Islaamka iyo tartanka dhabta ah oo guusha lagu gaaro

Diinta islaamka waa diin ku boorrisa dadka inay wanaag ku tartamaan oo ay dadka kale wax u taraan, waa diin bulshada si fiican u dhista oo ku wajahda waxa khayrka ugu jiro.

Islaamka iyo tartanka dhabta ah oo guusha lagu gaaro
Islaamka iyo tartanka dhabta ah oo guusha lagu gaaro

Waxa ugu fiican waxa lagu tartamo waa khayrka iyo wanaagga, umadda marka ay wanaag ku tartanto way liibaanaysaa waddada jannada waa ku tartanka khayrka iyo samaha..

Khayrka in loo degdego waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu fiican aduun iyo aakhiro waa camal suuban oo lagu helayo wanaag oo dhan.

wuxuu yiri Alle:

(سَابِقُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا كَعَرْضِ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ أُعِدَّتْ لِلَّذِينَ آمَنُوا بِاللَّهِ وَرُسُلِهِ ذَلِكَ فَضْلُ اللَّهِ يُؤْتِيهِ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ)‏

 (U orotama Dambidhaafka Alle iyo Janno ballarkeedu yahay ballarka cirka iyo dhulka oo kale, loona darbay kuwa rumeeyay Alle iyo Rasuulkiisa, Arrintaasuna waa samafal Eebana wuxuu siin Ruuxuu doono, Eebana Fadligiisu waa wayn yahay)

wuxuu leeyahay Alle:

{وَسارِعُوا إِلى مَغْفِرَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّماواتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ}

(Una deg daga Dambi dhaafka rabbigiina iyo Janno Ballaarkeedu yahay cirarka iyo Dhulka oo loo darbay kuwa dhawrsada).

wuxuu yiri Alle subxaanahu:

{وَمَنْ أَرَادَ الْآخِرَةَ وَسَعَى لَهَا سَعْيَهَا وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُولَئِكَ كَانَ سَعْيُهُمْ مَشْكُورًا}

 (Ciddiise Doonta Aakhiro oo u fala camalkeedii isagoo Mu’min ah kuwaas Camalkoodu wuxuu Noqon mid la Mahdiyo).

Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu ahaa mid leh himo sarreysa noloshiiisa oo dhan waxaa ka mid ah cibaadadiisa, rabbigiisa ayaa la hadlay asoo ku leh:

{يَا أَيُّهَا الْمُزَّمِّلُ * قُمِ اللَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا * نِصْفَهُ أَوِ انْقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا * أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ الْقُرْآنَ تَرْتِيلًا * إِنَّا سَنُلْقِي عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا}

( kan Isduuduubayow * Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee * Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar * Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican * Annagaa Kugu Dajin Hadal Culus (wayne))

Nabiga wuxuu soo toosi jiray habeenkii ilaa cagihiisa ay ka bararaan marka la weyddiiyayna arrinkaas wuxuu yiri:

(أَفَلاَ أكُونَ عبْداً شكُورًا؟)

(Miyaanan noqonaynin addoon mahad badan).

Maxaa ka badan inuu ku boorrinayay asxaabtiisa iyo umaddiisa soocnaanta iyo himada sare, wuxuu leeyahay:

(فَإِذَا سَأَلْتُمُ اللَّهَ فَسَلُوهُ الفِرْدَوْسَ ؛ فَإِنَّهُ أَوْسَطُ الجَنَّةِ ، وَأَعْلَى الجَنَّةِ ، وَفَوْقَهُ عَرْشُ الرَّحْمَنِ ، وَمِنْهُ تَفَجَّرُ أَنْهَارُ الجَنَّةِ)

(Haddaad Alle weyddiinaysaan weyddiista Fardows, waa jannada ugu fiican uguna sarreysa waxaa korkeeda ah carshiga raxmaanka, waxaana kasoo burqada webiyada).

wuxuu yiri:

{مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُ حَيَاةً طَيِّبَةً وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ مَا كَانُواْ يَعْمَلُونَ}

(Ciddii camal fasha wanaag oo Raga ama haweena isagoo mu’mina waxaan noolaynaynaa Nolol wanaagsan, waxaana ku abaal marinaynaa Ajirkooda waxa ugu Wanaagsan ee ay falayeen).

Wuxuu yiri:

{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّاتُ الْفِرْدَوْسِ نُزُلاً}

(Kuwa rumeeyay (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso degid, (martiqaad))

wuxuu na amray Alle inaan ku tartanno goobaha khayrka iyo waxtarka dalka kusoo noqonaya, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{فَاسْتَبِقُوا الْخَيْرَاتِ إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ}،

(Ee u oratama Wanaaga, meelkastood ahaataana Eebe wuu idin keeni (oo idin kulmin) dhammaantiin, Eebana wax walba wuu karaa (haduu doono),)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More