Deynta oo layska cafiyo ajarka laga helo

Deynta oo layska cafiyo ajarka laga helo

Deynta oo layska cafiyo ajarka laga helo
Deynta oo layska cafiyo ajarka laga helo

Qofka marka aad wax deemiso oo ay ku adag tahay inuu deynta gudo waxaa habboon inaad ka fududeyso ama inaad u dhaafto hadaad ka maarmi karto lacagta aad ku leedahay ajir weyn ayaa laga helayaa arrinkaas axaadiis iyo aayado ayaa tilmaamaya

wuxuu yiri Alle:

(وَإِنْ كَانَ ذُو عُسْرَةٍ فَنَظِرَةٌ إِلَى مَيْسَرَةٍ وَأَنْ تَصَدَّقُوا خَيْرٌ لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ)

(Hadduu yahay mid ciriiri ku jiro (Kan wax lagu leeyahay) ha la sugo intay uga fududaato, haddaad sadaqaysataan (ka saamaxdaan) ayaa idiin khayr badan haddaad ogtihiin)

wuxuu leeyahay:

(رَحِمَ اللَّهُ رَجُلًا سَمْحًا إِذَا بَاعَ، وَإِذَا اشْتَرَى ، وَإِذَا اقْتَضَى)

(Ilaahay ha u naxariisto nin saamaxaya markuu wax iibinayo iyo markuu wax iibsanayo iyo markuu wax gudanayo)

wuxuu leeyahay:

(رَحِمَ اللَّهُ عَبْدًا سَمْحًا قَاضِيًا , وَسَمْحًا مُقْتَضِيًا)

(Alle ha u naxariisto addoon saamaxaya markuu wax gudayo, markuu gudsanayana saamaxaya)

wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(دَخَلَ رَجُلٌ الْجَنَّةَ بِسَمَاحَتِهِ قَاضِيًا وَمُتَقَاضِيًا)

(Nin ayaa jannada ku galay masaamaxaaddiisa isagoo wax gudaya iyo isagoo wax gudanaya),

wuxuu yiri rasuulka:

(مَنْ أَنْظَرَ  مُعْسِرًا ، أَوْ وَضَعَ عَنْهُ ، أَظَلَّهُ اللهُ فِي ظِلِّهِ )

(Qofkii u kaadiyo kan dhibaataysan ama ka dejiyo (deynta) Ilaahay harkiisa ayuu ugu hareynayaa), wuxuu yiri:

(كَانَ رَجُلٌ يُدَايِنُ النَّاسَ ، فَكَانَ يَقُولُ لِفَتَاهُ: إِذَا أَتَيْتَ مُعْسِرًا فَتَجَاوَزْ عَنْهُ، لَعَلَّ اللَّهَ يَتَجَاوَزُ عَنَّا ، فَلَقِيَ اللَّهَ فَتَجَاوَزَ عَنْهُ )

(Nin ayaa dadka deyn siin jiray wuxuu ku dhihi jiray gacanyarehiisa: haddaad u tagto qof culeys haysto iska dhaaf, waxaa dhici karta Ilaahay inuu naga dhaafo, Ilaahay ayuu la kulmay wuuna ka dhaafay).

wuxuu yiri Alle – subxaanahu -:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلَّا أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ ولَا تَقْتُلُوا أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا)

(Kuwa (xaqa) rumeeyow ha cunina xoolihiina dhexdiinna si baadil ah (xaaraam ah) inuu jiro ganacsi aad raalli isaga tihiin mooyee, hana dilina naftiinna, Alle wuxuu idiin yahay naxariistee),

wuxuu leeyahay Alle – subxaanahu -:

(وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلَا تُحِبُّونَ أَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ)

(Hana iska cafiyaan hana saamaxaan, miyeydaan jeclayn inuu idiin dhaafo Alle, Ilaahayna waa dhaafe naxariista).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More