Riyada haweeney oo gabar dhar hooyadeeda ugu dhiibaysa

Su’aasha:

Asc Sheikh allaha ku barakeyo waxan ku riyooday anigo suuqa joogo waxan rabay inan hilib soo gato kawaanka ayan so dhex maray ninka gees joogo inan ka gato ayan rabay lkn albab aya u dhaway waan fiiriye haweeney aan garaneen ayaa i wacde dhar bac ku jiro aye ii dhiibte hooyada ugee aye igu dhahde.
Jazakaallh.

Riyada haweeney oo gabar dhar hooyadeeda ugu dhiibaysa
Riyada haweeney oo gabar dhar hooyadeeda ugu dhiibaysa

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa khayr iyo asturaad, dharka bacda ku jiro wuxuu astaan u yahay ceeb astur, wuxuu noqon karaa dharka guur ka dhacaya reerkiina, adiga ha lagu guursado ama gabar walaashaada ama gabar qaraabadaada xagga hooyadaada kasoo jeedda, guud ahaan riyada waa riyo fiican oo tilmaamaysa farxad iyo asturaad.

Waxaa kaloo xoojinaya fasirkan suuqa aad gashay, suuqa wuxuu tilmaamaa farxad iyo munaasabo marka sidan lagu arko.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More