Naagta been ii sheegayso maxaan ku garan karaa

How I know the woman who lying?

Su’aasha:

Waxan raba inaad iga jawabtan su’asha oo ah naag ayan shukaansaday marka waan ka shakiyay inay been ii sheegayso gabar an qaraabo nahay ayaa igu tiri gabadhan beenta ayay xariif ku tahay marka anigana aad baan u jeclaaday maxaad igu talinaysaan oo aan kula dhaqamayaa nagtaas teeda kale waxaan ku arkay arin aan la yaabay waa gabar lacagta aad u jecel mar waxay igu tiri aniga iyo lacagta waxan isku nahay mukulaal iyo doolli marka anigana waxaan ku fikirayay inaan guursado maxaan sameeyaa ila taliya.

Naagta been ii sheegayso maxaan ku garan karaa
Naagta been ii sheegayso maxaan ku garan karaa

Jawaabta:

Marka hore waxaa mhimsan gabadha aad guursanayso inaad ku kalsoon tahay oo ay tahay gabar fiican oo akhlaaq leh, haddii ay tahay gabar been badan mustaqbalka waxaad kala kulmi doontaa dhibaatooyin badan, waayo marka guriga laysla galo waxyaalo badan ayaa imaanaya xagga nolosha marka qof beenlow ah lalama noolaan karo, teeda kale sifada ah inay lacag jeceshay waa sifo xun, waayo dumarka aadka lacagta u jecel naftooda xitaa way huraan marka qof kaste lacag wuu jecel yahay laakin marka qofka uu xaadka ka baxo jacaylkiisa lacagta wuxuu u samayn karaa lacagta wax walbo, marka laa laga digaa naagaha lacagta jecel iyo naagaha beenta badan, teeda kale jacaylka aad iyada jeceshay haku xirnaado wanaaggeeda hadday xun tahay maxaad u jeclaanaysaa, waxaan kula talinaynaa gabar kale ka fiican ayaan heli karaa ee iska jir naag xoolo aad jevel iyo naag beenley ag.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More