Fadliga qiimeynta dadka waaweyn

Fadliga qiimeynta dadka waaweyn

Diinta islaamka waa diin ku dhisan naxariis iyo wanaag.

Waa diin qofkii arko qiimaheeda horay kasoo galaya,  dadka in la tixgaliyo diinta way ku boorisay, gaar ahaan dadka danyarta sida dadka waaweyn iyo ilmaha yaryar iyo dumarka.

Fadliga qiimeynta dadka waaweyn
Fadliga qiimeynta dadka waaweyn

Axaadiis badan ayaa kusoo aroortay in la tixgaliyo dadka waxaa ka mid ah axaadiistan soo socda:

Wuxuu yiri rasuulkii Alle (SCW):

(مَا مِن مسلمٍ يكرِم ذا الشَّيبةِ؛ إلاَّ قيَّض الله له من يكرِمه في سِنِّه)

(muslin ma jiro oo sharfaya qof cirroole ah hadday dhacdo Ilaahay wuxuu u diyaarinayaa qof sharfaya markuu weynaado)

 

( إِنَّ مِنْ إِجْلَالِ اللَّهِ إِكْرَامَ ذِي الشَّيْبَةِ الْمُسْلِمِ ، وَحَامِلِ الْقُرْآنِ غَيْرِ الْغَالِي فِيهِ وَالْجَافِي عَنْهُ ، وَإِكْرَامَ ذِي السُّلْطَانِ الْمُقْسِطِ )

(Weyneynta Ilaahay waxaa ka mid ah cirroolaha muslinka in la karaameeyo iyo qofka quraanka xambaarsan oo aan ku xadgudbin aanna ka fogeyn iyo in la karaameeyo qofka xaakimka caadilka ah), wuxuu leeyahay nabiga:

 

 ( لَيْسَ مِنَّا مَنْ لَمْ يَرْحَمْ صَغِيرَنَا ، وَيُوَقِّرْ كَبِيرَنَا، وَيَأْمُرْ بِالْمَعْرُوفِ ، وَيَنْهَ عَنْ الْمُنْكَرِ)

(Naga mid ma aha qofka aan u naxariisanin keena yar aanna weyneynin keena weyn, wanaagna aan farin xumaanna aan reebin)

 

Imisa nabi ayaa carab ahaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More