Daliilka labaad ee Islaamka Quraanka kaddib

Addilada laysku waafaqsan yahay waa afar  1- kitaabka 2- sunnada (xadiiska)  3- ijmaaca 4- qiyaaska, waxaa jira addilo kale oo laysku khilaafay, marka sunada nabiga meel weyn ayay ka taagan tahay Islaamka:

Daliilka labaad ee Islaamka Quraanka kaddib
Daliilka labaad ee Islaamka Quraanka kaddib

Alle kitaabkiisa kariimka ah wuxuu ku yiri:

(وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانْتَهُوا وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ)

(Wuxuu Rasuulka idinla yimaado qaata wuxuu idinka reebana ka hara, kana dhowrsada Alle, maxaa yeelay Alle midka ciqaabtiisu daran tahay)

rasuulkiisa  xadiiskiisa sharafta leh wuxuu ku yiri:

(تَرَكْتُ فِيكُمْ مَا إِن اعْتَصَمْتُم بِهِ ، فَلَن تَضِلُّوُا أَبَدًا : كِتَابَ اللهِ ، وَسُنَّةَ نَبِيِّه)

(Waxaan idingaga tagay wax haddii aad qabsataan aydan waligiina lumaynin: kitaabka Alle iyosunada nabigiisa)

wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah subxaanahu watacaalaa:

{لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِالْبَيِّنَاتِ وَأَنْزَلْنَا مَعَهُمُ الْكِتَابَ وَالْمِيزَانَ لِيَقُومَ النَّاسُ بِالْقِسْطِ}

(Dhab ahaan baan ula dirray Rasuulladannadii xujooyin, waxaana u soo dajinnay Kutub iyo Caddaalad, si dadku ugu tooso Caddaalad).

Kaddib wuxuu ku khatimay risaalooyinka sayidkeena muxamed – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, wuxuu la yimid sidii Ilaahay sheegay:

{شَاهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا * وَدَاعِيًا إِلَى اللَّهِ بِإِذْنِهِ وَسِرَاجًا مُنِيرًا}

(Adoo marag ah, oo bishaarayn oo digi * oo Dadka Eebe ugu yeedhi Idankiisa, oo siraad ifi ah).

wuxuu leeyahay Alle:

{وما ينطِقُ عَنِ الهَوَى * إنْ هُوَ إلاّ وَحْيٌ يُوحَى}

(Kumana hadlo hawadiisa * quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha), wuxuu leeyahay Alle:

{وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ}

(Waxaana kugu soo dejinay Quraanka inaad u caddayso Dadka waxa loo soo dejiyay, inay fikiraan), wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(أَلَا إِنِّي أُوتِيتُ الْقُرْآنَ ، وَمِثْلَهُ مَعَهُ)

(Waxaa lay siiyay Quraanka iyo la mid ah oo la socda).

wuxuu leeyahay Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَجِيبُوا لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ}

(Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu idiinku Yeedho wax idin nooleeya (XAQA) Ogaadana in Eebe (Karo) inuu kala Dhexmaro Ruuxa iyo Qalbigiisa, oo Xaggiisa laydin soo Kulmin).

Wuxuu isugu xiray raalligiisa iyo raalliga rasuulkiisa oraahdiisa:

{وَاللَّهُ وَرَسُولُهُ أَحَقُّ أَنْ يُرْضُوهُ إِنْ كَانُوا مُؤْمِنِينَ}.

(Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan hadday Mu’miniin yihiin).

Sidoo kale Alle wuxuu ku xiray daacadiisa daacada nabigiisa, wuxuu leeyahay:

{مَنْ يُطِعِ الرَّسُولَ فَقَدْ أَطَاعَ اللَّهَ}

(Ruuxii adeeca Rasuulka wuxuu Dhab u Adeecay Eebe), wuxuu ka dhigay daacadan sababta naxariista, wuxuu leeyahay Alle:

{وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ}

(Adeecana Eebe iyo Rasuulka waxaad u dhawdihiin in laydiin Naxariistee), wuxuu leeyahay Alle:

{وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ}

(Addeeca Rasuulka waxaad Mudantihiin in laydiin Naxariistee).

