Cibaadada noocyada ay kala tahay

Cibaadada meel weyn ayay ka taagan tahay islaamka, qofka muslinka ah waxaa laga rabaa inuu cibaadada aad ugu dadaalo, dhinaca guud iyo dhinaca gaarba, nusuus badan ayaa ksuoo aroortay qiimaha cibaadada iyo meelaha ay gali karto.

Cibaadada noocyada ay kala tahay
Cibaadada noocyada ay kala tahay

Cibaadada waa labo nooc nooc waa gaar sida salaada iyo soonka  iyo xajka waa camalka adiga kugu soo noqonayo ajarkiisa noocna waa guud waa camalka waxtarkiisa adiga aan kugu koobnayn sida sakada iyo sadaqada iwm.

Alle wuxuu yiri asoo amraya addoomihiisa inay caabudaan:

{إنَّ اللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ هَذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ}،

(Ilaahay waa Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane.)

wuxuu leeyahay (SW):

{وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ}،

(Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.)

Wuxuu kaloo leeyahay (SW):

{وَمَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلا نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لا إِلَهَ إِلا أَنَا فَاعْبُدُونِ}

(Rasuulkaan hortaa dirnayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee i caabuda.)

wxuu leeyaya Alle (SW):

{ حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَى وَقُومُوا لِلَّـهِ قَانِتِينَ }

(xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci).)

wuxuu leeyahay Alle (SW):

{إِنَّ الصَّلاةَ تَنْهَى عَنِ الفَحْشَاءِ وَالمُنْكَرِ}

(Salaaddu waxay ka reebta (Dadka) Xumaanta iyo waxa la noco)

Waxaa soo galaya cibaadada waang kaste qofka uu dadka u qabanayo, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(كُلُّ سُلامَى مِنَ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدقةٌ كلَّ يومٍ تطلُعُ فيه الشَّمسُ، يعدِلُ بين الاثنَين صدقَة، ويُعينُ الرجُلَ على دابَّته فيحمِلُ عليها، أو يرفعُ عليها متاعَه صدقَة، والكلمةُ الطيبةُ صدقَة، وكلُّ خُطوةٍ يخطُوها إلَى الصَّلاةِ صَدَقَة، ويُميطُ الأذَى عَنِ الطَّرِيقِ صَدَقَة).

(xubin kaste dadka ka tirsan sadaqo ayaa laga rabaa, maalin kaste ay qorraxda soo baxayso, labo qof aad kala garsoorayso waa sadaqo, qofka aad ugu kaalmaynayso gaadiidkiisa oo aad alaabta u qaadayso ama aad u dhiibayso alaabtiisa waa sadaqo, hadalka fiican waa sadaqo, talaabo kaste aad u qaadayso salaadda waa sadaqo, jidka dhibka uu ka leexinayo qofka waa sadaqo)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More