Daawada dhaawacyada galmada ka dhasha ee faruuraha xubinta dumarka

Su’aasha:

scw aniga iyo ninkayga markan samaynaynay galamada qalayl darti ayaa diig igaga yimid faruuraha yaryar iyo maqaarka afka cambarka marka aan kaadinayo kaadida way i gubtaa xataa biyaha markaan ku dhaqayo maxan sameyn karaa oo daawo u ah.

Daawada dhaawacyada galmada ka dhasha ee faruuraha xubinta dumarka
Daawada dhaawacyada galmada ka dhasha ee faruuraha xubinta dumarka

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa in galmada laga hormarsiiyo istiin, istiinka faa’idada uu u leeyahay galmada waa dhacaanka ka yimaada ninka iyo naagta oo sahal ka dhiga galmada.
Marka hadda waxaa lagaa rabaa inaad ka nasato galmada markay ugu yar tahay muddo hal todobaad ah adoo adeegsanaya biyo qandac ah oo milix leh.
Haddii aad tahay dumarka dhacaanka badan aan lahayn waxaa la helaa daawo loogu talagalay oo qoyaanka ninka u eg oo la mariyo xiliga raaxada oo sahal ka dhigaysa shaqada sariirta oo kaa ilaalinaysa in dhaawac kusoo gaaro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More