Dardaaranka Nabiga (SCW) xajka sagootiska

Nabiga (SCW) wuxuu la dardaarmay umaddiisa maalinta xajka wadaaca ama xajka sagootiska, waxaaylo badan ayuu faray wax badanna waa ka reeebay axaadiis badan ayaa kasoo arooray.

Dardaaranka Nabiga (SCW) xajka sagootiska
Dardaaranka Nabiga (SCW) xajka sagootiska

Waxaa laga wariyay Cabdiraxmaan Bin Abii Bakrata wuxuuna ka wariyay aabbihiisa in nabiga ku fariistay ratigiisa qof ayaa u qabtay hoggaankiisa kaddib wuxuu yiri rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(أَيُّ يَوْمٍ هَذَا؟ فَسَكَتْنَا حَتَّى ظَنَنَّا أَنَّهُ سَيُسَمِّيهِ بِغَيْرِ اسْمِهِ ، قَالَ : أَلَيْسَ يَوْمَ النَّحْرِ ؟ قُلْنَا : بَلَى ، قَالَ : فَأَيُّ شَهْرٍ هَذَا؟ فَسَكَتْنَا حَتَّى ظَنَنَّا أَنَّهُ سَيُسَمِّيهِ بِغَيْرِ اسْمِهِ ، فَقَالَ : أَلَيْسَ بِذِي الْحِجَّةِ ؟ قُلْنَا : بَلَى، قَالَ : فَإِنَّ دِمَاءَكُمْ وَأَمْوَالَكُمْ وَأَعْرَاضَكُمْ بَيْنَكُمْ حَرَامٌ كَحُرْمَةِ يَوْمِكُمْ هَذَا فِي شَهْرِكُمْ هَذَا فِي بَلَدِكُمْ هَذَا ، لِيُبَلِّغِ الشَّاهِدُ الْغَائِبَ ، فَإِنَّ الشَّاهِدَ عَسَى أَنْ يُبَلِّغَ مَنْ هُوَ أَوْعَى لَهُ مِنْهُ)

(Maanta waa maalintee? Waan aammusnay ilaa aan u malaylano inuu magac kale ku magacaabayo, wuxuu yiri: maalinta gowricidda sow ma aha? Waxaan niri: haa wuxuu yiri: bishan waa bishee? Waan aammusnay ilaa aan u malayno inuu magac kale ku magacaabayo, wuxuu yiri dilxija sow ma aha? Waxaan niri: haa, wuxuu yiri: dhiiggiina iyo hantidiina iyo sharaftiina waxay idin ka yihiin xaaraan sida xurmada maalintiina tan ah bishiina tan baladkiina kan ah, ha gaarsiiyo kan joogo midka maqan, kan joogo waxaa laga yaabaa inuu gaarsiiyo qof isaga ka fahan badan)

wuxuu ka digay rasuulka digniin kale isla khudbadan oo la xiriirta xurmada dhiigga wuxuu yiri:

(لاَ تَرْجِعُوا بَعْدِي كُفَّارًا ، يَضْرِبُ بَعْضُكُمْ رِقَابَ بَعْضٍ)

(Ha noqonin gadaashayda gaalo qaarkooda qaarka kale qoorta ka jaraya).

Siduu islaamka u xarrimay in lagu xadgudbo nafta sidaas oo kale wuxuu u xarrimay in lagu xadgudbo hantida si kaste ha ahaado xadgudubka, wuxuu yiri Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلَّا أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ}

(Kuwa (xaqa) rumeeyow ha cunina xoolihiina dhexdiinna si baadil ah inuu ganacsi aad raalli isaga tihiin yahay mooyee)

wuxuu ku yiri rasuulka khudbaddiisa:

(…إِنَّ الشَّيْطَانَ قَدْ يَئِسَ أَنْ يُعْبَدَ فِي بَلَدِكُمْ هَذَا آخِرَ الزَّمَانِ ، وَقَدْ رَضِيَ مِنْكُمْ بِمُحَقَّرَاتِ الْأَعْمَالِ ، فَاحْذَرُوهُ فِي دِينِكُمْ …) ،

(Shaydaanka wuxuu ka quustay in lagu caabudo baladkiina kan ah aakhir samaanka laakin wuxuu idinkaga raalli noqday camalada aad yareysataan iska jira xagga diintiina).

Alle (caz wa jalla) si duuduuban ayuu ugu tilmaamay oraahdiisa bilaha xurmada leh:

{إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِنْدَ اللَّهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا فِي كِتَابِ اللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ فَلَا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنْفُسَكُمْ}،

(tirada bilaha Eebe agtiisa waa Laba iyo toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda naftiinna) nabigeenana wuxuu ugu caddeeyay khudbada xajka sagootiska si faahfaahsan markuu yiri:

(أَلا إِنَّ الزَّمَانَ قَدْ اسْتَدَارَ كَهَيْئَتِهِ يَوْمَ خَلَقَ اللَّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ، السَّنَةُ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا، مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ، ثَلَاثَةٌ مُتَوَالِيَاتٌ: ذُو الْقَعْدَةِ وَذُو الْحِجَّةِ وَالْمُحَرَّمُ، وَرَجَبُ مُضَرَ الَّذِي بَيْنَ جُمَادَى وَشَعْبَانَ).

(Samanka wuxuu usoo wareegtay sidiisa oo kale, maalinta Ilaahay abuuray samadaha iyo dhulka, sanadka waa labo iyo toban bilood, waxaa ka mid ah afar bilood xurmo leh, seddex way isku xigaan: Dulqacda, iyo Dulxijja iyo Muxarram, iyo Rajabka Mudar oo u dhexeeya Jumaadaa iyo Shcbaan)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More