Siduu islaamka bulshada u ilaaliyay

Diinta islaamka ma aha kaliya diinta cibaadada xoogga saarta ee waa diin dhinac walba nolosha hagaajisa, waa diin dhaqanka dadka toposisa, dad badan awaxay u haystaan diinta islaamka inay ku kooban tahay masjidka kaliya. Sidaas ma aha sheekada qofka wax kaste uu samaynayo waa lala xisaabtimayaa, waxaana laga rabaa inuu raaco sharciga Ilaahay soo dejiyay.

Siduu islaamka bulshada u ilaaliyay
Siduu islaamka bulshada u ilaaliyay

Wuxuu yiri Alle asoo xarrimaya sinada:

{وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا}

(Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane waddana u xune)

sidoo kale nabiga wuxuu xarrimay qadfiga (cayda) hablaha dhowrasan wuxuuna ku tiriyay dambiyada waaweyn wuxuu yiri:

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaalaha bulshada fasahaadiya muslinka in la caayo ama lala diriro.

(اجْتَنِبُوا السَّبْعَ الْمُوبِقَاتِ) ، قيل : يا رسول الله ، وما هنّ؟ قال : (… وَقَذْفُ الْمُحْصَنَاتِ الْغَافِلاَتِ الْمُؤْمِنَاتِ….)

(Ka fogaada toddobada wax halaagta waxay ku dhaheen  rasuulkii allow maxay yihiin? wuxuu yiri (…. in la qadfo hablaha dhowrasan barina ah oo iimaanka leh…),

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaalaha bulshada fasahaadiya muslinka in la caayo ama lala diriro.

wuxuu reebay nabiga cayda iyo aflagaaddada guud ahaan wuxuuna ku magacaabay fisqi wuxuu yiri:

(سِبَابُ الْمُسْلِمِ فُسُوقٌ ، وَقِتَالُهُ كُفْرٌ)

(Cayda muslinka waa fisqi dagaalkiisa waa gaalnimo)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More