Juuj iyo wa Maajuuj labo qoom miyaa

Juuj iyo wa Maajuuj labo qoom miyaa

Su’aasha:

Juuj iyo wa ma juuj ma laba qoombaa mise waa hal qoom.

Juuj iyo wa maa juuj labo qoom miyaa
Juuj iyo wa maa juuj labo qoom miyaa

Jawaabta:

Juuj iyo Maajuuj waa dad ka soo jeeda Yaafth bin Nuux nabi Nuux (CS) wiilkiisa waa labo ummad oo ku nool adduunka, waxaa lagu xiray meel aysan kasoo bixi karin sida quraanka sheegay, waayo waa qoom fasahaad badan waana gaalo, naartana iyagaa lagu buuxinayaa, waxay soo baxayaan aakhri samaanka, waxayna ka mid yihiin calaamadaha qiyaamaha, sida axaadiis badan ay sheegtay, waxaa ka mid ah xadiiskan uu Bukhaari wariyay:

أنَّ النَّبيَّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ دَخَلَ عَلَيْهَا فَزِعًا يقولُ: لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ! ويْلٌ لِلْعَرَبِ مِن شَرٍّ قَدِ اقْتَرَبَ؛ فُتِحَ اليومَ مِن رَدْمِ يَأْجُوجَ ومَأْجُوجَ مِثْلُ هذِه. وحَلَّقَ بإصْبَعِهِ الإبْهَامِ والَّتي تَلِيهَا، قالَتْ زَيْنَبُ بنْتُ جَحْشٍ: فَقُلتُ: يا رَسولَ اللَّهِ، أَنَهْلِكُ وفينَا الصَّالِحُونَ؟ قالَ: نَعَمْ؛ إذَا كَثُرَ الخَبَثُ.

Nabiga (SCW) ayaa usoo galay xaaskiisa Zaynab asoo argagaxsan oo oranaya: Ilaah kale ma jiro Alle mooyee! halaag ayaa uga sugan carabta shar soo dhowaatay; maanta waxaa qeyb laga furay teedka Yaauuj iyo Maajuuj, wuxuu isku laabay suulkiisa iyo farta xigta, Zaynab bintu Jaxsh ayaa ku tiri: waxaan iri: rasuulkii Allow miyaan halaagsamaynaa iyagoo dadka suuban ay nagu dhex jiraan? wuxuu yiri: haa markay xumaantu badato.

 

Teedka Yaajuuj iyo Maajuuj iyo riyada khaliifaha Alwaathiq billaah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More