Akhlaaqda Gabadha Muslimada Ah Iyo Xishoodka

Su’aasha:

As a Asalamu Aleikum Wllo qali Waxan Raba in aad iga caawiso Mowduuc ka hadlaya Akhlaaqda Gabadha Iyo Xishoodka Nususaha iyo Axaadiith ta kuso Aroortey iyo Xikmadahooda Taas iga caawi fadlan Adigo mhdsn Tankale Page kan wax badan ban kafaideystey Ilahay SWT Haka Awal Mariyo Aduun iyo Akhiriba Codsigeyga ii texgeli Ilahay SWT dartii Shukran🙏🏽

Akhlaaqda Gabadha Muslimada Ah Iyo Xishoodka
Akhlaaqda Gabadha Muslimada Ah Iyo Xishoodka

Jawaabta:

Mowduucan waa mowduuc aad u ballaaran ( Akhlaaqda Gabadha Muslimada ) halkan laguma soo koobi karo kutubo badan ayaa laga qoray, laakin markaan soo duudduubo waa sidan:

Marka hore waa in la ogaadaa islaamka inuu u yimid si uu cadaalad dadka u dhex dhigo, dumarka islaamka kahor xoolaha ayay la mid ahaayeen islaamka ayaa kor u soo qaaday, wuxuu siiyay xuquuqdooda, sidoo kale islaamka wuxuu amray in la qiimeeyo dumarka oo aan lagu xadgudbin, ninka ayaa dusha laga saaray biilka guriga, taas waxay tilmaamaysaa naagta inay tahay boqorad loo adeego, xuquuq ayaa mid kaste dusha ka saaran, wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(فَإِنَّ لَكُمْ عَلَى نِسَائِكُمْ حَقًّا ، وَلَهُنَّ عَلَيْكُمْ حَقًّا)

(Haweenkiina xaq ayaad ku leedihiin indinkuna xaq ayay idinku leeyihiin), marka la weyddiiyay rasuulka (SCW) qof ugu dhow  xiriir:

(مَنْ أَحَقُّ النَّاسِ بِحُسْنِ صَحَابَتِي؟ قَالَ : (أُمُّكَ) ، قَالَ : ثُمَّ مَنْ؟ قَالَ : (ثُمَّ أُمُّكَ) ، قَالَ : ثُمَّ مَنْ؟ قَالَ : (ثُمَّ أُمُّكَ) ، قَالَ : ثُمَّ مَنْ؟ قَالَ : (ثُمَّ أَبُوكَ))

(Yaa iigu xaqnimo badan xagga la jiritaanka wanaagsan? wuxuu yiri (hooyadaa) wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib hooyadaa) wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib hooyadaa), wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib aabbahaa)
Wuxuu yiri nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(مَنْ كَانَ لَهُ ثَلَاثُ بَنَاتٍ ، فَصَبَرَ عَلَيْهِنَّ ، وَأَطْعَمَهُنَّ ، وَسَقَاهُنَّ ، وَكَسَاهُنَّ مِنْ جِدَتِهِ، كُنَّ لَهُ حِجَابًا يوم القيامة مِنْ النَّارِ) ، وفي رواية : (مَنْ عَالَ ابْنَتَيْنِ ، أَوْ ثَلَاثَ بَنَاتٍ ، أَوْ أُخْتَيْنِ ، أَوْ ثَلَاثَ أَخَوَاتٍ ، حَتَّى يَبِنَّ ، أَوْ يَمُوتَ عَنْهُنَّ، كُنْتُ أَنَا وَهُوَ كَهَاتَيْنِ ، وَأَشَارَ بِأُصْبُعَيْهِ السَّبَّابَةِ وَالْوُسْطَى) ،

(qofka haysto seddex gabdhood kuna sabro, kana quudiyo hantidiisa kana waraabiyo kana huwiyo xijaab ayay naarta uga noqonayaan) riwaayo kale waxaa ku sugan (qofka biilo labo gabdhood ama seddex ama labo walaal gabdho ah, ama seddex ilaa ay ka tagaan ama uu isaga ka dhinto waxaan noqonaynaa aniga iyo isaga sidan, wuxuu ku tilmaamay farahiisa murdisada iyo fardhexaadda), waxaa laga wariyay abuu hurayra inuu rasuulka yiri:

