Fadliga dhexdhexaadinta dadka

 

Fadliga dhexdhexaadinta dadka
Fadliga dhexdhexaadinta dadka

Dadka in la maslaxeeyo oo la dhexdhexaadiyo waa camal aad u weyn nusuusta sharciga si fiican ayay uga hadashay.

wuxuu leeyahay Alle – subxaanahu -:

{لاَ خَيْرَ فِي كَثِيرٍ مِنْ نَجْوَاهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلاَحٍ بَيْنَ النَّاسِ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ ابْتِغَاءَ مَرْضَاةِ اللَّهِ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا}

(Khayr ma leh wax badan oo faqooda ah, oon ahayn mid fara sadaqo ama wanaag ama hagaajin dadka dhexdooda, ruuxii fala saas asoo doonayo raalli ahaanshaha Alle waxaanu siin ajir weyn),

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ}

(Mu’miniintu waa uun walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee)

wuxuu leeyahay Alle:

{وَإِنْ خِفْتُمْ شِقَاقَ بَيْنِهِمَا فَابْعَثُوا حَكَمًا مِنْ أَهْلِهِ وَحَكَمًا مِنْ أَهْلِهَا إِنْ يُرِيدَا إِصْلاحًا يُوَفِّقِ اللَّهُ بَيْنَهُمَا إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا خَبِيرًا}

(Haddaad ka cabsataan iskhilaafka dhexdooda u bixiya garsoore ehelkiisa ah iyo garsoore ehelkeeda ah, hadday doonaan wanaajinna Eebe wuu iswaafajin dhexdooda, Eebana waa oge xeeldheer),

wuxuu leeyahay nabiga (SCW):

(ألاَ أخْبرُكُمْ بأفْضَلِ دَرَجَةٍ مِنَ الصَّلاَةِ وَالصَّدَقَةِ؟) ، قَالُواْ: بَلَى يَا رَسُولَ اللهِ ، قَالَ : (إصْلاَحُ ذاتِ الْبَيْنِ ، وَفَسَادُ ذاتِ الْبَيْنِ هِيَ الْحَالِقَةُ ، فَلاَ أقُولُ تَحْلِقُ الشَّعْرَ وَلَكِنْ تَحْلِقُ الدِّيْنَ) . 

(ma idin sheegaa wax ka darajo badan salaadda iyo sadaqada?), waxay dhaheen haa rasuulkii allow, wuxuu yiri: ( waa kala maslaxaynta, iskuxumaanshaha waa midda wax xiirta, ma oranayo timaha ayay xiirtaa, laakin diinta ayay xiirtaa).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More