Fasirka riyada dahabka badan

The gold in the dream

Su’aasha:

Asc walal

Waad Mahadsantihiin Marka hore kadib waan idin salaamaya

Xalay waxan ku riyooday aniga iyo qof aan aqoonin in aan Dahab badan helnay balse markan dahabka helnay waxan dareemay cabsi badan waxay igu noqotay inan dahabka soo xaday camal la i ceyrsanaya waxana ilaalo badan ka hayay dahabka.

F.G: Xalay Fiidka hore waxan daawaday Filim Dahab ka hadlaya marka macquul ma tahay in filimkas sameyn ma igu yeelan kara?

Fasirka riyada dahabka badan
Fasirka riyada dahabka badan

Jawaabta:

Dahabka guud ahaan waxaa lagu fasiraa wax aan ficnayn waxaa la dhahaa midabkiisa jaallaha ah ayaa astaan u ah murug iyo jirro. sidoo kale wuxuu noqonayaa hantidaada inaad weyso haddii ay haween ku riyoodaan mooyee markaas fasir kale ayuu leelnayaa ama qaabab kale loo arko
laakin adiga riyadaada waa riyo naftaadada kugu sheekaysay maadaama aad filin dahab ka hadlayo aad fiirsatay hurdada kahor way iska caddahay filinka inuu ku saameeyay.

riyada noocas ahna fasir ma laha

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More