(اسْتَوْصُوا بِالنِّسَاءِ ، فَإِنَّ المَرْأَةَ خُلِقَتْ مِنْ ضِلَعٍ ، وَإِنَّ أَعْوَجَ شَيْءٍ فِي الضِّلَعِ أَعْلاَهُ ، فَإِنْ ذَهَبْتَ تُقِيمُهُ كَسَرْتَهُ ، وَإِنْ تَرَكْتَهُ لَمْ يَزَلْ أَعْوَجَ، فَاسْتَوْصُوا بِالنِّسَاءِ خَيْرًا)

(Haweenka u dardaarama, haweeneyda waxaa laga abuuray feer qalloocan, waxa ugu qalloocan feerta waa xaggeeda sare, haddii aad toosinayso waad jabinaysaa, haddii aad ka tagtana way qalloocnaanysaa ee haweenka khayr u dardaarma)

Marka islaamka wuxuu amray gabadha muslimadda arrimo la xiriira akhlaaqa waxaana ugu muhiimsan:
1- inay xushmad lahaato oo ay is xijaabto oo aysan jirkeeda muujinin, sidoo kale inay u badnaato guriga oo aysan banaanka u badnaanin haddii daruuro adag ay u keento mooyee.
2- inaysan raga ajaanibta dhex boodin sidoo kale inaysan aadin safar iyadoon rag maxram la soconin.
3- inay qabsato oo ay ku dhigto awaamirta Alle faray sidoo kale ay ka fogaato wixii Alle ka reebay.
4- inay ahaato qof xishood leh oo wax kaste aan faraha la galin.

Alle markuu ka hadlayay ninkii suubaanaa ee dhalay labadii gabar Nabi Muuse (CS) biyaha u dhaamin jiray wuxuu tilmaamay xishoodka ay lahayd tan u timid wuxuu yiri Alle (SW):

فَجَاءَتْهُ إِحْدَاهُمَا تَمْشِي عَلَى اسْتِحْيَاءٍ قَالَتْ إِنَّ أَبِي يَدْعُوكَ لِيَجْزِيَكَ أَجْرَ مَا سَقَيْتَ لَنَا ۚ فَلَمَّا جَاءَهُ وَقَصَّ عَلَيْهِ الْقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفْ ۖ نَجَوْتَ مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ

(Markaasay u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoon waxayna ku Tidhi Aabahay wuu kuu Yeedhi inuu kaa Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u Yimid oos Uga Warramay Qisadii yuu ku yidhi ha Cabsan Waad ka Kortay Qoomkii Daalimiinta ahaa).

Alle wuxuu jecel yahay xishoodka guud ahaan Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(إن الله عز وجل حَيِيٌّ سِتِّيرٌ، يحب الحياء والسِّتْر)

(Alle (CW) waa xishood badan yahay waana astur badan yahay, wuxuuna jecel yahay xishoodka iyo asturaadda)
5- inay ka fogaato inay la saaxiibto dumarka xunxun oo xumaanta muujista oo ku faana qaawanaanta iyo macsiyada.

Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(المرءُ على دينِ خليلِه فلينظرْ أحدُكم مَن يُخاللُ)

أخرجه أبو داود ، والترمذي ، وأحمد واللفظ له

(Qofka wuxuu ku sugan yahay diinta (dhaqanka) saaxiibkiisa ha iska fiiriyo midkiina qofka uu la saaxiibayo). 

Akhlaaqda Gabadha Muslimada iyo sharafta 
Akhlaaqda Gabadha Muslimada iyo sharafta

Akhlaaqda Gabadha Muslimada iyo sharafta

Muslinka guud ahaan waxaa laga rabaa inuu akhlaaq lahaado waxaana ugu muhiimsan akhlaaqda xishoodka, gabadhaayaana ugu daran xagga xishoodka, maxaayeelay iyada way ka duwan tahay ninka.

Akhlaaqda waxay siinaysaa gabadha muslimadda ah sharaf weyn iyo ajir weyn

Aamusnaanta sideen uga baxaa qofka aamusan ma kibir badan yahay

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More