxay ag fariistaan dadka mu’miniinta oo Alle xusaya, wuxuu yiri rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(إِنَّ لِلَّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى مَلَائِكَةً سَيَّارَةً ، فُضُلًا يَتَتَبَّعُونَ مَجَالِسَ الذِّكْرِ ، فَإِذَا وَجَدُوا مَجْلِسًا فِيهِ ذِكْرٌ ، قَعَدُوا مَعَهُمْ ، وَحَفَّ بَعْضُهُمْ بَعْضًا بِأَجْنِحَتِهِمْ ، حَتَّى يَمْلَئُوا مَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ السَّمَاءِ الدُّنْيَا ، فَإِذَا تَفَرَّقُوا ، عَرَجُوا وَصَعِدُوا إِلَى السَّمَاءِ ، قَالَ : فَيَسْأَلُهُمُ اللهُ عَزَّ وَجَلَّ ، وَهُوَ أَعْلَمُ بِهِمْ : مِنْ أَيْنَ جِئْتُمْ؟ فَيَقُولُونَ : جِئْنَا مِنْ عِنْدِ عِبَادٍ لَكَ فِي الْأَرْضِ ، يُسَبِّحُونَكَ ، وَيُكَبِّرُونَكَ ، وَيُهَلِّلُونَكَ ، وَيَحْمَدُونَكَ ، وَيَسْأَلُونَكَ ، قَالَ : وَمَاذَا يَسْأَلُونِي؟ قَالُوا : يَسْأَلُونَكَ جَنَّتَكَ ، قَالَ : وَهَلْ رَأَوْا جَنَّتِي؟ قَالُوا : لَا ، أَيْ رَبِّ ، قَالَ : فَكَيْفَ لَوْ رَأَوْا جَنَّتِي؟ قَالُوا : وَيَسْتَجِيرُونَكَ ، قَالَ : وَمِمَّ يَسْتَجِيرُونَنِي؟ قَالُوا : مِنْ نَارِكَ يَا رَبِّ ، قَالَ : وَهَلْ رَأَوْا نَارِي؟ قَالُوا : لَا ، قَالَ: فَكَيْفَ لَوْ رَأَوْا نَارِي؟ قَالُوا : وَيَسْتَغْفِرُونَكَ ، قَالَ: فَيَقُولُ: قَدْ غَفَرْتُ لَهُمْ ، فَأَعْطَيْتُهُمْ مَا سَأَلُوا ، وَأَجَرْتُهُمْ مِمَّا اسْتَجَارُوا ، قَالَ : فَيَقُولُونَ : رَبِّ فِيهِمْ فُلَانٌ عَبْدٌ خَطَّاءٌ ، إِنَّمَا مَرَّ فَجَلَسَ مَعَهُمْ ، قَالَ : فَيَقُولُ : وَلَهُ غَفَرْتُ ، هُمُ الْقَوْمُ لَا يَشْقَى بِهِمْ جَلِيسُهُم) .

(Allaha sarreeya waxaa u sugnaatay malaa’ig socod ku jirta oo qiima leh, waxay raaraacayaan meelaha Alle lagu xuso, hadday arkaan fadhi Alle xusayo way la fariistaan, qaarkooda qaarka kale garbahooda ayay ku hareereeyaan ilaa ay buuxiyaan inta u dhexeysa iyaga ilaa samada dhow, markay kala tagaan cirka ayay fuulayaan, wuxuu yiri: Ilaahay -cazza wajalla -ayaa weyddiinaya asoo og: halkeed ka timaaddeen? waxay oranayaan: waxaan ka nimid addooman dhulka kuu jooga oo kugu tasbiixsanaya kuna weynaynaya kuna mideynaya kuguna mahdinaya waxna ku weyddiinaya, wuxuu dhahaa: maxay i weyddiinayaan? waxay dhahayaan: waxay ku weyddiinayaan jannadaada, wuxuu oranayaa; jannadeyda ma arkeen? waxay dhahayaan: maya rabbiyow, wuxuu dhahaa: ka warama haddey jannadeyda arki lahaayeen? waxay dhahayaan: way ku magangalayaan, wuxuu dhahaa maxay ka magangalayaan? waxay dhayahaan naartaada rabbiyow, wuxuu dhahaa: naarteyda ma arkeen? waxay dhahaan: maya, wuxuu dhahaa; ka warama haddey naartayda arki lahaayeen? waxay dhahaan: dambidhaaf ayay ku weyddiisanayaan, wuxuu yiri: wuxuu dhahaa: waan u dhaafay waxaanna siiyay waxay weyddiisteen, waxaanna ka magangaliyay wixii ay iga magangaleen, wuxuu yiri waxay dhahayaan: rabbiyow waxaa ku dhex jira addoon gaf badan, wuu soo maray wuuna la fariistay kaliya wuxuu yiri: wuxuu dhahaa: asagana waan u dhaafay, dadkan midka la fariisto kuma hoogo).

 

Nabiga Csw gargaar mala weydiisan karaa maxaase dhacaya

 

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More