Teedka Yaajuuj iyo Maajuuj iyo riyada khaliifaha Alwaathiq billaah

Teedka Yaajuuj iyo Maajuuj iyo riyada khaliifaha Alwaathiq billaah

Su’aasha:

Asc Daruur.com, su aashaydu waxay tahay Zadka uu dulqarnayn kuxidhay yaajuuj iyo maaajuuj miyaa wax laga ogaaday meesha uu kuyaallo? Ani ahan waxaan aaminsanahay inay tahay arrin qayb ah oo aan marnaba la ogaan karin,, lkn warbixin aan dhawaan daawaday oo uu channel kiisa kasoo daayay wiil youtuber ahi wuxu ka sheekeeyay qiso kudhacday boqor kamid ah boqorradii cabbaasiyiinta oo la odhan jiray ” alwaathiq billaah ” inuu ku riyooday yaajuuj iyo maajuuj oo zadkii soo jabiyay dabeetana iyagoo Malaayiin ah kasoo daadanaya, riyadaa kadib boqorku wuxu diray nin dhul mareen ah oo uu raaciyay konton nin, kadib socod dheer iyo dhimasho soo gaadhay raggii ladiray badankoodii, intii ka hadhay ay soo heleen calaamad ay kasoo qaadeen albaabka zadka dabeetana ay boqorkii ukeeneen isagna uu abaalmariyay raggii,,

Qisadaa sixadeeda maxaa ka jira

Teedka Yaajuuj iyo Maajuuj iyo riyada khaliifaha Alwaathiq billaah
Teedka Yaajuuj iyo Maajuuj iyo riyada khaliifaha Alwaathiq billaah

Jawaabta:

Qisada uu sheegay waxaa laga soo xigtay buug uu qoray caalim la dhaho Ibn Khordadbeh wuxuu dhintay 912 miilaadiga waa qarnigii tobonaad,  buuggiisa waxaa lagu magacaabaa  كتاب المسالك والممالك Book of Roads and Kingdoms” waa buug jograafi ah oo dhulka ka hadla, dad badan ayaa ku raacay qisada uu soo wariyay laakin isaga kaliya ayay ku biyoshubanaysaa qisadaas cid kale lagama soo guurinin oo isaga ka horraysay.
Culimada tafaasiirta oo dhan ma aysan ka hadlin arrintaas marka sida muuqata qisadaas ma sugna waayo haddii ay sugnaan lahayd culimada tafaasiirta ayaa kasoo guurin lahaa marka ay fasirayeen aayadaha ka hadlaya teedka Yaajuuj iyo Maajuuj.

Teeda kale sida ku sugan axaadiista rasuulka (SCW) way soo bixi doonaan qoomkaas wax yarna waa laga furay teedka waxaa ka mid ah xadiiskan uu Bukhaari wariyay:

أنَّ النَّبيَّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ دَخَلَ عَلَيْهَا فَزِعًا يقولُ: لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ! ويْلٌ لِلْعَرَبِ مِن شَرٍّ قَدِ اقْتَرَبَ؛ فُتِحَ اليومَ مِن رَدْمِ يَأْجُوجَ ومَأْجُوجَ مِثْلُ هذِه. وحَلَّقَ بإصْبَعِهِ الإبْهَامِ والَّتي تَلِيهَا، قالَتْ زَيْنَبُ بنْتُ جَحْشٍ: فَقُلتُ: يا رَسولَ اللَّهِ، أَنَهْلِكُ وفينَا الصَّالِحُونَ؟ قالَ: نَعَمْ؛ إذَا كَثُرَ الخَبَثُ.

التخريج

Nabiga (SCW) ayaa usoo galay xaaskiisa Zaynab asoo argagaxsan oo oranaya: Ilaah kale ma jiro Alle mooyee! halaag ayaa uga sugan carabta shar soo dhowaatay; maanta waxaa qeyb laga furay teedka Yaauuj iyo Maajuuj, wuxuu isku laabay suulkiisa iyo farta xigta, Zaynab bintu Jaxsh ayaa ku tiri: waxaan iri: rasuulkii Allow miyaan halaagsamaynaa iyagoo dadka suuban ay nagu dhex jiraan? wuxuu yiri: haa markay xumaantu badato.

Marka sida xoogga badan waa in sadka ama teedka uusan wali soo dumin dhamaantiisa, waxay soo bixi doonaan nabi ciise (CS) kaddib  sida axaadiis kale saxiix ah ay caddeysay.

Dadka ku fasiraya inay yihiin Yaajuuj iyo Maajuuj indhayarta sida China iyo Japan iyo Korea iwm. kuma saxsana.

 

Sedex malyan xasano sida quraanka looga helo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More