Daacadan waxay ku imaanaysaa raacidda sunnadiisa, wuxuu leeyahay Alle:

{قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ}

(Dheh haddaad tihiin kuwo jecel Eebe i raaca haydin jeclaado Eebee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista).

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{وَأَنزَلَ اللَّهُ عَلَيْكَ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَعَلَّمَكَ مَا لَمْ تَكُنْ تَعْلَمُ وَكَانَ فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكَ عَظِيمًا}

(Wuxuuna kugu soo dajiyay Eebe Kitaabka iyo Xigmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon Fadliga Eebana korkaaga waa ku wayny ahay), wuxuu leeyahay Alle:

{وَاذْكُرْنَ مَا يُتْلَى فِي بُيُوتِكُنَّ مِنْ آيَاتِ اللَّهِ وَالْحِكْمَةِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ لَطِيفًا خَبِيرًا}

(Xusuustana waxa lagu akhrin Guryihiin oo aayaadka Eebe ah iyo Sunada (Nabiga), Eebana waa wax walba oge Xeeldheer).

wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah subxaanahu watacaalaa:

{لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا}

(Waxaa idinku sugan rasuulka Alle kudayasho wanaagsan, ruuxii rajayn Alle iyo maalinta aakhiro, Allana xusa in dadan).

wuxuu yiri:

( اكْتُبْ ، فَوَ الَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ مَا يَخْرُجُ مِنْهُ إلاَّ حَقٌّ)

(Qor waxaan ku dhaartay midka nafteyda ay gacantiisa ku jirto, kama soo baxo xaq mooyee).

wuxuu leeyahay Alle:

{وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ}

(Kuma haboona (umana banaana) nin Mu’min ah iyo Haweeney Mu’minad ah Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid Cad), wuxuu leeyahay:

{فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤْمِنُونَ حَتَّى يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لَا يَجِدُوا فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُوا تَسْلِيمًا}

(Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi), wuxuu leeyahay:

{وَإِذَا جَاءَهُمْ أَمْرٌ مِّنَ الْأَمْنِ أَوِ الْخَوْفِ أَذَاعُوا بِهِ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى الرَّسُولِ وَإِلَى أُولِي الْأَمْرِ مِنْهُمْ لَعَلِمَهُ الَّذِينَ يَسْتَنبِطُونَهُ مِنْهُمْ}

(Markuu u yimaaddo amar Nabadgalya ah ama Cabsi way Faafiyaan hadday u Celiyaan Xagga Rasuulka ama kuwa cilmiga Leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (Dhabta) oo ka mid ah)

wuxuu inooga digay khilaafka amarka rasuulka wuxuu yiri:

{فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ}

(Ha ka Digtoonaadeen kuwa Khilaafi Amarka Nabiga inay ku Dhacdo Fidno (Masiibo) ama ku Dhoco Cadaab Daran).

wuxuu yiri Alle:

{وَأَقِيمُوا الصَّلاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ}

(Salaadda ooga sakada bixiya).

wuxuu leeyahay:

(صَلُّوا كَمَا رَأَيْتُمُونِي أُصَلِّي)

 (U tukuda sida aad ugu aragtaan aan u tukanayo),

sidoo kale xajka wuxuu leeyahay rasuulka:

(خُذُوا عني مناسِكَكم)

(Iga qaata manaaiktiina),

waxaa laga wariyay Sacad bin Abii waqaas -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri: wuxuu isoo booqanayay rasuulka Alle anoo Makka ku jirran waxaan iri: hanti ayaan leeyahay hantideyda dhammaanteeda maku dardaarmaa? wuxuu yiri: maya, waxaan iri: barna? wuxuu yiri (maya) waxaa iri: sedex meelood meelna? wuxuu yiri: (sedex meelood meel way badan tahay, inaad ka tagto kuwa ku dhaxlaya iyagoo hanti leh ayaa ka khayr badan iyagoo sabool ah oo dadka gacan hoorsanaya…), sidoo kale waxay caddeysay sunada nabiga in dardaaranka uusan u sugnaanaynin qofka wax dhaxla, wuxuu leeyahay rasuulka:

(لاَ وَصِيَّةَ لِوَارِثٍ)

