Saameyska uu leeyahay saaxiibka

Saaxiibtinnimada aad ayay u saameysaa qofka kale, saaxiibka xun aakhiro wuxuu kugu noqonayaa cadow, taasna waxaa lagu sheegay nusuus fara badan oo ka kooban aayado iyo axaadiis.

Saameyska uu leeyahay saaxiibka
Saameyska uu leeyahay saaxiibka

Alle kitaabkiisa kariimka ah wuxuu  ku yiri:

 {الْأَخِلَّاءُ يَوْمَئِذٍ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ إِلَّا الْمُتَّقِينَ}

(Saaxiibadu Maalinta qiyaame qaarkood qaarka (kale) waa u col kuwa dhawrsaday mooyee (mu’miniinta).)

Wuxuu yiri Alle:

{وَيَوْمَ يَعَضُّ الظَّالِمُ عَلَى يَدَيْهِ يَقُولُ يَا لَيْتَنِي اتَّخَذْتُ مَعَ الرَّسُولِ سَبِيلًا * يَا وَيْلَتَى لَيْتَنِي لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًا * لَّقَدْ أَضَلَّنِي عَنِ الذِّكْرِ بَعْدَ إِذْ جَاءَنِي وَكَانَ الشَّيْطَانُ لِلْإِنسَانِ خَذُولًا}

(Xusuusana Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka Jid (maan Rumeeyo) * Halaag iyo Shalleytee Maxaan hebel Saaxiib uga Yeeshay * Wuxuu iga Leexiyay Quraanka intuu ii yimid kadib, Shaydaanna Dadka Wuxuu u Yahay Dayace (Meel Xun kaga tage))

wuxuu yiri  Alle  -subxaanahu -:

{فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَى بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ * قَالَ قَائِلٌ مِنْهُمْ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ * يَقُولُ أَإِنَّكَ لَمِنَ الْمُصَدِّقِينَ * أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَدِينُونَ * قَالَ هَلْ أَنْتُمْ مُطَّلِعُونَ * فَاطَّلَعَ فَرَآهُ فِي سَوَاءِ الْجَحِيمِ * قَالَ تَاللَّهِ إِنْ كِدْتَ لَتُرْدِينِ * وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّي لَكُنْتُ مِنَ الْمُحْضَرِينَ * أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ * إِلَّا مَوْتَتَنَا الْأُولَى وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ * إِنَّ هَذَا لَهُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ * لِمِثْلِ هَذَا فَلْيَعْمَلِ الْعَامِلُونَ}

(Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo wax iswaydiin * Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiib * wuxuu dhihi jiray adigu ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta) * Ma markaan dhimanaa oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin * Wuxuuna dhihi ma dayeysaan * Markaasuu dayay kuna arkay jaxiima dhexdeeda * Wuxuuna dhahay Allaan kudhaartayee waxaad u dhaweyd inaad I halaagto (I dhumiso) * Haddayna Nimcada rabbigayga jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta) * (Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaan dhimaneynin * Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayo * Taasina waa uun liibaanta wayn * Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali)

Alle, wuxuu yiri Alle:

{قَالَ لَهُ صَاحِبُهُ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَكَفَرْتَ بِالَّذِي خَلَقَكَ مِن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّاكَ رَجُلًا * لَّكِنَّا هُوَ اللَّهُ رَبِّي وَلَا أُشْرِكُ بِرَبِّي أَحَدًا * وَلَوْلَا إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَاءَ اللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ إِن تَرَنِ أَنَا أَقَلَّ مِنكَ مَالًا وَوَلَدًا * فَعَسَى رَبِّي أَن يُؤْتِيَنِ خَيْرًا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا حُسْبَانًا مِّنَ السَّمَاءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًا زَلَقًا * أَوْ يُصْبِحَ مَاؤُهَا غَوْرًا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُ طَلَبًا * وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَى مَا أَنفَقَ فِيهَا وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَى عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّي أَحَدًا}.