(Dardaaran uma sugna kan wax dhaxlaya), waxay sheegtay sunada daahirka ah xaraan inay tahay in la jamciyo haweeney iyo eeddadeeda iyo haweeney iyo habaryarteeda, wuxuu leeyahay rasuulka”

(لَا تُنْكَحُ الْمَرْأَةُ عَلَى عَمَّتِهَا ، وَلا عَلَى خَالَتِهَا)

(Haweeney eedadeeda lalama guursado, iyo habaryarteeda)

waxaa laga wariyay Cumar bin Alkhadaab -Ilaahay raalli haka noqdee – inuu rasuulka yiri:

(إِنَّ أَخْوَفَ مَا أَخَافُ عَلَى أُمَّتِي كُلُّ مُنَافِقٍ عَلِيمِ اللِّسَانِ)

(Waxa aan aad umaddayda uga cabsanayo waa munaafuq aqoon leh)

wuxuu yiri:

(هَلَكَ الْمُتَنَطِّعُونَ )

(Waxaa halaagsamay ka badbadiyeyaasha)

wuxuu yiri:

 (إِنَّ اللَّهَ لاَ يَقْبِضُ العِلْمَ انْتِزَاعًا يَنْتَزِعُهُ مِنَ العِبَادِ ، وَلَكِنْ يَقْبِضُ العِلْمَ بِقَبْضِ العُلَمَاءِ ، حَتَّى إِذَا لَمْ يُبْقِ عَالِمًا اتَّخَذَ النَّاسُ رُءُوسًا جُهَّالًا ، فَسُئِلُوا، فَأَفْتَوْا بِغَيْرِ عِلْمٍ ، فَضَلُّوا ، وَأَضَلُّوا)

(Ilaahay cilmiga addoomaha siibid kagama siibo, laakin wuxuu ku qaadaa oofsashada culimada, marka uusan dhaafin caalim dadka waxay sameysanayaan madax jaahiliin ah, waa la weyddiinayaa waxay fatwoonayaan cilmi la’aan way lumayaan wayna luminayaan).

wuxuu leeyahay rasuulka:

(يُوشِكُ رَجُلٌ مُتَّكِئٌ عَلَى أَرِيكَتِهِ يُحَدَّثُ بِحَدِيثِي ، فَيَقُولُ : بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ كِتَابُ اللهِ ، فَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَلاَلاً اسْتَحْلَلْنَاهُ ، وَمَا كَانَ فِيهِ حَرَامًا حَرَّمْنَاهُ ، وَإِنَّ مَا حَرَّمَ رَسُولُ اللهِ (صلى الله عليه وسلم) كَمَا حَرَّمَ اللَّهُ)

(Waxaa soo dhow nin ku dangiigsan salootadiisa oo loo sheegayo xadiiskayga wuxuu oranayaa: waxaa naga dhexeeya kitaabka Alle, wixii aan ka helno xalaal ah waxaan xalaalaysanaynaa, wixii xaaraan ahna waan xarimaynaa, dhabtii wixii uu xarrimay rasuulka waa sida wax Alle xarrimay).

wuxuu leeyahay nabigeena :

( يَحْمِلُ هَذَا الْعِلْمَ مِنْ كُلِّ خَلَفٍ عُدُولُهُ ، يَنْفُونَ عَنْهُ انْتِحَالَ الْمُبْطِلِينَ ، وَتَأْوِيلَ الْجَاهِلِينَ ، وَتَحْرِيفَ الْغَالِينَ ) .

(Cilmigan waxaa ka xambaaraya dad kaste kuwa lagu kalsoon yahay, waxay ka hufaan beenta kuwa baadilka wata, iyo fasirka jaahiliinta iyo taxriifka kuwa xadgudba).

wuxuu leeyahay rasuulka:

(إِنَّ اللَّهَ يَبْعَثُ لِهَذِهِ الْأُمَّةِ عَلَى رَأْسِ كُلِّ مِائَةِ سَنَةٍ مَنْ يُجَدِّدُ لَهَا دِينَهَا)

(Ilaahay wuxuu usoo saaraa umaddan boqol sano kaste qof diinteeda u cusbooneysiinaya)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More