(Wuxuu yiri saaxiibkiisa isagoo la hadlaya ma waxaad ka gaaloowday Allaha kaa abuuray carro, hadana dhibic markaas ku ekeeyay adoo nin ah * hasa yeeshee Ilaahay waa rabbigayga lana wadaajiin maayo rabbigayga (cibaadada) cidna * maxaadan markaad gasho beertaada u dhihin wuxuu doono Alle, xoog ma jiro Alle mooyee, haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo caruurba * wuxuu u dhawyahay rabbigayga inuu i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna diro korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo * ama ahaadaan biyaheedu kuwa guray oodan karin doonid (soo celin) * waa la koobay mirihiisii (waa la halaagay) oo ahaaday kii gaddin gacmihiisa wuxuu ku bixiyay iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh shalleytee maanan la wadaajin rabbigayga cidna).

Wuxuu leeyahay nabigeena:

(الْمَرْءُ عَلَى دِينِ خَلِيلِهِ، فَلْيَنْظُرْ أَحَدُكُمْ مَنْ يُخَالِلُ)

(Qofka waa diinta saaxiibkiisa ee ha iska fiiriyo midkiina qofka uu la saaxiibayo)

Wuxuu leeyahay nabiga:

(لَا تُصَاحِبْ إِلَّا مُؤْمِنًا ، وَلَا يَأْكُلْ طَعَامَكَ إِلَّا تَقِيٌّ)   

(Hala saaxiibin qofaan mu’min ahayn, cuntadaadana yuuna cunin qofaan taqi ahayn),

Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu noogu matalay saaxiibka xun kan afuufa buufinka tumaalka wuxuu yiri:

 (إِنَّمَا مَثَلُ الْجَلِيسِ الصَّالِحِ وَالْجَلِيسِ السّوءِ ، كَحَامِلِ الْمِسْكِ، وَنَافِخِ الْكِيرِ، فَحَامِلُ الْمِسْكِ : إِمَّا أَنْ يُحْذِيَكَ ، وَإِمَّا أَنْ تَبْتَاعَ مِنْهُ ، وَإِمَّا أَنْ تَجِدَ مِنْهُ رِيحًا طَيِّبَةً ، وَنَافِخُ الْكِيرِ : إِمَّا أَنْ يُحْرِقَ ثِيَابَكَ ، وَإِمَّا أَنْ تَجِدَ رِيحًا خَبِيثَةً).

(Saaxiibka fiican iyo saaxiibka xun tusaalahooda waa sida kan miskiga wada iyo kan buufinka tumaalka afuufaya, kan miskiga inuu wax kuu hadiyeeyo ama aad ka gadato ama aad ka hesho caraf fiican, kan buufinka tumaalka afuufaya inuu dharkaaga gubo ama aad ka hesho ur xun)

maxaa ka fiican qofka yiri:

إذَا كُنْتَ في قَوْمٍ فَصَاحِبْ خِيَارَهُم * وَلاَ تَصْحبِ الأردى فتردى مَعَ الرَّدِي

عَنِ الْمَرْءِ لاَ تَسْأَلْ ، وَسَلْ عَنْ قَرِينِه * فَـــكُــلُّ قَــرِيـنٍ بـالْمُـقَـارَنِ يَـقْـتَـــدِي

Haddaad dad la joogto la saaxiib kooda fiican *

Hala saaxiibin kan halaagsan markaas aad la hagaalsanto

Qofka lama weyddiiyo,weyddii saaxiibkiisa *

Saaxiib kaste wuxuu ku daydaa wadeygiisa

waxaa laga wariyay Ibnu Mascuud inuu yiri: dadka uga qayaas qaata saaxiibayaashooda, qofka lama saaxiibo qofkuu ka helo mooyee

maxaa ka fiican qofka yiri:

إنَّ أخاكَ الحقَّ من كان مَعَك *** ومَـنْ يضـرُّ نفسَـه لينفَعَكْ

ومَنْ إذا ريَبُ الزمانِ صَدَعكْ *** شتَّتَ فيـه شَمْلَـهُ لِيَجْمَعَـكْ

walaalkaaga dhabta ah waa kan kula jiro ***

waa kan isdhibaya suu kuu anfaco

waa kan marka samanka ku kala yaaciyo

iska daadiya arrinkiisa siduu kuu kulmin lahaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More